Hargeysa(ANN)Warar laga soo xigatay shebekad la rumaysan yahay inay taabacdo Urur weynaha Al-Qaacida eek u fidsan dacalada aduunka ayaa laga soo xigtay qoraalo digiin ah oo sheegaya inay u aargudi doonaan  hogaamiyahoodii Sh. Usama Binu Laden oo maraykanku sheegeen

 

inay 2 May ku dileen hawlgal dhinaca cirka lagaga weeraray dhisme ku yaala magaalada Abbottabad ee woqooyiga dhinaca dalka Pakistaan.
Balse sheegasha dilka Usama ee Maraykanaka waxa ka dhashay muran weyn oo xataa weli ka aloosan gudaha wadanka Maraykana, isla markaana rayal caamka dunida ayaa weli aan rumaysnayn intooda badani in  ldilka Usama iyadoo aanay dawladda Maraykanku soo bandhigin cadaymo muujinaya inay ku dileen gurigaa oo qiyaastii 800 mtr u jiray xarun weyn oo ciidamada Milateriga Pakistaan,  isla markaana ay sheegeen inay Maydkiisa ku rideen badda.
Hase yeeshee shebekado la rumaysan yahay inay gacansaar la leeyihiin shebekada Al-qaacida ayaa laga soo xigatay in lagu baahiyay inay    Al – Qaacida xaqiijisay geerida hogaamiyaheedii Osama Bin Laden, sida lagu sheegay wararkaa in al-Qaacida ay sii wadi doonto weerarada ay kaga soo horjeedaan Mareykanka iyo xulafadiisa, iyagoo sheegay inay Dhimashada Osama noqon doonto  mid habaar ku ah Mareykanka, isla markaana farxada maraykanka ay ka danabayn doonto murugo iyo oohin oo ay u aar gudi doonaan Usama.
Dhinaca kale geerida Osama Bin Laden ee Maraykanku sheegay  in  la dilay Isniintii, markii ciidamada Mareykanka ay weerar ku qaadeen xero ku taal magaalada Abbottabad ee waddanka Pakistan ayaa keentay inay hawlgalkaa isku khilaafaan dalalka Maraykanka iyo Pakistaan, waxaana dalal Pakistaan, Turkiga  iyo meelo kale ka dhacay mudaharaadyo lagu dhaleecaynayo hawlgalka  maraykanka, iyadoo aanay inta badan shacbiga pakistaan rumaysnayn in Maraykanku dilay Usama.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *