Hargeysa(ANN) Wasaaradda Diinta iyo Waqaafta Somaliland iyo Gudida wanaag farista iyo xumaan reebista,  ayaa kala saxeexday heshiis wada shaqayneed oo kooban todoba qodob, kaas oo la xidhiidha is waafajinta siyaasada wasaaradda iyo hawlaha tabaruca ah ee ay qabtaan

 

gudidaasi.
Heshiiskaa oo la xidhiidha sidii labada dhinac uga wada shaqayn lahaayeen wanaaga bulshada ee dhinaca Diinta iyo dhaqanka, ayaa qodobada qaarkood yihiin kuwo doodo uga abuuray bulshada oo ay hore gudida wanaag-faristu usoo jeediyeen.
Qodobada Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta iyo Gudida Wanaag-farsita iyo xumaan reebista ee ka dhisan Somaliland waxa gaadheen, ayaa  u dhignaa sidan:-
• In si wada jir ah loo dardar geliyo hawsha wanaag farista iyo xumaan reebista
• In xumaha soo kordhaya wax laga qabto iyadoo la kaashanayo wasaaradda arrimaha gudaha.
• In la dhiirrigeliyo sidii kharashka guurka ku baxa hoos loogu dhigi lahaa, dhalinyaradana loogu fududayn lahaa guurka.
• In aflagaadada diinteena suubban cidii lagu helo xadhig aan cafis lahayn lala tiigsado.
• in cabashooyinka bulshada ee dhaqan xumada ku saabsan,  isla markaana warbaahinta dalka laga joojiyo waxii dhaqan xumo faafinaya.
• in bishiiba mar si joogto ah labada dhinac shir uga wada yeesheen waxii u qabsoomay iyo waxii qabyo ah.
• In kaalin wax ku ool ah laga qaato hawlaha nabadaynta iyo Islaaxa umadda dhexdeeda ah.

Dhinaca kale  gudoomiye ku xigeenka gudida wanaag- farista Cawl Xuseen Cali,  ayaa ka hadlay booqasho ay maanta ku tageen xabsiga dhexe ee Magaalada Hargaysa, kaas oo uu sheegay inuu ku wajahnaa sidii ay u wacdiyi lahaayeen maxaabiista xabsiga ku jirta, iyagoo si gaar ay u  booqdeen maxaabiistii ay gudi ahaan soo xidheen ee lagu helay aflagaadooyin iyo anshax xumo dhinaca  Diinta ah.

Guddoomiyaha Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan reebista  Marxuum Xaaji Ibraahim Cabdillaahi (Xaaji Dool),  oo ahaa aas-aasihii gudidaa, ayaa ka hor intii aanu ku geeroyoon  magaalada Hargeysa 18 January 2012, wuxuu  soo saaray November 2011,  baaq ku waahan guurka oo ay ku dalbanayeen gudi ahaan in la dhimo kharashaadka ku baxa si ay fursad guur isugu helaan wiilasha iyo hablaha (halkan ka akhriso qodobadaa), balse waxa arrintaa ka dhashay doodo balaadhan oo ay bulshadu aragtiyo kala duwan kaga bixiyeen. Kadib markii tafsiir khaldan laga bixiyay sida ay gudidu waqtigaa sheegeen ee loo fahamsiiyay in Meherka hablaha la dhimayo, taas oo ay haweenku si weyn u diideen, balse gudida wanaag-faristu sharaxaad ka bixiyeen. Laakiin qodobadaa ayaan dhaqangelin, waxaana la filayaa in qodobada hada ay wada saxeexdeen Wasaaradda  Diinta iyo Aw-qaafta iyo Gudida wanaag-farsitu loo gudbiyo golayaasha sharci dejinta si loogu bedelo xeer dhaqan gal ah.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *