Oog(ANN)Dablay hubaysan, ayaa xalay caweyskii weerar gaadmo ah kusoo qaaday  Tuulada loo yaqaan Gows-weyne oo ka tirsan gobolka Saraar ee bariga Somaliland, isla markaana qiyaastii 20 Km kaga beegan Oog dhinaca Bari. Sida ay sheegeen
qaar ka mid ah dadka deegaanka dablaydaa oo wadatay laba gaadhi oo nooca loo yaqaan Surf, waxay tacshiirado rasaas ah huwiyeen dad shicib ah, waxayan goobta  ku dileen laba  qof, iyagoo ilaa Afar qof oo kalena dhaawacyo u geystay, kuwaas oo eryanayay gaadhi jaadle ah oo deegaanka marayay, waxayna ku dileen hal qof, iyagoo mid kalena dhaawac u geystay, waxayan wararka qaar sheegayaan in tirada dhimashada iyo dhaawacu intaa ka badanyahay, isla markaana ay kaxaysteen gaadhi.
Wararka qaar ayaa sheegaya inay ciidamo ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland gaadheen xalayba halkaa, balse Kooxda  dablayda ah ee weerarka geysatay, ayaa ka mid ah malayshiyada nabaddiidka ah ee Khaatumo, kuwaas la sheegay in markii ay dadka laayeen ay halkaasi ka firxadeen. Kadib markii ay ka war-heleen in cutubyo ka tirsan ciidamada qarankanka Somaliland ay soo baxeen Oog iyo Yagoori.
Maleeshiyaadka ayaa la sheegay inay u talaabeen dhinaca degmada Xudun ee gobolka Sool, iyadda oo markaa ka dibna ay ciidamada qaranku gaadheen halkii ay dadka ku laayeen ee Tuulada Gows-weyne oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Gar-adag ee gobolka Saraar.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office   
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *