Hargeysa(ANN)Dawlada Ethiopia ayaa ka hadashay dagaalka ka dhacay Duleedka Gaashaamo, iyadoo Saddex Qof oo ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Dagaal labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay Deegaanka  duleedka  Degmada Gaashaamo ee Killalka shanaad ee Ethiopia

 

maanta la keenay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, si looga daweeyo dhaawacyada soo gaadhay.
saddexda Qof ee la keenay dhaawacooda oo ah rag, ayaa  ah  Cali C/llahi Xuseen, Maxamed Muxumed Diiriye iyo Maxamed Xuseen Jaamac, kuwaas oo  dhaawacyo kasoo  gaadheen Lugaha oo ay xabado kaga dhaceen, sida ay xaqiijiyeen Saraakiisha Caafimaadka Cisbitaalka Hargeysa.
Dagaalka ayaa iskii u joogsaday shalay sida ay sheegayaan wararka laga helay deegaanka, balse  wararkii ugu dambeeyay ee laga helay Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalka oo u dhexeeya dad Shicib ah oo degen Deegaamada Raqda iyo Cadaada iyo Ciidamo ka tirsan Liyuu Booliska dawlada Ethiopia  ayaan war sax ah laga hayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay, balse warar laga helay deegaanka ayaa  sheegaya in ilaa hadda la ogyahay inay  21 Qof ku dhinteen tiro intaa ka badana dhaawac ka soo gaadhay, halka 31qof oo kalena ay qaateen Ciidamada IEthiopia, kuwaas oo laga kaxaystay Tuulada Ceel-baxay. Kadibna ay dhinaca Buuhoodle u kaxaysteen.  iyadoo wararku intaa ku darayaan inay  ciidamada Ethiopia kaga dhinteen 8 Askari oo maalintii u dagaalku bilaamay la dilay, kuwaas oo  dhimashadooda la xaqiijiyay.

Dhinaca kale Wakiilka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa u fadhiya dawladda Ethiopia Big, Gen, Berhe Tesfaye, ayaa hanjabaad kulul u jeediyey dad uu sheegay inay reer Somaliland yihiin, kuwaas oo uu sheegay inay  abaabul ciidan ku jiraan oo ay hub ugu  tallaabinayaan deegaannada dagaalku ka dhacay ee dalka Ethiopia, kuwaasoo uu sheegay inay jiraan Salaaddiin, Siyaasiyiin iyo dad uu sheegay inay Itoobiya garanayso iyaguna is-garanayaan. Big, Gen, Berhe Tesfaye, oo shalay u warramay Wargeyka Geeska Afrika oo ka soo baxa magaalada Hargeysa, wuxuuna sheegay inay Somaliland iyo Ethiopia oo iskaashanaya  uu  rejaynayo inay ka wada qayb-qaataan daminta shaqaaqada shacabka lagu laayey iyo baadhista waxa dagaalka keenay.
“Aad baannu uga xunnahay dhimashada iyo dhaawaca dagaalladaa ka dhashay, maaddaama oo labada dhinacba yihiin shacabka Xukuumaddayada, laakiin waa muhiim in sharciga iyo nidaamku shaqeeyo, shacabkuna u hoggaansamaan sharciga, xukuumadduna u dulqaadan mayso wax kastoo sharciga iyo nidaamka dwladnimo ku lid ah.” Sidaa ayuu Wakiillka Caasimadda Somaliland ee Hargeysa u fadhiya dawladda Ethiopia. Gen, Berhe Tesfaye

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *