London(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo socdaal shaqo iyo fasax ku jooga dalka Britain, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka u qaabilsan Britain arrimaha Afrika Henry Bellingham. Kulankaa  oo shalay ka dhacay London, isla markaana socday muddo

saacado ah  ayay  labada dhinac ee Madaxweynaha Somaliland iyo Wasiirka Britain kaga wada hadleen sidii loo sii adkayn lahaa iskaashiga iyo cilaaqaadka labada wadan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kulankaa ka dib saxaafadda uga waramay waxyaabaha ay ka wada hadleen wasiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika Henry Bellinggham, wuxuuna ujeedada kulankaa  ku  sheegay inuu ahaa mid iyaga dhinacooda ka yimid maadama booqashadooda ay hadda London ku joogaan ay tahay mid aan rasmi ahayn, waxaanu tilmaamay inay Wasiirka ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.
Madaxweyne Siilaanyo  wuxuu intaa  ku daray inay Wasiirka Ingiriiska u qaabilsan Afrika ay warbixin balaadhan ka siiyeen xaalada guud ee dalka iyo sida Somaliland ugu heelan tahay iskaashiga ay la leedahay Britain.
Dhinaca kale Henry Bellingham oo kulankaa kadib  laftiisu qaar saxaafadda ka mid ah hadal kooban  ka siiyay ujeedada kulankaa oo wax lagaga waydiiyey ayaa sheegay inay ka wada hadleen arrimaha mandaqadda geeska afrika, arrimaha ammaanka, Deeqaha Britain siiso Somaliland iyo weliba sidii Somaliland iyo dawladda wadaaga ah ee Britain ay iskaga kaashan lahaayeen dhinacyada ammaanka mandaqadda Geeska Afrika.
Kulankan ayaa kusoo beegmay. Kadib markii dawladda Britain iclaamisay shir caalami ah oo ay ku qabanay dalkeeda sannadka fooda inagu soo haya ee 2012 oo sida uu sheegay raysawasaaraha Britain lagaga hadlayo mushkilada Somalia iyo qalalaasaha siyaasadeed ee ka taagan Somalia oo uu sheegay inuu khatar weyn ku yahay dahooda iyo nabadgelyada guud ee mandaqada geeska Afrika.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *