somalimemo.net

Washington(Araweelo News Network) Dawlada Maraykanka ayaa sheegatay masuuliyada weerar milateri oo habeen hore Ciidamadooda kamandusta ku qaadeen hawlagalo

 

isku waqti ka dhacay Libiya iyo Somalia. Warbaahinta reer galbeedka ayaa baahisay war ay kasoo xigatay sarkaal u hadlay ciidanka Mareykanka oo uu ku sheegay in Mareykanku mas’uul ka ahaa weerarkii habeen hore ka dhacay magaalada Baraawe.

Wakaaladda wararka AP oo soo xiganaysa sarkaal sare oo katirsan ciidanka Mareykanka ayaa baahisay in howlgalkii Fashilmay ee Baraawe ay fuliyeen ciidanka gaarka ah ee Mareykanka.

“Ciidanka gaarka ah ee Mareykanka ayaa howlgal fashilmay ka fuliyay magaalo dhacda Koonfurta Soomaaliya,bartilmaameedkeenu wuxuu ahaa hoggaamiye Alqaacidda katirsan”ayuu yidhi sarkaal AP lahadlay.
qalabka1brawe
Melletiga Mareykanka waxay ku faafeen in hal waqti ay laba howlgal oo isku mid ah ka fuliyeen Liibiya iyo Soomaaliya, balse hawlgalka Somalia ee Baraawe uu fashilmay, isla markaana ay dib u laabteen ciidamadoodu iyagoo sida sarkaalku sheegay diidaya in shacbiga dhibaato soo gaadho.
Hase yeeshee hawlgalka dhinaca Libiya ka dhacay uu guulaystay, kaas oo sida dawlada Maraykanku sheegtay lagu qabtay Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Abuu Anas Al Libi, kaas oo ay ciidanka Mareykanku kala baxeen gurigiisa oo Liibiya ku yaal. Ninkaa magaciisa lagu sheegay Anas Al Libi ayaa ku eedaysan in uu ku lug lahaa weeraradii 1998 ka dhacay Tanzania iyo Kenya ee safaaradaha Maraykanka.

Dhinaca kale dowladaha Ingiriiska iyo Turkiga ayaa beeniyay  inay wax lug ah ku lahaayeen weerarka Somalia. Kadib markii Al-shabaab sheegtay shalay in ciidanka dowladahaasi ay fuliyeen weerarkii fashilmay ee Baraawe, waxayna Al-shabaab soo bandhigtay saanad iyo qalab Milateri oo ay sheegeen in ciidanka soo weeraray Baraawe ka carareen.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *