Hargeysa(Araweelo News Network) Ciidammadda kala duwan ee qalabka sida ee Somaliland, ayaa loo qeybiyay darajadda alifle illaa sareeye Gaas, taas oo si rasmi ah loogu beegay

munaasibada Ciidal Fidriga, balse darajooyinka sar-sare ee la bixinayo  ayaa maalinta berri salaada ciidal fidriga ka dib waxa bixinaya Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuwaas oo lagu bixin doono qasriga Madaxtooyadda.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa caawa ka hadlay ahmiyadda ay darajooyinka la bixiyay u leeyihiin karaammadda ciidanka, isagoo sheegay in ay soo celin doonto kala dambayntii,  isla markaana qurux u yeeli doonto haybadda dawladnimo iyo qaranimo.

 

“Waxaan halkan bogaadin uga soo jeedinayaa ciidammadda kala duwan ee qaranka oo aan u rajaynayo in dhammaan derajadii iyo gunnooyinka dalacaaduhu ku wada gaadheen ciidan kasta fadhiisinkiisa, Askari kasta waxaa saaran waajibaad, waxaana uu qaranka ku leeyahay xuquuq, derajaduna waxay ka mid tahay xuquuqda ciidamadu ku leeyihiin dawladda,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo farriin ku wajahan munaasibadda ciidul fidriga shacbiga u mariyay qalabka warbaahinta.

 

Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya ahmiyada derejada, wuxuu  fariintiisa ku yidhi, “Waxaan ku kalsoon nahay in ay derajadu soo kordhin doonto kala-danbaynta milgaha iyo haybadda ciidanimo, kor-u-qaadi-doonto muuqaalka iyo karaamada dawladnimo. Munaasabada ciida darteed, waxaan ciidamada caruurtooda iyo xaasaskooda leeyahay Hambalyo, Hambalyo, Hambalyo.”

Dhinaca kale munaasibada Ciida ayaa si weyn loogaga dhawaaqay caalamka Islaamka, iyadoo magaalooyinka Somaliland maalmihii u danbeeyay laga dareemayay saxmada diyaar garawga munaasibada Ciidda.

info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *