Habeenkaaga Hargeysa Hoolal Casri Ah Iyo Huteelka Crown kala Xidhiidh  Hargeysa Somaliland. TEL: 00252-2-527999
Mobile: 00252-2-4424992, 00252-2-4428600 ama Email- Info@crownhotelhargeisa.com

Ma doonaysaa habeenkaaga Munaasibad Xaflad  Aroos, Meher, Kulan Asxaabeed, ama inaad shir la qaadato saxiibadaa iyo sidoo kale kulan aqoon is weydaarsi  iyo siminaar.   Dhamaan Munaasibadaha  iyo xafladaha   Crown Huteel waa Huteel si casri ah oo si farshaxan leh loo habeeyay, iyadoo
lagu sar gooyay qaab ahaan iyo qalab ahaan Huteelada dhigiisa ah ee dunida dacaladeeda.

Hadaba Maamulka Hudheelka casriga ah ee Crown oo ku yaal  magaalada Hargeysa, goob dabiici ah,  waxa uu dadweynaha reer Somaliland gudo iyo debedba  ugu bushaaraynayaa adeegyo casri ah, Hoolal si cajiiba loo dhisayn gareeyay, isla markaana loo qalabeeyay iyo shaqaale hawshooda u jajaban oo lagu tababaray raarileginta iyo marxabaysiinta macmiisha u timaada. Hadaba ha moogaan hudheelka Crown ee magaalada Hargeysa, kaas oo aad ugu iman karto soo dhawayn aad iyo aad kuu raalligelisa.


Haddii aad dalka ku sugantahay iyo haddii aad dhinaca Yurub Woqooyiga Amerika, Dunida Carabta iyo dacalada kale ee aduunka joogto waxaad haystaa fursad aad kula xidhiidhi karto ku balansan karto adeega aad u baahnatahay adigoo aan wax mushkilad ah la kulmin.


Crown Hotel, waxa uu ka kooban yahay Afar qaybood oo kala ah Hurdo buuq iyo shanqadh la’aan ah, cunto dhadhan iyo damcad leh, hoolal aad loo qalabeeyey oo lagu dhigo aroosyada, xafladaha kala duwan, shirarka, aqoon-iswaydaarsiyada iyo beer lagu nasto oo leh dhir iyo ubaxyo indhuhu ku doogsadaan, qalbiguna ku qaboobo, isla markaana hawo iyo neecaw udgoonina ka dhacayso.


Hoolalka casriga ah ee hudheelka CROWN kuu diyaariyey oo kala duwan, kala qaad weyn, midi waxa uu qaadi karaa 1,500 oo qof, hoolka ku xigaana waxa uu qaadi karaa 1,200 oo ruux, halka hoolka ugu yarna loogu tallogalay inuu qaado dad gaadhaya 400 oo qof. Iyada oo hoolalka xafladaha loogu tallogalayna ay u goglan yihiin si casri ah oo indhihii mar arkaa qasab ku tahay inay mar labaad iyo mar saddexaadba ku soo noqdaan.ha moogaan, hana ka maqnaan Hudheelka casriga ah ee Crown, oo ku yaala dhinaca waqooyi ee dhaamka Jig-jiga yar ee galbeedka Hargeysa, haddaba wixii faahfaahin ah kala xidhiidh.


TEL: 00252-2-527999
Mobile: 00252-2-4424992, 00252-2-4428600 ama Email- Info@crownhotelhargeisa.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *