Ethiopia (ANN)Dawladda Ingiriiska ayaa markii u horraysay shaacisay in Jamhuuriyada Somaliland xilli ka mid ah mustaqbalka ay aqoonsi buuxa ka heli doonto beesha caalamka, maadaama ay tahay wadan dimuqraadi ah oo bulshadiisa daryeela. Sida xalay lagu faafiyey

bogga Internet-ka safaaradda Ingiriiska ee magaalada Addis Ababa, waraysi lala yeeshay safiirka Boqortooyadda Ingiriiska u Fadhiya Itoobiya Mr. Norman Ling, ayaa daboolka ka qaaday in dimuqraadiyad qurux badani ka jirto Somaliland, taasi ay horseedi doonto in aqoonsiga Somaliland dhici doono mustaqbalka, isaga oo aan carabaabin xiliga iyo wakhtiga uu rajaynayo in Somaliland la ictiraafi doono.

“Anagu waxa aanu doonaynaa waa sidii aanu u kordhin lahayn taageeradda aanu siino Somaliland oo horeba u muujisay dimuqraadiyad qurux badan, isla markaana daryeesha bulshadeeda, haddii ay taasi aqoonsi u horseedi doontana waxa laga yabaa in aqoonsiga Somaliland dhici doono xilli ka mid ah mustaqbalka,” ayuu yidhi safiirka Ingiriiska u fadhiya magaalada Addis Ababa ee caasimadda wadanka Itoobiya.

Safiirka Ingiriiska oo la weydiiyey in aqoonsiga Somaliland si dhakhso ah u dhici doono, waxa uu ku jawaabay, “Kuma Xidhna in wadan qudhi aqoonsado dal, laakiin waxay u baahan tahay in dalal badani go’aan ka gaadhaan in la joogo xilligii Somaliland loo aqoonsan lahaa wadan madaxbannaan, waxa kale oo jira in arrimuhu ku xidhan yihiin waxa ka dhacaya Koonfurta Soomaaliya, mid ka mid ah figradaha qurxinaya madaxbannaanida Somaliland, ayaa leh arrimuhu waxay ku xidhan yihiin maamulka Puntland oo haddii ay wadahadal toos ah la geli lahaayeen, waxa soo bixi lahaa natiijo ka duwan oo wax-ku-ool ah. Laakiin mar kasta oo xaaladda Soomaaliya sii qasanto oo dawlad dhexe oo shaqaysa la waayo, Somaliland horumar sii samayso, waxa sii xoogaysanaya qadiyadda aqoonsiga Somaliland.”

Waa markii u horraysay ee wadan ka mid ah beesha caalamku, gaar ahaan boqortooyadda Ingiriisku shaaciyo in aqoonsiga Somaliland dhici karo wakhti ka mid ah mustaqabla. Arrintaasi oo yididiilo fiican u ah dadweynaha reer Somaliland ee mudada 20-ka sanno ah halganka ugu jiray sidii adduunku u ictiraafi lahaa.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
Xigasho Jamhuuriya

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *