Addis Ababa(ANN) Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, oo maalmahan  socdaal shaqo ku jooga dalka Somaliland la dariska ah ee Ethiopia , ayaa ka hadlay kulan ay isaga iyo wefdiga uu hogaaminayaa  la yeeshay Raysal wasaaraha dalka Ethiopia   Males Zenawi oo

 

dhawaan u dabaal degay sannad guuradii 20-aad ee Hoggaaminta wadankaa  iyo xisbigiisa EPRDF. Kadib markii ay xukunka ka tureen taliskii Mangiest Hayle Maryam. 
Muuse Biixi waxa uu socdaalkiisan ku weheliya Guddoomiye Ku Xigeenka koowaad C/Raxmaan Talyanle Iyo Maxamed Cilmi Yare waxa uu ka dhashay marti qaad rasmi ah oo uu ka helay Hoggaanka xisbigaasi.

 

“Socdaalkaygu wuxuu ah martiqaad aanu ka helay xisbiga EPRDF  ee talada dalka Ethiopia haya  , oo ah xisbi  xaakimka, oo  Somaliland ku casuumay sannad-guuradooda labaatanaad oo ay u dabaldegayaan. Waxaanu la kulanay muddada dhawrka cisho ah ee aanu joognay Guddida fulinta ee Xisbiga EPRDF oo dhan iyo Xoghayaha degaanka. waxa kale oo aannu la kulanay Guddoomiyaha Xisbiga EPRDF Meles Zenawi, isla markaana ah Ra’iisal Wasaaraha dawladda Ethiopia. Waxaannu la kulannay oo kale xubno dawladda federalka ka tirsan,”ayuu yidhi Md. Muuse Biixi oo xalay  u waramayay TV-ga Horn Cable TV.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in madaxda dalka Itoobiya uu kala hadlay sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Somaliland, waxaanu xusay inuu Hoggaamiyaha Itoobiya u soo jeediyay inuu ku dhiirado aqoonsiga Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka Somaliland haya ee KULMIYE, waxa uu sheegay in Dalxiis ahaan lagu soo mariyey, isla markaana ay soo daawadeen Deegaanno kala duwan oo ka mid ah waddanka Itoobiya. Waxaanu yidhi “Waxa kale oo dalxiis naloo geeyey si aannu u soo daawanno gobollada koonfureed ee dalka Itoobiya.”
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inuu la dhacay horumarka Itoobiya gaadhay labaatanka sanadood ee uu xukumayay wadankaasi xisbiga EPRDF.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *