DSC09501

Hargeysa(ANN)Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (saylici), ayaa maanta xadhiga ka jaray carwada ganacsiga Somaliland oo lagu qabtay Hotelka Mansoor ee magaalada Hargaysa. Carwadaa oo ahayd mid ay  si wada jir ah u soo qaban qaabiyeen   koox la baxday ururka

Somaliland Business Fair (SBF) , kaas oo sheegay inuu  la kaashaday shirkaddaha OGF, Dahabshiil, Somcale, Deero  Group iyo kuwa kale. Bandhiga  carwadaa oo socon doonta muddo shan cisho ah waxa furitaankeedii ka soo qayb galay wasiiro badan oo ka mid ah xukuumada Somaliland, duqa caasimada Hargaysa, xubno ka socday goleyaasha baarlamaanka, qaar ka mid ah hay’addaha madaxa banaan, madaxda shirkaddaha ganacsigooda ku soo bandhigayay  madasha iyo boqolaal dadwayne ah.

DSC09577

Munaasibada carwadaa  oo ay qaybaha kala duwan ee ganacsigooda ku soo bandhigeen ku dhowaad boqol  shirkadood, oo todobaatan ka mid ahi ay yihiin shirkaddaha wadaniga ah, halka sodonka kalena ay ahaayeen shirkado ganacsi oo ka socday dalalka jaarka sida Djibouti,  Ethiopia iyo Soamalia.

Ganacsatada maamula  shirakaddahaa  ka qaybgalay ayaa  carwadaa kusoo bandhigay badeecadaha ay keenaan ,  agabyo kala duwan  iyo adeegyada ay bulshada u qabtaan, iyadoo  qaarkood soo bandhigeen ,  Dhar, Kabbo, kombuyuutaro, agabka  guryaha, cuntooyinka fudud, cabitaano, khudaar, alaabooyinka hidaha iyo dhaqanka oo kala duwan, baabuur nooca raaxada ah, sidoo kale waxaa iyagna carwadaasi noocyada adeegooda ku soo bandhigay shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa xawaaladaha oo soo bandhigay   adeegyada ay bulshada u qabtaan. Sidoo kale waxa  door ku lahaa inay wax qabadkooda halkaa kusoo bandhigaan shirkaddaha dhismaha oo  ka qaybgalay  carwadaa.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Seylici), oo hadal ka jeediyay furitaanka carwadaa  ayaa sheegay inay wax lagu farxo tahay in carwo noocan oo kale ah ay ganacsatada Somaliland iyo kuwo ajnabi ahi ay ganacsigooda ku soo bandhigaan oo lagu  qabto dalka guddihiisa, isaga oo madaxwayne ku xigeenku tilmaamay inay  taasi  muujinayso dadaalka ay dadka Somaliland ugu jiraan horumarinta dalkooda.

wuxuuna  isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi,  “runtii farxad wayn bay inoo tahay dhamaanteenba dadka reer Somaliland, carwadan qiimaha iyo qaayaha leh in aynu kasoo qayb galno, taas  oo muujinaysa dadaalka ay dadka reer Somaliland ugu jiraan horumarinta dalkooda, sida aad la socotaan Somaliland muddo labaatan sanno ah ayaynu isku tashi halkan kusoo gaadhnay, cid kasta oo inaga mid ah,  ama aqoonyahan ha noqoto, ama ganacsade ha noqoto, dalka waxbay ku soo biirinayeen, talaabo kasta oo qiimo iyo horumar leh oo aynu qaadnaa waxay inoo dhawaynaysaa,  ama inoo soo jeedinaysaa indhaha beesha caalamka, waxaynu wax ka bilawnay meel hoose iyo dal burburay, maantana runtii waxaynu joognaa maalin,  ama wakhti lagu faani karo, oo aynu dalal badan oo kursiga jamciyada quruumaha ka dhaxaysa fadhiya aynu kaga horayno dhinaca ganacsiga, xagga dimuqraadiyada iyo xagga nabad geliyadaba.”
Madaxwayne ku xigeenku waxa uu si balaadhan ah ugu mahad naqay cid kasta oo ka shaqaysay in carwadaasi ay qabsoonto, isagoo yidhi,  “Waxaan aad ugu mahad naqayaa dhalinyarada sida fiican u soo soo agaasimay hawshan ee isku xilqaamay inay qabsoonto carwadan quruxda badan ee ganacsi ah, carwadu sida aynu naqaano waxay muujinaysaa waxyaabo kala duwan, mar waa isbarasho oo ganacsatadii ayaa is baranaysa, marna waxay ganacsatdu is baryaan dadka ay ka ganacsanayaan, bandhiguna qiimo wayn buu leeyahay, shirkaduhu iyaga oo kala duwan ayay hadana shirkad walba u baahan tahay shirkada kale waxay  hayso, iyada oo waxay hayaan ay xayaysiinayaan hadana shirkadaha kale waxay  hayaan ayay u baahan yihiin oo nin wax walba keenaa ma jiro, sidaa darteed waxaan leeyahay cid kasta oo ummada Somaliland wax u soo kordhisa way ku mahadsan tahay.” Ayuu yidhi Md Saylici.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland waxa kale oo uu sheegay in ay sabab u tahay in ganacsatada Somalilnd horumar balaadhan ku talaabsadaan ganacsiga xorta ah oo muddo labaatan sano ah Somaliland ay ku soo dhaqmaysay, isaga oo xusay in ganacsiga xorta ahi uu isa soofeeyo,  isla markaana uu faa’iido u leeyahay ganacsatada, wuxuuna  yidhi, “Waxa halkaa ina gaadhsiiyay waa tartanka xorta ah, ee aynu ku soo dhaqanay muddadaa labaatanka sanadood ah, tartanka xorta ahi wax uu wanaajiyo mooyee waxba ma xumeeyo, ganacsigu wuu is dhisaa oo wuu isa soo feeyaa, haddii qolo walba meel uun loo daayo way daxaloobi lahaayeen oo way fadhiisan lahaayeen, markaa tartanka xorta ahi wuxuu keenayaa in qiimahaa aynu maanta gaadhnay keeno, in shirkado badani ay yimaadaan, inay dadku adeeg jaban ka helaan, wax badan ayuu runtii tartanka ganacsigu keenaa.”

DSC09503

Sidoo kale Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland  C/rasaaq Khaliif Axmed, isagoo  yidhi,  “waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa dhalinyarada hawshani soo qaban qaabiyay, waxaan idin xasuusinayaa shacbi kasta oo yimaada waxa salka u ahi waa dhalin yarada, xukuumadana siyaasadeedana waxaa ka mid ah dhiiri gelinta dhalinyarada iyo sidii loo horumarin lahaa, dhinac kasta oo ay noqotaba haday noqoto dhinaca waxbarashadda iyo dhinaca fikir kaba.”

Md C/rasaaq Khaliif Axmed isaga oo faah-faahin ka bixinaya shirkadaha ganacsigooda ku soo ban dhigay carwadaasi iyo shirkadaha gacanta ka gaystay wuxuu yidhi,  “waxaa ka soo qayb galay boqol shirkadood oo isugu jira kuwa wadani ah iyo dibada ka yimid, todobaatan ka mid ahi waa wadani sodon k mid hina waxay ka yimaadeen wadamada dibada, waxaana ka mid ah shirkado waawayn oo caalami ah, arrintaana mar labaad ayaan ku amaanayaa  shirkadihii soo qaban qaabiyay hawshan oo ay ka mid yihiin OGF, Dahabshiil, Som Cable  iyo kuwa kale ee hawshaa soo qaban qaabiyay.”
Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska Somaliland waxa uu sheegay in wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin shirkad kasta oo la timaada barnaamij noocan oo kale ah inay kala shaqayn doonaan una fududayn doonaan, waxaanu wasiirku xusay in barnaamijyada noocan oo kale ahi ay faa’iidooyin badan u leeyihiin ganacsatada, dawlada iyo dalkaba,  isla markaana ay k turjumayso muuqaalka dhabta aah ee Somaliland ka jira “Ka wasaarad ahaan waxaanu u balan qaadaynaa cid kasta oo la timaada barnaamij kan la mid ah ama hal abuur ka duwan sidii aanu imikaba ugu garab taagnayn hawshan ay qabanayaan in aanu u fududayn doono, barnaamijka noocan oo kale ahi runtii ma aha oo keliya carwo ganacsi oo laga soo qayb gelayo,  laakiin waa barnaamij faa’iidooyin badan leh, wuxuu faa’iido u leeyahay ganacsatada soo ban dhigaysa ganacsigooda, oo mar wuxuu u noqonayaa suuq marka dadku socdo ka faa’iidaystaan, waxa kale oo uu u noqonayaa barnaamij ay ganacsigooda ku gaadhsiiyaan meelo badan oo waxaa ka soo qyb gelaya qaybihii kala duwanaa ee warbaahinta meelo badan ayay gaadhaysaa, waxa kale oo faa’iido wayn u tahaay bulsho waynta oo iyaduna ka helaysa baahidooda, waxa kale oo y u faa’iidaynaysaa dawlada iyo dalka oo ay u samaynayso muuqaal aad u wanaagsan oo ah muuqaalka dhabta ah ee dalka.” Ayuu yidhi wasiirku.
Furitaankii carwadaa waxa kale oo ka hadlay Guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland, Maayarka caasimada Hargaysa, maareeyaha guud ee shirkada dahabshiil iyo xubno ka mid ahaa ganacsatada ajnabiga ahaa ee ka qyb galay bandhiga carwadaasi waxaanay dhamaantoodba sheegeen inay carwadani fursad u tahay is dhex galka ganacsiga.

Dhinaca kale shirkada SOM Cable ee wada  kaybalka isgaadhsiinta badda ayaa madasha kusoo bandhigtay  muuqaalo kala duwan oo muujinaya  mashruuca xadhiga  kaybalka oo hawshiisii socoto, isla markaana la filayo inuu xadhiga Caple-ka badda ee ay wadaan dhowaan soo gaadho Somaliland.
Sidoo kale Shirkaddaha Dahabshiil Group  ee xawaaladda iyo isgaadhsiinta SOMTEL  ayaa ka mid ahaa shirkadaha safka hore kaga jiray carwadaa ee kusoo bandhigay adeegyadooda, balse  shirkadda Telesom ayaan kasoo xaadirin bandhiga Carwadaa. Dhinaca kale Aflax Constriction oo ah shirkad dhinaca dhismaha Somaliland si weyn uga hanaqaaday ayaa ka mid ahaa shirkadaha dhismaha ee kusoo bandhigay  nashqadaha adeegyada dhismayaasha casriga ah ee ay sameeyaan.
Iyadoo Shirkadda Al-Nuur  Furniture oo ah shirkad si weyn  u talaabsatay, isla markaana sanadii u danbeeyay isku balaadhisay Geeska Afrika, taas oo   keenta qalabka Guryaha iyo Aagabka Xafiisyada  kusoo bandhigtay carwadaa qalabka guryaha, Go’gosha, Hurdada, xafiisyada iyo dhamaan  waxqadkeeda iyo  waxa ay keento oo  ah mid muqaalo iyo bilic weyn leh. Gudoomiyaha Al-Nuur  C/raxmaan Maxamed  Al- Nuur  ayaa sheegay  inay  fursadan carwada ay  uga faa’idaynayaan bulshada, isla markaana 50% qiima dhimis  lagu sameeyay  badeecadaha agabka ay shirkad ahaan keenan  mudada carwadani socoto, wuxuuna uga baaqay inay fursadaa ka faa’idaystaan bulshada Somaliland, isagoo dhinaca kalena  u qaybiyay buugaag uu qofku nooca uu doonayo alaabta ay hayaan ka  dooran karo oo lagu nashqadeeyay. Sidoo kale Gudoomiyaha Al-Nuur wuxuu sheegay inay jirto fursad kale oo  qof kasta oo is diiwaan geliyaa kaga qayb qaadan karo bandhig balaadhan oo ay soo wadaan sannadka cusub, kaas oo abaalmarino qiimo baddan oo baaruur ku jiro lagu helayo.

Dhinaca kale muuqaalka iyo agaasinka Carwadaa ayaa ahaa mid si weyn loo soo habeeyay, balse waxay ahayd  carwadii ugu horaysay ee aanay soo qabanqaabin rugta ganacsiga Somaliland, iyadoo ay koox dhalinayaro ahi soo qabanqaabiyeen  bandhiga carwadaa, taas oo keentay in fagaaraha laga waayo shirkaddaha waaweyn ee bandhigyadan carwooyinka oo kale safka hore ka geli jiray. Sida shirkadda isgaadhsiinta Telesom oo aan kasoo xaadirin goobtaa.
Lama garanyo sababta ay shirkadda iyo kuwo kale oo carwoooyinka lagu arki jiray aanay goobta u iman, balse furitaankii carwada kadib  waxa soo baxay  tabashooyin iyo fadeexado dhinaca maamulka ah oo la xidhiidha habka loo maamulay lacag kumannaan dollar  ah oo laga qaaday  ganacsatada iyo mulkiilayaasha shirkadda  waaweyn iyo kuwo kaleba , taas oo aan lagu fulin  adeegyadii loo baahnaa in loogu qabto ganacsatada iyo shirkaddaha soo bandhigay adeegyadooda.  Waxaana dhaliil weyn  iyo cabashooyin kasoo baxeen dhinaca warbaahinta  oo aanay ganacsatada qaarkood oo ka gaabsday in magacooda la xusaa  sheegeen inaan doorkii loo baahnaa laga siin si ay u gudbiyaan waxyaabaha ay soo bandhigeen iyo ganacsigooda, maadaama ujeedada ugu weyn ee loo qabtay carwadu tahay bandhiga xayaysiiska waxyaabaha ay ka ganacsadaan, wax soo saarkooda iyo adeegya

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *