SelciyeHargeisa(Araweelo News Network) ku simaha Madaxwaynaha ahna,Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta shir-guddoominayey shir aan caadi ahayn oo

golaha wasiiradu isugu yimaadeen, kaasoo ay kaga doodeen qabashada diwaangalinta Madaniga ah oo dhowaan la iclaamiyay.
Madaxwayne ku xigeenka oo shir-guddoominayey codeyn loo qaaday wasiirada ogol in diwaangalintaasi dalka laga qabto iyo kuwo aan ogolayn, wuxuuna kulankaa ka dib saxaafadda Madaxweyne Xigeenka oo saxaafada la hadlay, isagoo ka hadlaya ujeedada shirkaa waxa uu yidhi, “Maanta oo Isniin ah Golaha Wasiirada waxaanu lahayn shir aan caadi ahayn, waxaanu dood dheer iyo falanqeyn ka lahayn diwaangalintii qaadashada muwaadin-nimada wasaaaradda arrimaha guduhu ay afar maalmood ka hor ay iclaamisay inay dalka ka dhacayso”ayuu yidhi Madaxweyne xigeenka Somaliland.

Madaxwayne ku xigeenku waxa kale oo uu sheegay in la la ansixiyay doodaa ay golaha wasiiraddu yeesheen, isagoo yidhi, “Halkaa waxa boqolkiiba boqol ku ansaxay in diwaangalinta muwaadiniinta laga qabto dalka, waxaanu u diyaar-garoobaynaa sidii loo qaban lahaa diwaangalin”ayuu yidhi.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *