Burco(ANN)Ciyaartoyada Xulka gobolka Maroodi jeex ayaa ku guulaystay tartankii ciyaaraha goboladda Somaliland ee ka socday todobaadyada Garoonka Ciyaaraha Alamsay ee  magaalada  Burco. ka dib markii ay galabta ciyaar aad u xamaasadaysani dhexmartay xulka gobolka Hawd oo ay ciyaartii

 

kama dambaysta iskugu soo baxeen, taas oo guushii ku raacday xulka gobolka Maroodi Jeex 1-0 eber ku muquuniyeen xulka Hawd.
Ciyaartaa galabta ka dhacday garoonka Alamsay ee Burco, waxa goob joog ka ahaa oo daawanayay Madaxweyneha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefdi uu hogaaminayay oo ka tirsan golyaasha qaranka Somaliland.
Goolka ay guushu ku raacday xulka Maroodi Jeex, waxa u dhaliyay  oo gool qurux badan oo uu bilowgii ciyaarta u dhaliyay xulka gobolka Gobolka Maroodijeex oo magaciisu yahay  Cabdi-Riyaad, kaas oo kooxdaa uga ciyaarayay numberka 18-aad, taas  ka dhigtay xulka Maroodi Jeex  inay hantaan koobkii Labaad ee Ciyaaraha kubadda cagta Somaliland


Ciyaarta  oo ahayd mid aad u adag waxa labada kooxood ee Maroodi Jeex iyo Hawd  kusoo  bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan oo weerar iyo weerar celis ah., balse waxa nasiib u yeeshay inay hantaan koobkaa xulka Maroodi Jeex, kuwaas oo sidoo kale xalayna ku guulaystay  koobkii kubadda kollayga ee tartanka ciyaaraha gobolada oo ka socday xarunta Togdheer ee magaalada Burco.
Garoonka Alamsey ee magaalada Burco ayaa si weyn uga bedelnaa sidii uu ahaa maalmihii hore ee ay ka socdeen Ciyaarauhu, waxaana aad loo adkeeyay amaanka garoonka, iyadoo marka laga yimaado  Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyo wefdiga golayaasha qaranka eek u sugnaa garoonka ay  kumanaan qof oo ka mid ah shacbiga ku dhaqan Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer iyo dadweyne tiro badan oo ka kala yimi  Magaalooyinka  Hargeysa,  Berbera iyo Laascaanood ka qayb galeen daawashada ciyaartaa iyo dhamaadka tartanka Ciyaaraha kale ee fudud oo garab socday.


Geba-gebadii Ciyaarta munaasibad lagu qabtay Garoonka ay Ciyaartu ka socotay ayuu Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku gudoonsiiyay abaalmarino Ciyaartoyda kaalinta koobaad galay ee qaatay koobabka iyo kuwa kaalmaha  hore ka galay tartankaa ciyaaraha fudud.
Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu koobabka iyo abaalmariha gudoonsiiyay  xulalka Ciyaartoyda gobolada ee kaalamaha hore galay hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay xukuumaddiisa ka go’antahay dhiiri gelinta Ciyaaraha iyo is dhexgalka bulshada, isla markaana uu ku faraxsanyahay tartanka Ciyaaraha ee lagu soo geba-gebeeyay garoonka kubadda cagta ee Magaalada Burco.
Dhinaca kale mudadii ay Ciyaaruhu ka socdeen halkaa, waxay ahaayeen kuwo si toos ah looga daawanayay  shaashadaha dunida, taas oo markii u horaysay ciyaar ka dhacda geyiga Soomaalida looga daawado dunida iyo dalka gudihiisaba, iyadoo  ay suurta gelisay shirkadda Isgaadhsiinta Somtel.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *