drones1Washington(Araweelo News Network)Sarkaal u hadlay wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanka oo ka gaabsaday I magaciisa la shaaciyo ayaa xaqiijiyay in weerar Diyaaradaha Maraykanka ee Drones-ka ku qaadeen

 

Koonfurta Somalia ay ku dileen Hogaamiye ka tirsanaa dagaalyahanka Al-shabaab oo lagu magcaabo Axmed Cabduqaadir Camoo.

Sarkaalka ayaa sheegay in weerarkaa oo ay fulisay diyaarad nooca Drones-ka la fuliyay shalay Axadii.  Kadib markii gantaal lala beegsaday gaadhi uu saarnaa hogaamiyaha Al-shabaab oo marayay Koonfurta Somalia, gaar ahaan deegaanka Buulabmadheedh.

Ninka weerarka ku dhintay waxay Maraykanku sheegeen inuu lahaa magacyo badan oo uu ku hawlgalo, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Axmed Cabduqaadir Camoo, isla markaana lagu naanaysi jiray (Isku dhuuq), (Sahal) iyo magacyo kale, waxaana sarkaalka ku dhintay weerarkaa lagu tilmaamay mid xubin muhiim ah ka ahaa Al-shabaab oo u qaabilsanaa dhinaca caafimaadka iyo Dawooyinka sidoo kalena uu ahaa sarkaalka fuliya hawlgalada lagu qaado weearada Hay’addaha gar-gaarka ee ka hawlgala Somalia, waxa kale oo ay Maraykanku sheegeen inuu ahaa Ninkaasi xidhiidhiyaha Al-shabaab iyo Kooxaha Budhacad-badeeda ka ugaadhsada Gaadiidka Badda biyaha xeebaha Bada Cas iyo Badweynata India ee usii jeeda Xeebaha Somalia.

Waxa kale oo lagu tilmaamay hogaamiyaha la dilay inuu ahaa xidhiidhiyaha Muhaajiriinta ka qaybqaadanaya daagaalka ay Al-shabaab ku jirto, isagoo geyn jiray goobo ay ka hawlgalaan, isla markaana ka taageeri jiray wixii ay u baahdaan sida safarada ay isaga gudbayaan deegaamada iyo arrimo kale oo mihiim ah.

Ururka Al-shabaab ayaan wax war ah kasoo saarin sheegashada Maraykanka ee weerarka duqaynta ah ee dilka hogaamiyaha Al-shabaab., isla markaana magaca ninkaa ayaa ah mid aan hore loogu maqal warbaahinta inta badan lagu shaaciyo magacyada hogaamiyayaasha Al-shabaab.
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *