Urur Siyaaseedka Jamhuuriga Oo Xadhiga Boqor Buur-madaw Ku Tilmaamay Aargoosi Aan Loo Baahnayn, Sidoo Kalena Xukuumada Usoo jeediyay Inay Sharciga Hor keento  Masuuliyiinta Loo Xidhay Musuq-maasuqana Hargeysa(ANN) Madaxtooyadda Somaliland, ayaa amar ku bixisay in Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) loo diro xabsiga Mandheera. Kadib markii ay shalay ku guul-daraysatay  ee lagu waayay eedaymihii Xeer ilaalintu kusoo oogtay Boqor Buurmadow, kuwaas oo

uu  ugu xidhnaa xabsiga Hargeysa muddo Afarta bilood ku dhowaad ah. Sidaana waxa Shebekada wararka ee Araweelonews u xaqiiyay qaar ka mid ah ehelada Boqor Cismaan.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw), waxay Maxakamadda gobolka Hargeysa ku weyday qodobadii eedihiisa ay xeer ilaalintu ku salaysay, balse garsooraha maxakamadda ayaa ku xukumay qodob aanu sheegin eedaha uu u cuskaday oo aan ahayn labadii qodob ee hore loogu eedeeyay oo kala ahaa 215, 212 XCG, wuuxuna ku riday xukun hal sano ah, isagoo  u cuskaday  Qoddobka 268 ee XCG , kaas oo sharci ahaan dhigaya  inuu Iibsan karo,  isla markaana Damaanad uu dibeda ku joogi karo haddii ay Xukuumaddu Rafcaan ka qaadato Go’aanka Maxkamadda, balse Xeer Ilaaliyaha guud Xasan Axmed Aadan oo shalay si deg deg ah looga yeedhay Madaxtooyadd, ayaa lagu amray inay rafcaan ka qaataan xukunkaa. Laakiin kulamo ilaa xalay ilaa saaka ka socday Madaxtooyadda ayaa lagu  go’aamiyay in meel layska dhigo sharciga iyo xaqa uu xukunka Maxkamaddu xaq iyo xaqdaro midkuu doono ha noqdee u siinayo qofka Muwaadinka ah  unuu  Iibsado, ama damaanad uu ku baxo inta la helayo go’aan kale oo kasoo baxa Maxkamad ka derejo saraysa taa hore, iyadoo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo si badheedha u duudsiday xaqa iyo xuquuqda sharciga iyo Distoorku damaanad qaaday, isla markaana si cad ugu badheedhay dagaal aargoosi siyaasadeed oo marka hore loo arkay inuu la xidhiidho xadhiga Boqor Cismaan (Buur-madaw).
Xoggo la xidhiidha xadhiga siyaasadeed ee Boqor Cismaan Buur-madaw, ayaa sheegay inay hore xukuumaddu xabsiga ugu dheeraysay, iyadoo doonaysay inay kaga aarsato afkaartiisa siyaasadeed iyo xoriyada rayigiisa  oo ay dhibsatay, sidaa awgeed ay doonaysay in Boqor Cismaan oo xanuuno baddan qabaa ku geeriyoodo xabsiga, balse Boqor Buurmadaw, waxa uu xabsiga Hargeysa ku haystay dawooyinkiisa. Sidaa awgeed waxay maanta  Durkii Amartay in Xabsiga Mandheera loo qaado si  xaaladiisa caafimaad halis u gasho, isla markaana  u waayo dhaqdhaqaaq loogu fududeeyo waxyaabaha sharcigu u ogol yahay,  maadaama Mandheeri tahay meel ka dheer Hargeysa oo qiyaastii 90km ka xigta Hargeysa dhinaca bariga. Sidoo kale talaabadan, ayaa loo arkay inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo doonay in Boqor Cismaan  aanay  xaasaskiisa iyo qoyskiisu u geyn Cuntada uu u baahanayahay iyo xataa dawooyinka uu isticmaalo ee xanuunada, macaanka, wadana xanuunka, dhiigkarka iyo subaga.
Maadaama xaalada  Nololeed ee Xabsiga Hargeysa uu   ka  wanaagsanyahay  ka  Mandheera, iyadoo Mandheeri tahay Xabsi aad looga dayriyo Noloshiisa iyo xaaladiisa saxo,  isla markaana  goobta uu ku yaalo ay xiligan tahay Kulayle Hanfiga Xagaagu ka dhacayo oo aanu ku noolan Karin qof sida Boqor Buurmadow oo kale xaaladiisa Caafimaad u baahan tahay Daryeel iyo Daaweyn joogto ah la geeyo, taas oo meel kadhac ku ah sharciga iyo dastuurka dalka ee damaanadqaaday muwaadinka xoriyada laga qaado ee maxbuuska ah qaabka loola dhaqmayo, isla markaana qawaaniinta caalamiga ee maxaabiista iyo kuwa xuquuqda aadamaha ku ah meel kadhac iyo gef cad oo badheedh ah.
Si kasta ha ahaatee talaabada qaawan ee lagu kacay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) oo u xidhnaa fekerkiisa siyaasadeed mudo dhawr bilood ah, isla markaana Maxkamadda gobolka Hargeysa  ku weyday  shalay eedihii loo haysatay  ee ay Laashay qoddobadii Xeer ilaalintu ku Eedaynaysay waxa hada si cad u muuqata inay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo    talaabooyinka  ay qaadaysaa u muuqdaan kuwo Argoosi Siyaasadeed ah oo ka baxsan Eedii ay marka hore u soo jeedisay, isla markaan waxay noqonaysaa arrin saamayn weyn ku yeelata xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, maadaama ay xadhiga Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw)  iyo dacwadiisaba  indhaha  ku hayeen haya’ddo caalami ah oo kuwa xuquuqda aadamaha ah iyo dalalka daneeyay dumuqraadiyada Somaliland ku faanto, isla markaana  waxay talaabooyinka noocan ahi si cad u iftiiminayaan sida xukuumadda Siilaanyo  uga ka soo horjeedo Xorriyatal Qawlkii maadaama qoddobka hada lagu xukumay uu yahay mid ka hor imanaya Xorriyaadkii Aasaasiga ahaa ee Muwaadiniinta Somaliland iyo Shareecadda Islaamkaba. Kadib markii lagu waayay qodobada hore loogu eedeeeyay. Waxayna talaabada gefka ah ee lagula kacay Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo ah madaxdhaqameed beesha caalamku u Aqoonsan yihiin hogaamiye nabadeed oo ay xadhigiisa iyo dacwadiisaba indhaha ku hayeeen, isla markaana marar baddan kala hadleen Madaxweyne  Siilaanyo iyo xukuumaddiisa, balse ay dhegaha ka furaysteen.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *