Boqor Buur-madaw Oo Sheegay In Xukuumadda Somaliland  Aanay Wax Qorshe Ah  Ka Dalban Dhinaca Xaglo-toosiye Hogaaminayay  Ee Weftiga Reer Buuhoodle Oo Watay Ajandeyaal Cad Oo Loo Fuliyay Hargeysa(ANN)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid madax dhaqameedka caanka ah ee Somaliland, ayaa soo dhaweeyey wada hadalada nabada ee u bilowday Xukuumadda Somaliland iyo reer Buuhoodle, kaas oo uu ku tilmaamay talaabo hore loo qaaday oo

 

wax ka taraysa nabada iyo horumarka deegaamadaas. Laakiin wuxuu dhaliilay qaabka xubnaha wasiiradda ee metelayay xukuumadda Somaliland u maamuleen arrintaa.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud oo xalay waraysi uu arrimahaa iyo shir ay wadaan salaadiin uu hormood u yahay  kaga hadlay waramaysi  uu siiyay Wargeyska Saxansaxo oo kasoo baxa magaalada Hargeysa, kaas oo ku sheegay in Weftiga reer Buuhoodle ee uu hogaaminayey Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo- toosiye)  yihiin  xubnaha  ay ka go’do nabada Buuhoodle,  isla markaana ay  la yimaadeen ajande cad oo ay soo hor dhigeen Xukuumadda Somaliland, balse taa bedelkeeda aanu jirin ajande dhinaca xukuumadda Somaliland oo lagu xidhay wefdiga Buuhoodle inay fuliyaan.
“Anigu aad iyo aad ayaan u so odhaweynayaa wada hadalada nabadeed ee u bilaabmay xukuumadda Somaliland iyo reer Buuhoodle, waxanan leeyahay waxa ku xidhan arrintan horumarka, nabada iyo deganaashaha Mandaqada oo dhan, waxana kale oo aan so dhaweynaya in Maxaabiista la sii daayo oo Ciidamada la kala qaado oo Heshiis dhaco intaba waan soo dhaweynaya.”
Hase yeeshee Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur madow), waxa uu ka dhawaajiyey in Weftiga reer Buuhoodle ay la yimaadeen ajandeyaal cad cad oo qaarkood loo fuliyey,  laakiin  dhinaca  Xubnaha Somaliland u metelayey wadahadalka  ee kulamada la yeeshay Weftiga reer Buuhoodle ay ahaayeen masuuliyiin aan wadan wax qorshe ah,  ama aanay jirin shuruudo ay hor dhigeen dhinaca reer Buuhoodle, wuxuuna  isagoo  arrintaa  ka hadlaya  yidhi, “Anigu Qoladaas reer Buuhoodle waanu kulanay oo waanu is aragnay, waxaanay u muuqdeen qaar wax lala dhameysan karayo, waxaY wateen Ajandayaal Cad cad oo qoran,  kuwaas oo qaarkood loo fuliyey oo ay  kana mid ahaayeen in Muxaabiistii loo sii daayo iyo in Ciidanka Qaranka Somaliland laga soo raro waana loo fuliyey Shuruudahaa, Laakiin Xubnaha u metelayey wada hadalada dhanka Somaliland waxaan u arkayey inay hogaaminayaan rag dhalinyaro ah oo aan u bislayn arrimahan nabada oo aan wada xaajadana la dhameysan karin  weftigan reer Buuhoodle, markii ay Weftigan la hadlayeena  may jirin wax ajande ah oo dhinaca Xukuumaddu ku xidhay reer Buuhoodle oo ahaa waxa looga fadhiyo dhinaca reer Buuhoodle, haddii qodobadoodii  ay wateen loo  fuliyey.” Ayuu yidhi.

Boqor Buur-madaw, waxa uu sheegay inaanay xukuumadda Somaliland waxba ku bedelan heshiiskaa, isagoo yidhi, “Waxa ay aheyd in arrinka ay meeliba meeli ka horeyso oo ay Nabadeyni ugu horeyso lana wada hadlo,  isla markaana Ciidamada soo duulay ee dhanka Buuhoodle iyo kuwa meesha Colaadu ka dhacday joogaba waxa ay aheyd in la kala qaado oo Dib u heshiisiinta iyo Nabada la meel mariyo, waxay  aheyd in Somaliland ay ku bedelato Nabad iyo horumar ka hana qaada oo ka hirgala jiiddahaas hore, balse  waaxan arkayey in ragaasi yihiin rag bisil Xagan Somaliland Caadifadi yar ayaa ka muuqatay, dhalinyaro wax ka midha dhalin kara may aheyn ee waxay ahaayeen dhalinyaro fudeyd ka muuqdo” ayuu yidhi.
Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow), isagoo sharaxaya wefdiga Buuhoodle iyo kaalintooda, waxa uu yidhi,  “Anigu waan ka war haya in xubnaha dhinaca Buuhoodle ka yimi  ay yihiin raggii ku filaa arrinkaa oo  ay ahaayeen raggii Buuhoodle taladiisa iyo Xaajadiisu ka go’aysay,  waxaana  meesha marayey Wakiiladoodii, laakiin dhanka Somaliland ayaan  raggii Xaajada lahaa iyo nabada gundhiga u ahaa aanay meesha ka muuqan ayaa la odhan kara laakiin xaga kale way dhameystirnaayeen ayaan leeyahay.”
Dhinaca kale Boqor Cismaan  Buur-madow, ayaa  ka hadlay Shir qaar ka mid ah Salaadiinta Somaliland oo uu hormood u yahay u balansan yihiin bishan 28-keeda, kaas oo la filayo inuu ka dhaco Hargeysa, wuxuuna isagoo ka hadlaya halka uu marayo shirkaasi yidhi,  “ Shirkan waxa uu noqon doonaa mid ay u dhan yihiin Salaadiinta Somaliland oo Hargeysa ayuu ka qabsoomayaa hawlihiisuna si caadi ah ayey u socdaan, markaa maaha Shir Xukuumadda wax loogu dhimayo ee waa Shir ay salaadiinta Somaliland arrimahooda kaga shirayaan”,  ayuu yidhi Boqor Cismaan, wuxuuna xusay in xubno ka  mid ah Salaadiinta oo uu ugu horeeyo  Suldaan Xasan dhowaan shirkaa ka hadlay, balse ay dhameeyeen oo ay hada isla ogolaadeen dhamaantood.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *