breaking News arraweelo,comNairobi(Araweelo News Network) Dawlada Kenya ayaa shaacisay magacyada sadex qof oo ay sheegeen inay ka mid ahaayeen dadkii fuliyay weerarkii Westgate ee ka dhacay

 

xarunta ganacsiga dalkaa 21 Sep 2013. Shaacinta magacyada dadka Kenya sheegtay inay ahaayeen kuwii fuliyay weerarkaa waxa kale oo lagu sheegay in tirada kooxda weerarka ku qaaday dhismahaa aanay ka badnayn 4 ilaa 6 qof, taas oo si weyn uag duwan warbixjn ay hore dawlada Kenya ugu sheegtay in dadka weerarka fuliyay gaadhyaan 10-15 qof.

Afhayeenka Ciidamada Kenya Emmanuel Chirchir oo maanta la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa u sheegay in tiradu aaney aheyn sidii loo sheegay, waxana uu dhankiisa sheegay in raggaasi aaney ka badneyn 4-6 ruux.

Afhayeenka Ciidamada Kenya Chirchir ayaa daba socday war maanta ka soo baxay Taliska Milatariga Kenya oo lagu faafiyay magacyada 4 ruux oo ay ku sheegeen iney ahaayeen raggii qaaday weerarkii Westgate.

Magacyada raga weerarka fuliyay waxay dawlada Kenya shaacisay sadex ka mid ah oo ay ku sheegtay  Cumar Nabhan, Khattab Al-Kini, Cumeyr iyo Abu Baraa’ Al-sudani.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidamada Booliska ee Kenya ayaa hore u sheegay tirada raggii fuliyay weerarka Westgate ahaayeen  inta  u dhaxeysa 10-15, kuwaas oo sida ay hore u shaacisay Kenya hoggaaminaysay  haweeney dhalasho British heysata. Balse waxey Al-shabaab hore u beenisay in Haweenayda Samantha ee u dhalatay Britain ku jirtay weerarkaa.

Al-Shabaab dhinaceeda hore u  sheegatay masuuliyadda weerarkii Westgate ayaan ka hadlin ilaa hadda tirada raggii weerarka qaaday iyo magacyadooda, taas oo muujinaysa in ay si nabad ah uga baxeen halkaa kooxda weerarka fulisay, kuwaas oo warbaahinta Kenya maalmo ka dib soo bandhigtay calaamado muujinaya inay ka baxeen dhismaha kadib markii ay fuliyeen hawlgalkii Westgate
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *