Cirro1Hargeysa(Araweelo News Network)Gduoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ee higaamiya xisbiga Mucaaradka ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa maanta  Golaha wakiiladda Somaliland ka anisixiyay

 

xeer hoosaadka golaha Wakiilada oo  uu mudooyinkanba soo tolanayay kadibna is leekaysiiyay, isagoo daaqada ka saaray awooda ay leeyihiin labada gudoomiye xigeen ee golaha hore ula gudoominayay.

Gudida joogata ah ee golaha oo ahayd gudiyadii uu hore u samaystay ayaa maanta golaha soo hordhigay Xeer hoosaad cusub oo ka kooban 70 qoddob, kaas oo meesha ka saaraya doorkii iyo awoodihii labada gudoomiye Ku xigeen ee aqalkaasi, wuxuuna qaab jujuub ah si lama filaan ah Gudoomiye Cirro uga ansixiyay xeerka mudanayaasha fadhiyay oo u muuqday kuwo debeda kusoo heshiiyay. Kadibna sidaa ku meel mariyay xeerkaa oo gebi ahaaba u gacan geliyay awooda golaha Gudoomiye Cirro oo ah Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, iyadoo ay ogolaadeen  42mudane, 8 mudanena ay diideen, halka 4 Mudane ka aamuseen. Markii uu codka geliyay wax ka bedelka Xeer Hoosaadka golaha wakiiladda oo u muuqday shaadh si fiican loo leekaysiiyay Gudoomiyaha.

Laba xubnood ee shirgudoonka oo dhowaan ay gudoomiyaha hore isugu maandhaafeen gudiyada uu magcaabay, balse la heshiishiiyay ayaa ka dareeray hoolka fadhiga, waxyana ka baxeen albaabka iyagoo ka cadhooday arrintaa oo aan wax jawaab ah ka bixin.

Hase yeeshee Guddoomiyaha WADDANi Candiraxmaan Cirro wuxuu watay hawshiisa iyo sidii loo meelmarin lahaa Xeer hoosaadka lasoo sameeyay, kaas  oo ka dhigaya in labada Ku-xigeen lagu ridi karo 42 cod halkii qodobka ka hadlaya arrintaasi hore uga ahaaa 55 cod, balse C/raxmaan Cirro waxa loo daayey in 55 lagu ridi karo, taas oo la adkeeyay shuruuda lagu ridayo isaga (Gudoomiyaha), balse labada gudoomiye xigeen la khafiifiyay xeer hoosaadka cusub.

Qoddobada muhiimka ah ee ku jira Xeer Hoosaadka cusub ee Golaha Wakiiladda ee Awooda hogaamineed siinaya Guddoomiyaha ku-xigeenadana hoos u dhaadhicinaya wax aka mid ah Qoddobada 10aad iyo 32aad ee Xeerka Hoosaadka la Ansixiyey kuwaas oo kala tilmaamaya sidan:-

Qoddobka 32aad: Nidaamka fadhiyada Golaha
1. Marka la fadhiyo Golaha waxaa xubnaha hortooda fadhiisanaya:

a) Guddoomiyaha
b) Labada Guddoomiye ku xigeen oo is bar bar fadhiya
c) Xogahayaha Guud iyo xoghaye ku-xigeenka oo is bar bar fadhiya
d) Hadal qoraalayaasha
e) Madaxda Golaha Martida u ah
2. Guddoomiyuhu waxa uu fadhiisanayaa faloorka sare qaybtiisa u saraysa keligii
3. Labada Gudoomiye ku-xigeena waxay is bar bar fadhiisanayaan Guddoomiyaha hortiisa, halkaas oo ka hoosaysa kuna beegan madasha uu fadhiyo Guddoomiyuhu
4. Xoghayaha Guud iyo ku-xigeenkiisa waxa ay fadhiisanayaan labada Guddoomiye ku-xigeen bidixdooda
5. Shaqaalaha hadal qoraalku waxay fadhiisanayaan halka ugu hoosaysa ee ka soo horjeeda kuraasta mudanayaasha
6. Madaxda qaranka iyo kaaliyayaashooda oo aanu ku jirin Madaxweynaha /Madaxweyne ku xigeenku kuwaas oo lagu casuumay Golaha waxa ay fadhiisanayaan midigta labada Guddoomiye ku-xigeen
7. Madaxweynaha / Madaxweyne ku-xigeenka haddii ay yimaadaan Golaha waxa ay fadhiisanayaan Guddoomiyaha dhiniciisa Midig oo ah faloorka sare qaybtiisa u saraysa
8. Guddoomiyaha Guurtiddu wuxuu fadhiisanayaa kursiga Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladduna waxa uu ka fadhiisanayaa dhinaca midigta marka ay jiraan fadhiyada wadajirka ah ee labada Gole
9. Guddoomiye ku xigeenada Golaha Guurtiduna waxay bar bar fadhiisanayaan Guddoomiye ku xigeenada Golaha Wakiiladda kuwaas oo fadhiya faloorka ka hooseeya kuna beegan halka ay labada guddoomiye fadhiyaan.

Qoddobka kale waa ka 1oaad: Xil-waayida Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa oo u qoran sidan:-
1. Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen waxay xilka ku waayi karaan arrimaha soo socda:
• Geeri
• Istiqaalo qoraal ah oo uu u soo gudbiyo Golaha.
• Maqnaansho cudur daar la’aan ah oo gaaraya 45 cisho oo isku xigta
• Ku xad gudub shareecada islaamka, Dastuurka Qaranka, Xeer Hoosaadka Golaha ama shuruucda Qaranka
• Xilk gudasho la’aan joogta ah
• Dhimirkiisa oo wax u dhiman (waali, taasoo loo baahan yahay in uu soo cadeeyo guddi dhakhaatiir ah oo la aqoonsan yahay luguna kalsoonyahay
• Caafimaad daro joogta ah ama awood beelid uusan xilka la gudan Karin, taasoo loo baahan yahay in uu soo codeeyo guddi dhakhaatiir ah, oo la aqoonsan yahay laguna kalsoon yahay
• Xukun kama danbays ah ay ku riday maxkamadda awood u leh oo uu ku mutaysanaayo xabsi aan ka yaran lix bilood
2. Mooshinka xil ka qaadista Guddoomiyaha iyo labada ku-xigeen kuna salaysan asbaabaha ku xusan Faqrada 1aad, xarfaheeda c,d,e, waxaa keeni kara xidlhibaano aan tiradoodu ka yarayn saddex meelood meel (1/3) tirada guud ee Golaha. Codka xil ka qaadista wuxuu ku ansaxayaa aqlabiyada saddex meelood laba meel (2/3) ee xubnaha guud ee marka laga reebo xubnaha banaa-naanshahooda la baahiyey.
3. Soo jeedin Mooshin xil ka qaadis eek u aadan guddoomiyaha/Ku-xigeenadiisa waa inuu ahaadaa mid sababaysan oo ku salaysan sharciga
4. Mooshin xil ka qaadista waxaa laga doodayaa laguna codaynayaa (3) maalmood gudahood oo maalmo shaqo ah, kamana yaraan 24 saacadood gudahood laga bilaabo taariikhda la keenay Golaha
5. Haddii Mooshin xil ka qaadis laga keeno Guddoomiyaha Golaha, waxa fadhiga loogu codeynayo hogaaminaya Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ama 2aad kolba kii jooga.
6. Haddii Guddoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa isku mar kaliya laga keeno mooshin ah xil ka qaadis waxaa la marayaa talaabooyinka soo socda:

• Guddoomiyaha ama ku-xigeenada laga keenay soo jeedinta (Motion) xil ka qaadida waa in laga wareejiyo guddoominta fadhiyada inta ay ka dhamaanayso arrinta la xidhiidha soo codaynta waxaana fadhigan guddoominaya mudanaha ugu da’da weyn. Codayntuna waa Qarsoodi
• Haddii Guddoomiyaha ama Guddoomiye ku-xigeenadu lumiyaan xilka, si waafaqsan qodobka 10aad ee xeer hoosaadka Golaha, Goluhu waxa uu muddo toddoba maalmood ah gudahood ku dooranayaa Guddoomiye ku-xigeenada cusub
7. Haddii Guddoomiye ku-xigeenadu (GX/1aad & G/x/2aad) isu sharaxaan xilka Guddoomiyaha markay banaanaato, waa in ay u soo gudbiyaan iscasilaada Guddoomiyaha fadhiga, Goluhuna ka ogolaado.

Qaar ka mid ah xildhibaanada aan la socon qorshahan ayaa bilaabay buuq iyo sawaxan, balse looma joojin, waxayna madasha golaha wakiiladu isu bedeshay xarun uu leeyahay Xisbiga WADDANI, taas oo u muuqatay inqilaab uu Gudoomiye Cirro u badheedhay oo ku doonayo inuu golaha sida uu doono iyo danaha xisbigiisa ka fushado , iyadoo aan loo eegayn waajibaadka qaran ee saaran golaha Wakiiladda, balse loo eegayo oo keliya danaha Xisbiga WADDANI iyo siyaasadaha qarsoon ee uu shaadha u toshay Gudoomiye Cirro.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *