“UDUB Way Tegeysaaye Ha Tahriibin Walaal” Halku Dheggii Kulmiye Xiliggii Ololaha Halkee Buu Ku Danbeeyay? Qaybtii Shanaad By, Carraale M. Jama freelance Journalist and Human Rights Activist

Dhinaca Boorame xiliggaa ka baxday ay inta badan ahaayeen kuwii ka baxay Jaamacadda Amoud Universty, kuwaas oo lagu war helay markii geeridooda lasoo sheegay in ay ku nafwaayeen saxaraha iyo badweynta u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga iyagoo

doonaya inay u gudbaan dhinaca Gasiiradda Malta si ay ugu sii dhaafaan dalalka Yurub.

Khilaafkii la kowsaday doorashadii golaha waakiilada Somaliland ee 2005, waxa  sii xoojiyay Ka dib markii Doorashadii Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka ee dhici lahayd 15/04/2008 ay wakhtigeedii ku qabsoomi weydey, iyadoo mudadii dastuuriga ahayd ee xukuumaddii Daahir Rayaale hogaaminayay oo la doortay 16 May 2003, sharciyada mudadeedu ku ekayd 16 May 2008, isla markaana la filayay in doorashada Madaxtooyadu qabsoonto ka hor mudadaa sida uu waajibiyay Dastuurku. laakiin ay waxba kama jiraan noqotay inay doorashada Madaxtooyadu ka dhacdo dalka.

Balse Golaha Guurtida ayaa u kordhiyay mudadii xilka ee Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka,taas oo ka bilaabmeysey 16/05/2008, isla markaana ku dhammaanaysay 06/05/2009, balse mudo kordhintaa oo sawaxan iyo buuq ka dhex abuurtay mucaaradkii waqtigaa iyo xukuumaddii Daahir Rayaale, waxay Komishankii doorashooyinka iyo Asxaabta Qaranku yeesheen wada tashi muddo dheer qaatay, iyagoo ugu danbayntii ku heshiiyey in Doorashada Madaxtooyadu qabsoonto 29/03/2009.

Hase yeeshee heshiiskaa ayaa noqday waxba kama jiraan, waxaana dib u bilaabmay muran iyo khilaaf siyaasadeed oo hadheeyay xayndaabka siyaasada Somaliland, kaas oo abuuray cabsi ku waajahnayd inay xasiloonidii iyo nabadgelyadii lagu majeeran jiray Somaliland ay faraha ka baxdo.

Dhinaca kalena waxa soo baxay wer wer ay daneeyayaasha nidaamka geedi socodka doorashooyinka Somaliland iyo hanaanka dumquraadiyadu ka cabsi qabeen inay dhacdooyinkaasi noqdaan kuwo Somaliland ka leexiya dhabihii ay maraysay ee geedi socodka dumuqraayida, isla markaana u muuqatay mid meesha ka saartay rajadii iyo yididiiladii shacbigu ka qabay isbedel siyaasadeed oo ka dhaca dalka, kaas oo ku yimaada nidaamka doorashooyinka   ……La Soco 

By, Carraale M. Jama freelance Journalist and Human Rights Activist
Jaamac132@gmail.com
www.araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *