Washing ton (ANN) Dawladda Maraykanka  ayaa ku gacan saydhay Codsi  dowladda Kenya hore ugu gudbisay oo ahaa in Ciidamadeeda  ku sugan Soomaaliya  ee dagaalka kula jira Al-shabaab ay dowladda Maraykanka ka gacan siiso, taas oo qaramada midoobayna ku baaqeen in lagu

 

taageero kenya.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Maraykanka John Kirby  oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Washington ayaa sheegay inay daawanayaan howlgallada Ciidamada Kenya ay ka wadaan Koofurta Soomaaliya oo  sida uu sheegay ay ku baacsanayaan Al -Shabaab, hase ahaatee waxaa uu hoosta ka xariiqay in dowladdiisa marna aanay Ciidamada Kenya gacan ku siineyn la dagaalanka Al Shabaab.
“Madoonayno in dowladda Kenya aan ku taageerno la dagaalanka Al Shabaab, hase ahaatee waan ognahay in Al Shabaab ay yihiin Urur argigixiso ah oo falal ammaan daro ka gaysan kara gobolka geeska Afrika, taa  micnaheedu maaha in dowladda Kenya aan ku caawino cidhibtirka Al Shabaab” sidaa waxaa yidhi John Kirvy oo ah Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Maraykanka.
Maalin ka hor ayay aheyd markii Wakiilka Qaramada Midoobay u fadhiya dowladda Kenya uu Maraykanka ka dalbatay in Kenya lagu gacan siiyo ka hortaga iyo baabi’inta Al Shabaab. Sidoo kale dawladda Israel ayaa todobaadkii hore iyadoo ka jawaabaysa taageero ay ka dalbatay Kenya ku sheegtay inay Kenya ka caawinayso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
Dhawaaqa Dawlada Maraykanka ee xilagan ayaa u muuqda mid ah jawaab dublamaasiyadeed, maadaama ay cadahay inaanay Maraykanku ku jirin dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab oo ay hawlgalo duqaymo dhinaca cirka ah oo malaayiin dolar ku baxdo maalin walba ka fuliyaan goobo ka mid ah Somalia, isla markaana diyaaradaha aan cidna wadin ee Maraykanka oo saldhig ku leh Koonfurta galbeed ee Ethiopia hawlgaladaa ka fuliyaan gudaha Somalia iyagoo ku dooda inay ku bartilmaameedsadaan fadhiismo kooxda Al-shabaab ku leedahay halkaa, balse duqaymahaa ayaa dhibaatooyin kasoo gaadhaan dad rayid ah oo aan waxba galabsan, kuwaas oo waxyeelo dhinaca deegaanka iyo xoolahana ka geysta meelaha lala beegsado.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *