Markus V. Hoehne, Oo Ku Hadla Af-Soomaaliga, Muxuu Ka Yidhi Daraasadda Cilmi Baadhista Mawduuc Xaasaasi Ah Oo Uu Wado, Aragtidiisa Somaliland Iyo Somlia

Hargeysa(ANN) “ sanadkii 2002 ayay ahayd markii ugu horaysay ee aan Somaliland imaado, maan aqoon luqadda Af-Soomaaliga, safarkayga  hada waxaan filayaa inuu yahay kii lixaad ee aan kusoo laabto Somaliland, 2002 iyo ilaa maanta 2012, marka laga reebo dhawr sannadood oo aan

 

joogay Jarmalka , waxaan imanayay Somaliland,  way jirtaa meelo kale oo aan tegey sida Puntland, ama Gaalkacayo. Laakiin inta baddan waxaan kusoo noq-noqonayay Somaliland, waxaana mudo dheer ku riyoonayay  inaan barto Af-Soomaaliga , waan ku hadlayaa , waana qoraa.   inkasta oo aanan si cilmiyan ah u qorin.” Sidaa waxa yidhi  Markus V. Hoehne,  oo shahaaddada PhD ka qaatay machadka  (Max Planck Institute for Social Anthropology) . kadib markii uu dhamaystay School Society and Culture in Motion

Dr. Markus , waxa uu sidaa ku sheegay waraysi  uu Tafaftiraha shebekadda wararka ee Araweelonews Arraale M. Jama  kula yeeshay  magaalada Hargeysa  todobaadkan, wuxuuna waraysigaa kaga jawaabay ujeedada socdaalkiisa waqtigan ee Somaliland, xiliggii uu bartay luqada A-soomaaliga ee uu ku hadlo,  aragtidiisa Somaliland ee dhinaca horumarka iyo waxyaabaha uu ku arkay deegaamada uu maray oo uu sharaxaad ka bixiyay  sida uu u arko farqa u dhexeeya xiliyadii hore ee uu iman jiray iyo waqtigan.
“Berrigii  hore waxaan diyaarinayay shahaadadda PhD, waxaana u imi inaan barto Af-soomaaliga, dhaqanka Bulshada , dadka  iyo deegaankooda iyo siyaasadooda oo aan xiisaynayay, taas hada waan dhameeyey sannad ka hor  Illaahay Mahadii ayuu yidhi Markus.
Wuxuuna xusay inuu hadda si fiican ugu hadlo Af-soomaaliga, balse uu kaga fiicnaa mudooyinkii hore ee uu Somaliland yimi, isagoo yidhi, “2003 iyo 2004, ayaan si fiican ugu hadli jiray Af-soomaaliga,  sababtoo ah habeen iyo maalin waan ku hadli jiray Af-soomaaliga oo ku riyoon jiray . inaksta oo aan ku hadlo oo aan qoro, haddana   si cilmiyan ah qoraal uguma qoro ee waxaan ku qori karaa oo keliya warqad aan qof u dirayo iyo E-mail-ka oo kale.” Ayuu yidhi
Markus V. Hoehne,  oo ka jawaabayay su’aal la xidhiidhay waxa ku dhiiri geliyay inuu barto  Af-soomaaliga iyo markii u horaysay ee ay taasi ku dhalatay, wuxuu isagoo taa ka jawaabaya yidhi, “sanadkii 2001 ayay ahayd markii u horaysay  ee aan war ka akhriyo Somalia, waxaana waqtigaa ku jiray diyaarinta Digriiga (shahaadada) MA , taas oo aan ku diyaarinayay dagaalkii ka dhacay Somalia iyo dib u dhiska nabadgelyada . kadibna taas ayaa I tustay sanadkii 2001 inay Somaliland jirto, iyadoo aanay dad baddan oo dunida ahi waxba kala socon Somaliland, waxaana arkay waqtigaa warbixino ka hadlaya Somaliland oo aan ka akhiriyay dhinaca internet-ka. Markii aan dhameeyay warbixinahaa waxan xiiseeyay inaan arko dhul Somaliland la yidhaahdo oo nabadgelyo  iyo xasillooni haysta oo aan ahayn sida Muqdisho oo kale, waxaana dalka Jarmalka kula kulmay nin Reer Hargeysa  ah oo ii sheegay inuu igu soo dhowaynayo Hargeysa iyo guriisa, taas ayaana igu dhiiri gelisay inaan Somaliland imaado oo aan ku qaatay go’aankayga.”  Ayuu yidhi Markus.
wuxuuna isagoo ka sharaxaad ka bixinaya sawirkii maskaxdiisa ku jiray ka hor intii aanu Somaliland iman sanadkii 2002 iyo waxa iska bedelay ee uu arkay  yidhi, “waxan u haystay markaa inay Somaliland bur-bursantahay  oo ay dadku iska murugaysan yihiin weli oo ay xusuusan yihiin dilkii, dhacii iyo boobkii ay ku sameeyeen dawladii hore. laakiin markaan galay Hargeysa 2002, waan yaabay oo waxaan arkay inay Hargeysa dhisantahay oo qurux badantahay , waxayna dadku u wateen si caadi ah noloshooda, iyagoo habeen iyo maalin soconaya oo aanay jirin wax cabsi ahi, isla markaana dadku kaftamayaan shaah wada cabayaan , waxayna ahayd mid iga yaabisay, sababtoo ah dadku waxay ka baxeen dhibaatooyinkii hore oo ay noloshooda si fiican u wataan afar iyo toban sanadood ka hor markii ay bur-burtay Hargeysa dawladii hore Dadku afar iyo toban sannadood ka dib, waxay muujiyeen dedaal baddan.
Somaliland maaha Hargeysa oo keliya, Hargeysa way dhisantay, dhinaca ganacsiga, waxbarashada , adeegyada aasaasiga ah  iyo waxyaabo baddan, waxaana hada jooga Hay’addii dawladda oo dhan iyo Hay’addii caalamiga ahaa. Waxa dhacday doorashadii Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) ku guulaystay 2010, Hargeysa way dhisantahay,  wayna sii soconaysaa xaalada galbeedka way fiicantahay. Laakiin marka aad eegto xaalada bariga ee aad Burco  u dhaafto, Ceergaabo, Buuhoodle, Laascaanood iyo Badhan oo ah deegaan balaadhan , waxa muuqata inaanu deegaankaasi ahayn  mid horumar fiican la sameeyay, isla markaana nabadgelyadiisu liidato oo aanu maamulkii si fiican uga hirgelin. Markaad eegto 2002, muu jirin faraq weyn oo u dhexeeyay Hargeysa , Burco iyo deegaamada bariga shishe. Laakiin hada waxaad dareemaysaa faraq aad u weyn oo dhinaca Horumarka , nabadgelyada iyo dawladnimada. Markaad eegto Ceergaabo waxaan tegey dhowaan waxa muuqata in dhaqaaleheedu hoos u dhacay sababtoo ah dad baayacmushteri ahaa ayaa laga yaaba inay ka guureen oo ay qaarkood Hargeysa  yimaadeen , kuwo kalena Burco, halka qaar kalena ay suurtagal tahay inay dhinaca Boosaaso u wareegeen. Sidoo kale Laascaanood 2007 markii dagaalku dhacay 40%, ayaa  bulshada ka qaxay halkaa, kuwaas oo ahaa dad ganacsato, madax-dhaqameed  iyo dad kaleba , kumana  ay noqon, taasina waa mid dhaqaallaha bulshada iyo horumarka saamayn ku yeelatay , inkasta oo aanay qurux badnayn waa nabadgelyo Laascaanood.” Ayuu yidhi.

Dr. Markus, wuxuu  hada wadaa baadhitaan daraasad ku saabsan dhibaatooyinkii dawladii digtaytarka ahayd ee Maxamed Siyaad Barre u geysatay shacbiga Somaliland sanadii sideetanaadkii, kuwaas oo isugu jiray xasuuq, dhac , Boob, Kufsi  iyo gabood-fallo kale, wuxuuna xusay inuu waraysiyo ku saabsan arrimahaa la yeelanayo  hogaamiyayaashii halganka, mujaahidiintii qaarkood, shaqsiyaad si gaara dhibaato uga soo gaadhay xukunkii taliskaa oo dhibanayaal ah iyo dad caadi ah, wuxuuna isagoo sharaxaad ka bixinaya ujeedada mawduuca uu doonayo inuu kusoo bandhigo daraasadiisa yidhi, “mawduucaygu waxa weeye caddaalad-daradii dhacaday xiligii Siyaad barre (xukunkii madaxweynii Somalia), waxay ka bilaamantay Woqooyiga (Somaliland). kadibna waxay u wareegtay Koonfurta, saamaynta ay ku yeelatay  ee ay u taabanay dadka iyo sida ay u arkaan xal, ma waxay jecelyihiin inay daba galaan cadaaladdaradii dhacday  oo maxkamad la hor geeyo kuwii sameeyay,  mise waxay jecel yihiin in loo  isticimaalo xeerka dhaqanka, mise waxay doonayaan in layska saamaxo oo layska dhaafo, jawaabaha  ay ka bixinayaan  iyagaynu ka sugaynaa kuwii dhibtu gaadhay.”

Wuxuuna mar la weydiiyay aragtidiisa dacwada lagu oogayo kuwii ka danbeeyay xasuuqii taliskii Siyaad barre ka sameeyeen xiligaa magaalooyinka iyo deegaamada Somaliland  oo Gen. Maxamed Cali Samatar ugu horeeyo yidhi, “Arrintaa Soomaalidu way ku kala duwan yihiin xaggaa rayiga, sababtoo ah qaarkood waxay qabaan inay khilaaf keenayso haddii lala xisaabtamo kuwii gabood falada sameeyay, kuwasi waxay ku doodayaan inay arrintu isu bedelay reero, maadaama ay Somaalidu tahay qabaa’il, kuwo kalena waxay doonayaan in maxkamad la hor keeno cid kasta oo denbi gashay oo laga daba tago. Laakiin anigu waxan arkayaa inay mihiim tahay in la xisaabiyo wixii dhacay berigii hore. laakiin maaha qof keliya, wayna baddan yihiin dagaalada ka dhacay Somalia ma jiro reer aan denbi gelin, sababtoo ah reer walba dawladii Siyaad barre wuu ku jiray, waan kugu raacsanahay xasuuqii ka dhacay Hargeysa, Burco , Berbera iyo Ceergaabo xiligii Siyaad Barre wuxuu ahaa  arrin aad u foolxun oo cirka isku shareertay.”

“Waan ku faraxsanahay inuu Madaxweyne Siilaanyo ka qaybgalo shirkii London ee arrimaha Soomaalida oo la kulmo beesha caalamka iyo soomaalida kale, waxayna ahayd arrin mihiim ah, sababtoo ah Somaliland waxay tusaale fiican u niqon kartaa dib u dhiska nabadgelyada iyo dawladda dhinaca koonfurta Soomaalida kale oo weli ku jira dhibaatooyin iyo fawdo sida Al-shabaab, maamul xumo iyo dagaalo sokeeye. Dadka Somaliland-na way dhaafeen dhibaatooyinkii hore oo waxay dhisteen dawladooda iyo nabadgelyadooda sidaa awgeed waxaan qabaa inay Somaliland tusaale aad u fiican u noqon karto  inay sidaa sameeyaan. Laakiin beesha caalamka had iyo jeer waxay yidhaahdaan dawlad Soomaaliyeed ayaa jirta , ma jirto waa been  Sheekh Shariif  maaha Madaxweyne Soomaaliyeed, wuxuu haystaa keliya lacagta ay siinayaan oo ay ku dhisayaan ciidankiisa, mana aha  isagu Madaxweyne Soomaaliyeed. Laakiin Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo wuxuu haystaa dariiq dheer, wuxuu la mid yahay dadkiisa oo waxa la doortay si dumuqraadi ah. sidaa awgeed waxa mihiim ah inay Somaliland gacan siiso dadka Somalia ee Koonfurta si ay uga baxaan dhibaatada. “  ayuu yidhi Markus oo ka jawaabayay aragidiisa Somaliland ee ka qaybgalka shirkii London ee dawladda Britain qabatay 23 Feb, 2012.
Markus, wuxuu xusay inay shaqadiisa ku khasbayso inuu sii dhexgalo dadka oo uu dareemo waxay dareemayaan, isla markaana uu jeclaaday  dhaqankooda si fiicana u dersay oo uu kala bartay bulshada Somaliland iyo deegaamada oo dhan, kuwaas oo sida uu sheegay booqasho ku maray marar kala duwan, wuxuuna isagoo ka hadlaya waxyaabihii uu kala kulmay bulshada intaanu baran yidhi, “runtii dadkan Somaliland, waxay leeyihiin dhaqan balaadhan oo noloshii oo dhan ka turjumaya oo suugaantiisa iyo gabayadiisa leh, waana mid aan jeclaaday.  mudooyinkii  hore kaftan iyo xanba waan kala kulmi jiray, iyagoo aan garanayn inaan aqaan af-soomliga, waxay qaar odhan jireen ama hadaba yidhaahdaan, “waa sayn caddaale, kuwa kale waxay yidhaahdaan, “waa basaas” laakiin waan bartay oo waxan ugu  jawaabaa  af-soomaali anigoo leh, adigaba sayn madoobe ayaa tahay, basaas ma ahi,  markaan waan bartay  hada.” Ayuu yidhi.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

Published
Categorised as Warar

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *