Muqdisho(ANN)Kooxda Al-shabaab ayaa maanta albaabada u xidhay gebiahaanba  xafiisyada ay Koonfurta iyo Badhtamaha Somalia ku leeyihiin shirkadda ugu weyn dhinaca

xawaaladda lacagaha ee  Dahabshiil iyo sidoo kale shirkaddaha is-gaadhsiinta ee Nationlink iyo Telecom.
Lama garanayo  ujeeddada rasmiga ah ee ay kooxda Al-shabaab  u xidhay  xafiisyada shirkaddahaa, hase yeeshee mas’uuliyiin ka tirsan shirkaddahan oo idaacada VOA-du ay la hadashay ayaa sheegay in xadhigaasi  uu la xidhiidho  kaddib markii shirkaddaha lagu amray inay bixiyaan lacag gaadhaysa 120 kun oo dollar oo ay kooxda al-Shabaab ku sheegtay inay tahay lacago Zako.
Xafiisyada shirkaddaha Dahabshiil, Nationlink iyo Telecom ee maanta kooxda al-Shabaab ay xidhay ayaa ku yaallaa Gobollada Jubbooyinka, Labada  Shabeelle,  Hiiraan, Bay, Bakool iyo Gedo oo ah meelaha ay kooxda Al-shabaab ku amar ku taaglayso
Shirkadda is-gaarsiinta ee Hormuud oo iyadu ka mid ah shirkaddaha  ka howlgalla dhulka ay al-Shabaab ka taliso ayaan wax saameyn ah ku yeelan xadhigaa.
Dhinaca kale talaabadan noocan ah ee ay Al-shabaab kaga dalbayso lacagaha shirkadahaa ayaa ah mid aan hore looga baran, waxaana la rumaysan yahay inay tahay talaabo xidhiidh la leh arrimo siyaasadeed. Shirkadda ugu weyn xaawaladaha Soomaalida ee Dahabshiil ayaa ahayd mid doorka ugu weyn ka qaadatay abaaraha iyo macaluusha ka jirta Somalia, iyadoo ahayd shirkadii ugu horaysay ee keligeed deeqdii u horaysay u fidisay dadka macaluusha, abaaraha  iyo dagaalada aafeeyeen oo ay ugu deeqday boqolaal kun oo dollar. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *