Washington(ANN )Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa markii u horaysay soo bandhigay cajalado Video ah oo tiradooda lagu sheegay Shan Video, kuwaas oo ay daawadeen masuuliyiin kooban oo ka mid ah Madaxda Maraykanka iyo weriyayaal tiro yar oo ka socday warbaahinta reer galbeedka. Cajaladahaa
qaarkood ahaayeen kuwo lagu qiyaasay in la duubay intii u dhaxaysay Oct –Nov 2010 ayaa ka mid ahaa qalab la sheegay in laga helay guriga ay maraykanku sheegeen inay ku dileen hogaamiyihii al-qacida ee Usma binu laden.
Laakiin cajaladaha ayaa suxufiyiinta arkay sheegayaan inay ahaayeen kuwo aan gebi ahaanba lahayn cod, isla markaana aanay ku arag wax muujinaya inuu Usama joogay guriga weerarka lagu qaaday ee k u yaala Pakistan oo ay Maraykanku ku adkaysanayaan in lagu dilay. Muuqaalada mid ka mid ah ayaa la sheegay inuu ahaa fariin tijaabo ah oo loo malaynayo inuu Usama ugu talo galay Maraykanka, sidoo kale fariin kale ayaa la sheegay inay ahayd Usama oo daawanaya Telefishanka Al-carabiya oo sii deynaya barnaamij isaga ka hadlaya, waxaana weriyayaasha daawacady sheegayaan in halkaa uu ka muuqdo Usama oo ku fadhiya flood, isla markaana sita duubka uu caanka ku yahay iyo koodhka sawiradiisa inta baddan ee la hayo, balse waxay dadka daawaday cajaladuhu sheegayaan in aanay gebi ahaanba ahayn kuwo cod leh, sidaa awgeed aan ilaa hada la hayn wax cad oo muujinaya in Usama Lagu dilay weerarkii ay ciidamada kamaandowsta maraykanku ku qaadeen 2 May todobaadkii hore guriga ku yaala Abbott bad ee dalka Pakistaan.
Dilka Usama ee Maraykanku sheegtay waxa ka dhashay muran weyn oo xataa weli ka aloosan gudaha wadanka Maraykana, isla markaana rayal caamka dunida ayaa weli aan rumaysnayn intooda badani in dilka Usama aan lahayn waxyaabo markhaati u noqon kara maamulka Obama, isla markaana cajaladaha dawladda Maraykanku soo bandheen ayaan weli ahayn kuwo madawga ka saaraya muranka ka taagan arrintaa, iyadoo aanu Maraykanku weli soo bandhigin cadaymo muujinaya inay hogaamiyihii Al-qaacida Usama Bunu Laden ku dileen gurigaa oo qiyaastii 800 mtr u jiray xarun weyn oo ciidamada Milateriga Pakistaan ku leeyihiin duleedka magaalada Abbott bad. halkan hoose riix si aad u daawato Video
http://youtu.be/XGcV0vzn1qg
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com