Hargeysa(ANN)Midawga  Yurub ayaa Somaliland u ogolaaday mashaariic ku kacaya Malaayiin Dollar, kaas oo ay xukuumadda Somaliland  u astaysay afar magaalo oo ka mid ah dalka.  sida uu sheegay wasiirka macdanta iyo Biyaha Somaliland Dr. Xuseen Cali Ducaale oo

maanta  saxaafada la hadlay, isagoo sharaxaad ka bixinaya qaabka xukuumad ahaan ay u qorsheeyeen mashaariicdaa  oo ku kacaya $ 30 Milyan oo Dollar, kaas oo  ay Somaliland ku deeqaday Midawga  Yurub, waxa uu sheegay in deeqdaa loogu tallo galay biyo balaadhinta afar magaalo, kuwaas  oo kala ah Hargeysa, Burco, Wajaale iyo Ceerigaabo.
Shirkaa  jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen Wasiirrada Macdanta biyaha,Qorshaynta qaranka iyo Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, waxay masuuliyiintaasi sharaxaad kaga bixisay qorsha mashaariicdaa  iyo qaabkii ay xukuumaddu uga hawlgashay.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Dr. Xuseen Cabdi Ducaalle, isagoo arrintaa ka hadlaya  wuxuu yidhi,  “Waxaanu maanta halkan u fadhinaa inaanu ka hadalo mashruuc in door ah socday oo noo soo dhammaaday, Wasaaraddan Biyuhu waxay dalka u haysaa dhawr hawlood oo ay ka mid yihiin Biyaha, Macdanta iyo Tamarta, runtii intii aan masuuliyadda wasaaraddan aan qabtay waxaan awooda saaray wixii ugu weynaa wuxuu ahaa arrinta biyaha oo nolashii  dalka oo dhan baahida biyuhu  aad u saamaysay, waxaanu ahmiyadda saarnay  sanadkii u dambeeyay wuxuu ahaa sidii biyo loogu heli lahaa deegaanadda Miyiga iyo Magaalooyinkaba. Khaas ahaan magaaladan caasimadda ah oo dadka ugu badani ku nool yihiin waxana ka muuqatay baahi badan oo biyood. Muddo badan ayaanu ku mashquulsanayn in magaaladda Hargeysa ay hesho nidaam biyood oo dhaama sidan imika ay tahay.”

Wasiirka macdantu wuxuu kaloo sharaxaad ka bixiyay mashaariic ay dalka Imaraadka carabtu ugu deeqeen Somaliland markii uu badhtamihii sannadkan booqashada ku tegey madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyadoo Wasiirka macdantu ka mid ahaa wefdigaa madaxweynaha, isagoo natiijada mashaariicda deeqda Imaraadka ka hadlayana  wuxuu yidhi . “Imika waxaanu u qabanay biyaha Hargeysa toban ceel oo carabta markii aan anigu tagay, madaxweynuhuna uu booqashada ku tagay Imaaraadka carabta waxay inoogu deeqeen 18 ceel biyood, waxaana toban ceel ka qoday deegaanada la yidhaahdo Xumbo-weyne iyo Jaleelo, halkaas oo ILAAHAY biyo aad iyo aad u badan inaga siiyay waxaana aanu ka helay illaa 9 kun oo mitir kuyuub ah. Magaaladda Burco lafteeda waxaanu ka qodnay sideed ceel oo imaaraadku inoogu deeqeen, midna waxaanu u qoday wakaalada biyaha Berbera.”
Wasiirku wuxuu sheegay inay Midowga Yurub ansixiyeen mashaariic ku wajahan biyo balaadhinta magaalooyinka Hargeysa, Burco, Ceerigaabo iyo Wajaalle, isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu  yidhi, “Waxaan anigu aad uga hawl galay dhibaatadda biyo yaraanta Hargeysa bishii October ee sanadkii hore waxaan aniga iyo Maareeyaha wakaaladda biyaha Hargeysa aanu tagnay magaaladda Nairobi, waxaanu halkaasi ku soo bandhignay sidii magaalada Hargeysa biyo cusub loogu samayn lahaa, waxaanu halkaasi ku shirinay deeq bixiyeyaasha aanu is nidhi way u dhego nugul yihiin arrintan. Deeq bixiyeyaashaasi waxa ka mid ahaa midowga Yurub nasiib wanaag aad iyo aad ayay u xiiseeyeen qorshihii aanu soo bandhignay. Midowga yurub dhowr jeer ayay dalka yimaadeen oo ay ceelasha iyo wakaaladdaba yimadeen. Nasiib wanaag maalin dhawayd ayaan email-kaga furay waxa iigaga soo baxay farriin odhanaya haddii aad wasaarada macdanta iyo biyaha aad tihiin mashruucii aad sanadka iyo badhka ka dabo wareegayseen. Waxaanu idiinku bushaaraynaa in mashruucii biyo balaadhinta Hargeysa iyo mashaariic kale oo ay ka m id yihiin Burco, Ceerigaabo iyo Wajaalle, la ogolaaday,  waxaanay yidhaahdeen talaabadii ugu dambeeyay ee mashaariicdaasi lagu ansixinayay Midowga yurub way dhamaatay.”
“Waxaan ugu bushaareynayaa shacbiga ku dhaqan caasimada Hargeysa, waxaynu ku soo dhawaynay inaynu nidaam cusub oo biyo balaadhin ah aynu Hargeysa u samayn doono, lacagta midowga Yurub ansixiyay ee la aqbalay waa 30 Malyan iyo badh Dollar, lacagtaasi waxa ugu weyn mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo loo qoondeeyay 21 Malyan iyo 300 oo kun oo Dollar oo loogu tallo galay in lagu fuliyo wajiga koowaad. Waxaana lagu qaban doonaa Ceelashii geedeeble oo la hagaajiyo, ceelal kale oo la qodo, kuwa xuna la hagaajyo iyo in beebkan weyn ee wakaalada biyaha dhibaataddu ka haysato la bedelo. Waxa kale oo ku jira in kaydad waaweyn la sameeyo,”ayuu yidhi Dr.  Xuseen Cabdi Ducaale.
Sidoo kale wuxuu sharaxaad ka bixiyay  qaabka lacagtaa qayb ka mid ah loo qoondeeyay, isagoo yidhi, “Waxa kale oo lacagtan ku jira 2 Malyan iyo 600 oo kun oo dollar, oo loogu tallo galay wakalada biyaha Burco, waxaana ugu jira in sare loo qaado oo dhuumaha biyaha qaada la bedelo, in kaydad loo sameeyo iyo ceelal biyood loo qodo. Magaaladda Ceerigaabo qudheeda biyo balaadhinteeda waxa mashruucan ugu jira 1 malyan iyo 600 oo kun Dollar oo loogu tallo galay biyo balaadhinta. Waxa kale oo ku jira 2 Malyan oo Dollar oo loo qoondeeyay magaalada wajaale oo dhibaato aad iyo aad u weyn oo dhinaca biyaha ahi ka jiraan, xukuumad ahaan  waanu ku faraxsanahay  lacagtaa midawga Yurub aqbalay”ayuu yidhi Wasiirka Macdanta iyo Biyuha Somaliland.

Dr. Xuseen wuxuu sheegay inuu mashruucaasi wax weyn ka bedelayo nolosha Biyaha ee hargeysa, isagoo yidhi, “Runtii waxaan filayaa mashruucaasi marka uu fulo in Biyaha Hargeysa wax weyni iska bedeli doonaan oo biyaha imika soo galaa ay laban laab noqon doonaan. Mashruucani wuxuu Hargeysa u keenayaa illaa toban kun oo mitir kuyuub oo dheeraad ah. Marka ay mashruucan midowga Yurub iyo mashruuca imaaraadku noo wado ee xumbo-weyne iyo Jaleelo biyaha Hargeysi waxay noqon doonaan sadex laab,”
Wasiirka macdanta iyo biyuhu wuxuu sheegay in midowga Yurub ay qandaraas caalamiya mashruucan ku bixin doonaan bisha march ee sanadka fooda inagu soo haysa  ee 2011-ka, waxaanu tilmaamay fulinta mashruucaasi uu wakhti qaadan doono, isagoo dhinaca kalena  warbixin kooban ka bixiyay mashruuc ay todobaadkii hore bilaabeen ee lagu sahminayay biyaha dhulka hoostiisa ku jira ee deegaanadda dalka,

Sidoo  kale Maareeyaha wakaalada Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, oo shirkaa  jaraa’id  hadal kooban ka jeediyay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin sida loogu guulaystay  mashruuca biyo balaadhinta Hargeysa oo uu ku dooday inay muddo dheer daba socdeen isaga iyo wasiirku.
Maareeyaha Wakaaladda Biyaha , wuxuu isagoo ka hadlaya mashaariicda biyaha Haregysa  lagu balaadhinayo yidhi, “Xumbo weyne 12 Ceel ayaa laga qoday waana la dhamaystiran oo bamamkiina waa lagu wada riday la iskuna xidhay, wajigii koowaad ee mashruucaasi wuu dhamaystirmay, wajiga labaad waa in dhuumihii biyaha soo qaadayay lagu xidho,  isla markaana baraagihii laga sameeyo, waxaanu jecelahay in dhawaan wefti Imaaraadka carabta ah oo dalka iman doonaa ay xadhiga ka jaraan wajiga koowaad ee mashruuca Xumboweyne, ka dibna waxa loo gudbi doonaa wajiga labaad,”ayuu yidhi Maareeyaha wakaaladda Biyuhu.
Maareeyuhu wuxuu sheegay inay mishiinadda biyo soosaarka Geedeeble ay shaqeeyaan 23 saacadood, isla markaana ay ku dedaalaan sidii Magaalada loogu qeybin lahaa biyaha, hase yeeshee wuxuu ku dooday inay magaalada Hargeysa ay fiday isla markaana ay kala badan yihiin dadka ku dhaqan iyo xadiga biyaha soo gala magaaladda.
Dhinaca  Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka  Dr. Sacad Cali Shire, ayaa sheegay inuu ku farxay mashruucan midowga yurub ku bixinayaan biyo balaadhinta afar magaalo oo Somaliland ah, waxaanu ku hanbalyeeyay  Wasiirka Macdanta iyo Biyaha iyo Maareeyaha wakaalada Biyaha oo uu sheegay  inay ka midho dhalinta mashruucan juhdi badan geliyeen, isla markaana uu yahay mid wax weyn ka taraya baahida Biyaha ee dalka ka jirta.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *