Hargeysa(ANN):Ururada wadaniga ee Saxaafadda Somaliland ayaa maanta si wada-jir ah u cambaareeyey, isla markaana Bulshada Somaliland ka siiyay raaligelin  war maanta lagu daabacay bogga hore ee Wargeyska madaxa-banaan ee Waaheen oo kasoo baxa magaalada Hargeysa, kaas oo ay

 

saxaafadu si midaysan u sheegtay in aanay la qabin.
Sidaana  waxa lagu sheegay Qoraal ay wadajir ugu  saxeexan yihiin Guddoomiyayaasha Ururada Saxaafada Somaliland, kuwaas oo  kala ah Guddoomiyaha Ururka Saxaafada ee SSJW Yuusuf Cabdi Gaboobe,Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf,Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda USJ Khadar Maxamed Cakuule,Guddoomiyaha Ururka Saxaafadda  SOA
Mustafe Cabdi Maxamed ( Mustafe-Jannaale)

Waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sidan:

“Ururada wadaniga ah ee Saxaafada Somaliland waxay canbaaraynayaan warkii ku soo baxay wargeyska Waaheen Cadadkiisii 583aad ee shalay oo meel ka dhac ku ah  shacabka, madaxda dawlada somalilamd,qaranimada iyo saxaafadda Somaliland intaba,waxaanu ka afeefanaynaa inaanay shacbigu uqaadan ama u fahmin inay saxaafadda dalku la qabto wargeyska waaheen warka uu shalay qoray wargaysku.Intii aragtay ama akhridayna waxaanu u sheegaynaa inaanay la qabin Ururada wadaniga ah ee saxaafada soomaliland ee ay ku kooban tahay uun wargayska. Sidoo kale waxaannu Caddaynaynaa inaanay jirin wax faafreeba oo lagu sameeyo saxaafadda madaxa bannaan ee dalka, sida uu Wargeysku qoray.
Ugu dambayn Madadxda qaranka iyo shacbigaba waxaannu ka raalli gelineynaa warkaasi.”
Ayaa lagu yidhi qoraalka ururada saxaafada Somaliland.

Dhinaca kale Qoraalka uu baahiyay wargeyska Waaheen oo uu kaga hadlay Afhayeenka Madaxtooyada ayaa u dhignaa sidan:- ” Af-hayeenka Madaxtooyadda Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa shalay Saxaafada Dawlada iyo ta Madaxa banaanba ka hor istaagay inay qoraan qaar ka mid ah hadaladii ay Madaxda Qaranku ka jeediyeen munaasibadii shalay lagu furayay Dhisme ay Dawladda Ingiriisku u dhistay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, kadib markii ay dhamaadeen qudbadihii Madashaa laga jeediyay.

Hadalka uu Af-hayeenka Madaxtooyaddu ka faaf-reebay Saxaafadda Dalka ayaa ahaa kii ugu muhiimsanaa ee khuseeyay Xafladaasi gaar ahaaana Dawladii dhistay Dhismaha Xaflada loo qabtay ee lagu caawiyay Somaliland, hadalkaas oo ay jeediyeen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo, Wasiirka Gaashaandhiga Axmed X Cali Cadami iyo Guddoomiyaha Hay’ada Afrcan Education Trust Xasan Embassy ayaanay gabi ahaanba Saxaafadu qorin ama baahin kadib markii uu Af-hayeenku ku amray inaanay soo ban-dhigin isagoo ugu hanjabay cidii qorta inuu marin doono Xeer Ciqaabeed isla markaana Saxaafadda qaarkeed Af-lagaadeeyay. Sidoo kalena waxa uu ku tilmaamay cidii qorta hadalkaasi inuu u adeegayo Somaliya .

Qudbada uu diiday in ay Saxaafadu qorto ee uu Madaxweyne Siilaanyo jeediyay waxay ahayd “Waxaan jecelahay inaan taageerada ay inoo geysteen cidii dhistay oo ah dawladda Ingirriiska inaan mahad naq balaadhan u jeediyo, Dawlada ingiriiska waad ogtihiin, waa dawlad iyo dal taaariikhiyan xidhiidh fara badani inaga dhaxeeyay hadii aynu Somaliland nahay, muddo badan dalkii ugu horeeyay ee aynu istiqlaalka ka qaadanay ahaa imikana ah wadamada inoogu taageerada badan, mucaawino badana inaga siiya dhinacyo kala duwan haday xaga waxbarashada tahay iyo haday dhinacyo kale oo badanba wax inaga tara, dalkeenana horumarkiisa gacan weyn ka geysta. Markaa daartan aan maanta halkan ugu nimid ee quruxda badan leh ee aad iyo aadka u wanaagsan waa mid magacii Wasaaradda Difaaca iyo Qarankaba kor u qaadaya” .

Talaabadan uu Cuskuse ku hor is-taagay ayay dadku wax badan iska weydiiyeen iyagoo su’aalaha ugu badan ee la hadal hayay ay ahayd waa maxay awooda gaarka ah ee uu Af-hayeenku leeyahay ee uu ku hor is-taagayo hadalka uu meel fagaare ah ka jeediyay Madaxweynihii talada Dalka hayay? Mase la ogyahay Madaxweynuhu arrintan haddii aanu ogeynse siday ula muuqanaysaa in isagoo si xor ah loo soo doortay in qudbadihiisa laga faaf-reebo Saxaafadda?.

Goormayse danbi noqotay in la sheego Deeq Dalkan ay ugu deeqdaya Dawlad ka mid ah kuwa ugu quwada weyn Adduunka oo ay ahayd inaynu cadawgeena ugu faano inuu Af-hayeenku yidhaahdo qofkii qoraa cadawguu u adeegayaa iyadoo la iska indho tirayo guusha ay arrintani inoo leedahay.

Af-hayeenkuse miyaanu ahayn kii shalay markii lagu eedaynayay Xukuumaddu inay ka qayb gashay Shirkii Qaramada Midoobay ay Nairobi ugu qabatay Kooxaha Somaliya laha Siilaanyo waa Mujaahid Afartan sano Dalkan u soo halgamayay oon looga baqayn meel kasta oo uu u marayo Ictiraaf raadinta qadiyada Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo ah ruug cadaa Siyaasi ah oo cod kar ah oo aan laga faaf-reebi jirin hadalada u ku khudbadeeyo oo ahaa kuwo aan dhac-dhac lahayn oo Gola-ka-fuul ah ayay arrintani uu ku talaabsaday Af-hayeenkiisu ka dhigaysaa waa cusub oo u furmay taariikhdiisa iyadoo tan iyo intii uu xilka qabtay lagu arkayay khudbadihiisa inuu ka akhriyo qoraalo loo soo diyaariyay, kuwaasoo u muuqda in laga ilaalinayo inuu ku dhaco khaladaad.

Talaabadan uu af-hayeenku kula kacay Saxaafadda ayaa ah mid ka hor-imanaya madax-banaanida uu damaanad-qaaday Dastuurku iyo xeerka Saxaafaddu, kuwaasi mamnuucaya in faaf-reeb lagu sammeeyo wararka ay Bulshada u tabinayaan, iyadoo ay arrintani noqonayso mid ay saxaafadda aqbashay faaf-reebkan laftigoodu ay lumisay milgihii saxaafadeed.”
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *