photoCaynabo(ANN)Marwada koowaad ee Somaliland Aamina Sh Maxamed Jirde (Aamina Waris) iyo wefti ay hogaaminayso oo ay ka mid yihiin Wasiirrada  Wasaaradda Waxbarashada Samsam Cabdi Aadan iyo Wasiir ku-xigeenka Caafimaada Nimco Qawdhan ayaa maanta booqday deegaanka

 

Tukub oo ka tirsan Degmada Caynaba, halkaas oo ay waxyeelo gaadhsiiyeen roorabka raxmaadka ee ka da’ay oo in ka baddan boqol iyo todobaatan qoys barakiciyeen, isla markaana  saddex caruura oo daadadku qaadeen laba ka mid ah maydkoodii la helay, iyadoo mid kalena weli la la’ayahay.
Marwada ayaa gaadhsiisay dadkaa deeq lacageed oo $ 12, 000 (laba iyo toban kun) oo dollar, iyadoo dhinaca kalena Hay’adda SC Denmark gaadhsiisay raashin ka kooban 150, saliida cuntada iyo Baco, isla markaana loo qaybiyay 170 qoys oo ku barac-kacay roobab mahiigaana oo ka da’ay deegaankaa maalmihii u danbeeyay, kuwaas oo sababay inay dadkaasi ku hoy iyo xoolo beelaan, isla markaana saddex caruur ah oo daadku qaaday laba ka mid ah maydkooda la helay halka kii sadexaad la waayay.
Marwo Aamina Weris iyo wefdiga wasiiradaha la socda  oo shalay baqoolay Caasimada Hargeysa waxay  kormeer ku tageen magaaladda Berbera halkaas oo ay ka qayb qaateen Xus loo samaynayay maalinta Dhir beerista Adduunka oo Somaliland laga xusay shalay aduunka.  Iyagoo usii dhaafay dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo si weyn ay ugu soo dhaweeyeen  Haweenweynaha Gobolka Togdheer, gaar ahaan Ururka Haweenka Qaranka ee Now, Maamulka Gobolka iyo ka degmada Burco, saraakiisha Ciidanka iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan. Kuwaas oo wefdiga Marwada koobaad  kaga hor yimi agagaarka Degmada Qoyta oo 20-Km u jirta Magaalada Burco. Marwaddu waxay socdaalkeeda ku sheegtay inuu la xidhiidho sidii ay u dhagax dhigi lahayd dhisme loo sameynayo xarunta carruurta agoomaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.
Weftigan marwada koowad ee Somaliland hor kacaysay waxaa xubno ka yihiin   Wasiirradda Wasaradda Waxbarashadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,Wasiir xigeenka Wasaaradda Caafimadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, iyo Maareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Amina Maxmud Diiriye.

Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo wefti ay hoggaaminaysay ayaa maanta ka hor intii aanay kasoo laaban magaalada Burco dhagax dhigtay dhismaha xarun lagu daryeeli doono carruurta agoomaha magaalada, kaasi oo laga binaynayo xaafada Aadan Saleebaan ee magaalada Burco.

photo
“Waxaan u mahad naqayaa dadka sharfta leh ee Maanta halkan isugu yimi ee aan ku dhagax dhigayo Xaruuntii Agoomaha ee Gobolka Togdheer oo aan rajanayo in ay noqon doonto goob ay mustaqbalka caruurta Agoonta ah ee ku barbaartaa ay noqon doo naan kuwo mustaqbal wanaagsan hela Waxaanan ILAAHAY ka baryayaa in uu dhamaystir wanaagsan inoogu dhameeyo hirgalinta xaruntan oo baahi weyn loo qabo,”ayay tidhi Marwada koowaad ee Somaliland oo ka hadashay dhagax dhiga xaruntaasi.
Sidoo kale Marwo Aamino Weris ku Sugnayd Xaafada Aadan salebaan ee Magaalada Burco waxay goob fagaare ah kala hadashay dadka dan’yarta ah ee k u nool Xafadaasi waxaynaha uga mahad celisay soo dhaweynta ay u sameyeen.
.

photo
“Waxaan idiinka mahad naqayaa soo dhaweynta wanaagsan ee aad ii samayseen waxaanan Maanta halkan ka dhagax dhigay Xarun jaar idinla noqon doonta oo hoyna u noqon doonta Agoomaha Gobolka Togdheer Waxaanan ku ogahay Xaafadiinan Aadan Salebaan mid Daryeeli Agoomahaasi codsigiina ku saabsan dhul yarida idin haysatana waxaan ugudbin doonaa maamulka Dawlada Hoose ee Burco.”

Geesta kale Xaflad balaadhan oo xalay Marwda Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii ay hoggaaminaysay loogu Sameeyay Hotel Barwaaqo ee Magaalada Burco, waxaana ka soo qeyb gashay madashaasi maamulka Gobolka Togdheer,Kan Degmada Burco,Gudiga horumarinta ee Gobolka Togdheer,Saladiin Cuqaal,Abwaano,qurba jog,Ururada Haweenka iyo Dadweyne kale oo badan.waxaana xafladaasi nuxurkeedu ahaa in dhaqaalaha ku baxaya xaruntan agoomaha looga qeyb qaadan lahaa.

Duqa Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan, ayaa Cadeeyay in in ka Dawlad Hoose ahaan ay ku deeqeen lixdan baloodh oo kamid ah Boqolka baloodh ee Laga hirgalinyo dhiskan Agoomaha halka Afartanka kalena ay ku deeqeen Ilma Cabdale Qawracane.
Canab Cilmi Gaas oo iyana ku hadlaysay Ururada Afka qurba joogta Najax Relief iyo Horseed Kalkaal oo ururada sida gaarka ah u hirgalinaya Xaruuntan Agoomaha ayaa Qeexday in qurba jog ahaan ay yagleelida Xaruuntan ay door muhiima ka ciyaari donaan waxayna Marwada madaxweynaha Somaliland Mahad Naq balaadhan ugu soo jeedisay ka qayb galga Dhagax dhiga goobtani waxaanay Canab ugu baaqday Qurba joogta Somaliland in ay ka qayb qataan hawlaha dhismaha iyo horumarinta Dalka.

.Dhinaca  kale Agaasimaha Guud ee Dibu-dajinta Somaliland Axmed C/laahi Rooraaye ayaa soo saaray qiimaynta khasaarihii ay roobab dhawaan ka da’ay tuulada Tukub ee ka tirsan Demadda Caynabo u geysteen dadka deegaankaa.
Warbixinta ay soo saartay waaxda Dibu-dajinta ee wasaaradda Arrimaha guduhu waxa lagu sheegay 170 qoys inay ku bara-kaceen Roobabkaasi boqol guri oo ay deganaayeena ku baaba’een. halka Sadex qof oo caruur ah laba Meydkoodii la helay midna la’la yahay ilaa hada.
Warbixinta waxa uu Agaasimaha guud ee Dibu-dajintu ku sheegay inaan inta la ogyahay Roobka Deegaanka Caynabo helay la arag muddo 50 sano ah isla markaana uu ahaa Roob weyn oo khasaare balaadhan geystay.
Waxa uu Xukuumadda iyo Hay’adaha Caalamiga ahba ugu baaqay Agaasimuhu in qoysaska ku barakacay Roobabkaasi lala soo gaadho gurmad bini’aadnimo oo deg deg ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *