Hargeysa(ANN)Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa markii ugu horreysay ka hadlay khilaaf maalmihii u danbeeyay debeda usoo baxay oo ay saxaafada Somaliland wax ka qoraysay, kaas oo u dhexeeyay Madaxweyne xigeenka Somaliland C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici) iyo laba xubnood oo ka tirsan golaha wasiirada, balse markii danbe u gudbay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa. Hase yeeshee  ay khilaafkaa dhexdhexaadin ka galeen gudoomiye Cirro iyo xubno kale oo iskood isugu xilqaamay, wuxuuna gudoomiyaha wakiiladda Somalialnd sheegay inay soo afjareen inta badan tabashooyinkii labada masuul u dhexeeyey, isla markaana hadhsan yihiin oo keliya xaal-xaal yar oo sida uu xusay lagu jiro dhamaystirkooda.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo waraysi gaar ah siiyey shalay telefishanka madaxabannaan ee HCTV, ayaa caddeeyey inay ku guulaysteen khilaafkii u dhexeeyey Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka, isagoo  sheegay in Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici uu ka ballanqaaday inuu dib ugu soo laabto shaqada xafiiskiisa oo uu muddo shan maalmood ah uga maqnaa khilaafkaas awgii.
Haseyeeshee, Guddoomiye Cirro waxa uu caddeeyey in Madaxweyne-ku-xigeenku shuruud ku xidhay inuu dib ugu laabanto xafiiskiisa Madaxtooyada oo uu shantii maalmood ee u dambeeyey cadho kaga maqnaa.
“Markii aannu arrintaas galnay waxaannu waraysiyo la yeelanay dhinacyadii khilaafku u dhaxeeyey oo ah Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo iyo Ku-xigeenkiisa. Cabdiraxmaan Saylici, arrintuna waxay ahayd oo keliya hawlaha qaranka.
Arrintaas dhexdhexaadinta waxaannu ku galnay anigoo ah Guddoomiyaha Wakiillada, Guddoomiye-ku-xigeenka Golaha Wakiillada, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE iyo nin kaloo masuul ah. Madaxweynaha iyo ku-xigeenkaba waannu u mahadnaqaynaa. Markaannu wareysanay waxaannu isla garanay in wixii jira la soo afjaro, hawlaha qarankuna socdaan. Madaxweynaha iyo Ku-xigeenkuba hawshaas way naga aqbaleen, shalay [Isniintii] ayuu Madaxweyne ku-xigeenkuna shaqadii si caadi ah u bilaabay. Waxaannu ku kalsoonahay in hawshaasi ay soo afjarantay, haddii baahi kale timaaddana diyaar baannu u nahay,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Wakiillada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).
Dhinaca kale tibaaxo shebebada Araweelonews heshay oo la xidhiidha arrimahaa khilaafka ayaa sheegaya inkasta oo isfaham laga gaadhay arrintaa ay hadana tahay mid aan si dhamaystiran loo soo afjarin, isla markaana shuruudaha Madaxweyne xigeenku ku xidhay soo afjarida murankaa ay tahay mid carqalad ku noqon karta in xal dhamaystiran loo helo khilaafkaa.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *