Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta ka furay deegaanka Jalleelo ee duleedka Woqooyi Bari  ee  magaalada Hargeysa wershadda Somaliland Beverage Industry (SBI) oo ah tii u weynayd ee Coca-cola iyo sharaabka kale soo

saarta oo laga hirgeliyay geyigan Somaliland,.
Wershaddaa oo maalintii soo saaraysa 18 kun oo kees oo sharaabka noocyadiisa kala duwan ah, waxa ku baxay hirgelinteedda lacag lagu qadaray 17 milyan oo Dollar, waxaan maalgeliyay  Axmed Cismaan Geelle oo ah muwaadin ganacsi ku leh Somaliland iyo Djibouti.
.Munaasibada  furitaanka wershadan oo  si weyn loo agaasimay, ayaa lagu qabtay xarunta warshadda SBI, taas oo ay ka  qeyb galeen Wasiirro, Xildhibaano, Xisbiyadda Qaranka, Ururadda Siyaasadda Somaliland, Ganacsato, Wasiiro iyo koox wasiiro iyo saraakiil ah oo ka socotay Djibouti. Sidoo waxa munaasibadaa ka qaybgalay madaxa shirkadda Coca-cola ee bariga iyo badhtamaha afrika Mr. Nathan Kalumbu, salaadiin iyo marti-sharaf aad u badan oo kun qof kor u dhaafay.


Guddoomiyaha ahna Mulkiilaha shirkadda SBI Mr. Axmed Cismaan Geelle oo ka hadlay xafladii furitaanka ayaa u mahad celiyay madaxweynaha iyo marti-sharaftii kale ee ka soo qeyb galay xafladaa, waxaanu sheegay in dhsimaha wershadaa uu ku riyoonayay hirgelinteedda muddo 28 sanadood ah, waxaanu u mahad celiyay dadkii kala soo shaqeeyay marxaladihii uu lasoo maray wershadaa, isagoo xusay in Allah  ha u naxariistee Aabihii Cismaan Geelle Faarax uu wax ku lahaa intii aanu xijaaban fikirkii wershadaa.


Axmed Cismaan wuxuu sheegay inay wershadani ay liisan ka qaadatay shirkadda Coca-cola adduunka sanadkii 2008-dii,waxaanu tilmaamay in sharaabkoodu uu waafaqsan yahay heerkii (standard) caalamiga ahaa, waxaanu u mahad celiyay shirkadda Coca-cola ee bariga iyo badhtamaha afrika oo uu carabka ku dhuftay inuu iskaashi balaadhani ka dhaxeeyo.
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in 15- milyan oo Dollar lagu maal-geliyay, iyadoo ay maalgelinteeda iska kaashadeen Somaliland Beverage Industry (SBI) iyo Shirkadda Coca-cola, oo ay ka go’an tahay inay qaaradda Africa  ku maal-geliso $12 Bilyan oo dollar inta u dhaxaysa sanadaha 2010 illaa 2020-ka.

“Waxaan jecelahay Madaxweynaha Somaliland oo intii aanu dhisaynay warshadan taageero balaadhan nala garab taagnaa, waxa kale oo aanan marnaba iloobi Karin oo aan si weyn ugu mahad celinayaa odayaasha deegaanka Jaleelo oo nala soo kifaaxay maanta midhaheedii nala guranaya,”ayuu yidhi Guddoomiyaha shirkadda SBI. Wuxuuna  dadweynaha ugu baaqay inay shirkadan taageeraan si loo dhiiri geliyo wax-soosaarka wadaniga ah,  isagoo arrintaa ka hadlayana wuxuu  yidhi,  “Waxaan dadweynaha Somaliland oo aanu u mahad celinayno aanu ugu baaqaynaa inay nala shaqeeyaan oo ay na taageeraan si loo dhiirigeliyo wax-soosaarka wadaniga ah.”

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaa,  ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka wershadaa oo uu xusay inay ka weyn tahay arragtidii uu markii hore ka haystay.
“Waxaan marka u horeysa halkan hambalyo aad iyo aad u balaadhan uga soo jeedinayaa shirkadda Coca-cola-ha ee SBI ee aynu halkan maanta wax bandanna ka maqalay wax bandanna ka dhegaysanay, waxaynu indhaheena ku aragnay warshaddan iyo waxa ka dhisan oo runtii ahaa wax aad iyo aad loola yaabo oo aad loogu farxo ahaa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Waxaan hambalyo iyo ammaan balaadhan u soo jeedinayaa Axmed Cismaan Geelle iyo shirkadiisaba. Runtii wxii aan halkan ku arkay may ahayn wax aan filayay waa runtii wax aad uga balaadhan wixii aan filayay. Waa wax ay Somaliland ku faani karto waxyaabaha ay dalka ku soo kordhiyeen. Waxa kale oo ka sii weyn warshadan ay fureen waxaynu ka sii baran karno, siday dunidda inoogu xidhi karto iyo shaqooyinka ay abuurayso.”
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu intaasi ku daray inay xukuumadiisu ay diyaar u tahay inay dhiiri-gelinayso cid allaalle iyo cidii maal-gashanaysa dalka.

“Anagu haddii aanu dawladda nahay waxaanu diyaar u nahay wax allaale iyo wixii dhiiri-gelinaya samaynta warshada noocan oo kale ah ee u faa’iidaynaya ee shaqo u abuuraya oo dalka horumarkiisa gacan ka geysanaya diyaar ayaanu u nahay inaanu dhinac walba ka caawino oo wixii aanu la qaban karnaba la qaban karo. Waanu ku dhiiri-gelinaynaa Inshaalaahu tacaalaa. Waxaanan mar kale leeyahay hambalyo hambayo. Weftiga reer Jabuuti ee aanu walaalaha nahay ee marti-qaadka noogu yimidna waxaanu leenahay soo dhawaadda waa dalkiinii iyo dadkiinii ayaanu leenahay,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.


Wasiirka Ganacsiga, wershadaha iyo Salxiiska Somaliland  C/risaaq Khaliif Axmed,  oo ka hadlay madashaa, ayaa  bogaadiyay mulkiileyaasha shirkadan oo uu ku sifeeyay qaar maal-gashi balaadhan dalka geliyay. Waxaanu balan-qaaday inay wasaarad ahaan ay dhiirigelinayaan isla markaana wixii tasiilaad ah u fududayn doonaan.
Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Madaxa shirkadda Coca-colla ee bariga iyo badhtamaha Afrika Nathan Kalumbu iyo sarkaal sare oo ka socday shirkadda Coca-cola ee adduunka, waxaanay ka warameen marxaladihii uu soo maray iskaashiga ka dhaxeeya shirkadooda iyo shirkadda SBI, iyagoo xusay  inay ku faraxsan yihiin inay iskaashi ganacsi la wadaagaan shirkadda SBI ee Somaliland.
Gebagebadii waxa halkaa  lagu soo bandhigay filim kooban oo dukumantari ah oo tafaasiil ka bixinayay maraaxilkii ay soo martay yagleelida  wershadaa la furay ee Somaliland Beverage Industry (SBI).

Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *