Hargeysa(ANN)Qaar ka mid ah Wasiiradii Xukumadii hore ee Riyaale ayaa Xukumada Siilanyo uga digay in ay kala qayb iso Shacbiga reer Somaliland, waxayna iska Difaaceen Eedo  uu hore Madaxweyne Siillaanyo ugu  jeediyey xubnahaa oo ahaa wasiiradii Daahir Rayaale , kuwaas  oo Wakhtigii ay

dalka Xukumayeen Musuqmaasuq baladhan u  geystay hantida Ummada, balse uu cafiyey,  laakiin kooxdan oo uu hogaaminayay wasiirkii hore ee Hawlaha Guud Siciid Sulub ayaa sheegay inaanu aqbalayn in maxkamad la geeyo, isagoo dhinaca kalena ka dhawaajiyay inuu jiray Musuqmaasuq, balse Xukuumadda Siilaanyo ku dhaleeceyeey  inay ku caanbaxday Musuqmaasuq, Qaraabo kiil, iyo Nin jecelaysi.
Shirkasi Jaraa’id waxa qabtay Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Siciid Sulub Maxamed, Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex  Maxamed Cabdi Daa’ud,
Wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo Ciyaraha Maxamud Siciid Muxumed, Wasiirkii Hore ee Warfaafinta Axmed Xaaji Daahir, Wasiirkii Hore ee Xanaanada Xoolaha Dr.Idiris, Wasiir ku-xigeenki hore ee Gashandhiga Axmed Maxamed Fillanwa.
Waxayna shirkasi Jaraa’id ku qabteen maanta Hotel Crown ee Maglada Hargeysa.
Wasiirkii Hore ee Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Siciid Sulub Maxamed ayaa waxa uu dhaliilay Safarkii Madaxweyne Siillanyo uu ku tagay Gobolka Hawd magalada Baligubadle, waxaanu Safarkaasi ku sifeyey in uu ahaa mid aan wax faa’ido ah lahayn ee uu ahaa uun mid dhagax qalalan uun uu soo dhigay. Waxanu yidhi  “Gobolka Baligubadle anaga Bixiney lakiin madaxweynuhu dhagax uu dhigay uunbu geyey ee wax kale oo uu geyey ma jirto, dhagaxana anagaba waa lanagu canaana jiray, Boqolaal dhagax ayaanu dhignay oo aanay waxba ka suuro galin, lakiin waxay ahayd in reer Baligubadle waxay xaq u leeyihiin la siiyo, waliba haddii uu isagu gartay in Xaruntii Halganka ay ahayd Baligubadle in wax weyn uu siiyo ayey ahayd, Madaxweynaha Tagitankiisa aad ayaanu ugu farax sanayn lakiin kumanu farxin soo noqodkiisi oo na loo sheegey in aanu waxba geynin Baligubadle.”Ayuu yidhi Siciid Sulub.
Siciid Sulub waxa kale oo uu sheegey In Madaxweyne Siillanyo ay hore u siiyen Shahaada Cayda  yidhi, “Madaxweynahaygii Riyaale waxa uu na odhan jiray marka Kulmiye, iyo Ucid na cayaan haw jawaabina waayo inagu kursi ayeynu fadhinaa ee ha hadlina, madaxweynihii hore maalin aad loo cayey oo is hayn kariwayey ayuu Mambarka soo fadhiistay ,halkii laga  filayey in uu caydii ka jawaabo ayuu yidhi anigu caaytamimayne rusqadii caayda waxan  siyey Xisbiga Kulmiye iyo guddomiyahooda, lakiin anaga waa naloo qudhi layahay in ay rusqadaasi ay iska soo celiyaan oo ay yidhadaan idiinka cidlada jooge qaata, lakiin Wallahi maanan qadaneen waanu jexjexi lahayn haddii ay noo kenaan rusqada caayda mana qaadano, masuuliyad umadeed waanu haynay oo niman ka galgalanaya ma nihin, ninkii loogu hadal haynta badnaabaan ahay, diyaarbanan u ahay in layla xisaabtamo,.”Ayuu yidhi Siciid

Siciid Sulub Waxa uu Si kulul u naqdiyey hadalkii ka soo baxay Madaxweyne Siillanyo waxanu sheegey in haddii uu Siillanyo uu ka noqon waayo Eedii uu u soo jeediyey isaga, in uu isaguna talaabo qaadi doono waxanu yidhi. “Xukunka aan dhicin iyo dacayada shallay ayaan ku ogolaa madaxweyne markii aad gudoomiyaha aad ahayd, lakiin maanta madaxweynahaygii baad tahay, haygu kalifin in aan idhado kalsooni kuma qabo madaxweynahayga, madaama aad dulmi igu xukumayso, afkaasina afkaagii iyo afmadaxweyne midna ma ah.”Ayuu yidhi Siciid Sulub.
Waxa kale  oo uu intaasi ku daray. “Haddii hanti qaran laga hadlayo oo la lunsaday muddo badanbaad Xilka soo haysay ilaa wakhtigii SNM  adiga iyo raga kula shaqeeyaa, anaguna muddo ayaanu haynay maantana adiga haya, dadka reer Somaliland ee maanta xaadirka ahi waxay qirayaan in Siddeeda sanno ee aanu xilka haynay in Sanadka iyo labbada Billood ee aad joogta ka Musuqmaasuq  badan yahay, Cudurka Dawladaha Dilaa waa saddex. 1.Musuqmaasuq, 2.Qaraabo kiil, iyo 3.Nin jecelaysi, anaga hore waxaad noogu sheegi jirteen Musuqmaasuq, Musuqmaasuqna waa Somali maheradeed baa la yidhi lakiin anagu boqolkiiba boqol sax maanu ahayn oo waxay Somali tahay ayaanu ahayn, lakiin Idinku waxaad Musuqmaasuqii ku darsateen labada kale ee ah Qarabo kiil iyo Nin jecelaysi, Somaliland waxa lagu maamulaa Qaraabo kiil iyo Nin jecelaysi, oo aad na dheertihiin Musuqmaasuqan idiinka naga badan, Madaxweyne dadka aad magacawaday ee aad xilka u dhiibtay ee akhiro wax laga waydiinayo, iyo hantida soo gashay dalka ee la Musuqmaasuqay ka hadal Tii ina Riyaale Akhiro iyo Ifkaba midna waxba laga waydiin maaye taada ku hoostaal ka hadal, Musuqmaasuqa dhacay ka hadal qaraabo kiilka dhacay ka hadal,  Qandaraasyada baxay, hay’adaha lacagta lagu qarsado ka hadal, hantida Dibadeed ee la leexasay ee ina soo gashay ka hadal wixii inaga dhexeyey idinkaa hayey idinkana baabiyey, hore ayaa loo yidhi Maroodigu takarta Fuushan ma arko ee ka kale ta saran ayuu arka.”Ayuu yidhi
Wasiirku Hore ee Hawlaha Guud Siciid Sulub, waxa uu sheegay inaan Hay’addaha garsoorka hortegi doonin oo  aanay denbi ku qaadi karin,  yidhi,  “Maanta kaa dhigan maayo adiga dhexe oo Colaad ayaad ii Mujisay, mar haddii aynu colnahay dhex ii noqon maysid, Imana Xukumaysid maxkamad aad joogtana danbi laygagama qaado, dad dhex ah ayaa ina xukumaya shacbiga ha ka soo dhexe baxaan,  kana yimadan Bulshada caalamka, min maalintii aad masuuliyad aad qabtay ilaa maanta waa in lagu xisaabiya illayn anag oo kali ah nala xisaabin maaye anaga kaligayo maxaa na saaray, Waliba tan maanta aad ku jirto ee la cunayo afkan lagu hayo shanqadheeduna noo baxayso ee aad masuulka ka tahay ha laga hadlo, Madaxweyne Suurta gal ma ah in aad tidhado anigaa hadlaya aniga hanjabaya aniga caytamaya, Habeenkii dhawayd waxaan hubaa in aanay Malaa’igi ku kicinine ee Shaydan ku kiciyey, Shaydaanka iska naar madaxweyne oo ay’ad kursiga Akhriso kana toobad keen wixii aad habeenkii dhawayd aad tidhi”. Ayuu yidhi Siciid Sulub
Mar uu ka hadlayey wax qabadkiisi Wakhtigii uu ahaa Wasiirka Hawlaha guud waxa uu yidhi. “Waxaan qabaa in aan ahaa wasiirkii ugu hawl karsanaa ee soo mara wasarada hawlaha guud, waxaan sameyey 11Biriish iyo kabadood oo laga bilaabo berbera ilaa iyo Caynaba oo ku burburay dagaaldii ayaan anigu sameyey, wadadii shamiitada ee 7km ahayd ee qof walba oo wadadaasi maryaa cabadijiray ayaan sameyey intii aan joogay, wadada dekeda gasha ayaan sameyey, wada Tabca ee Lascanood ayan sameyey, marka dee nin la diidan yahay ee la xininayo la xasiidayo wixiisa la sheegi mayo waxan la marmarinayaa burush xarleh.”
Siciid Sulub Maxamed waxa kale oo uu Xukumada Siilanyo ku dhaleceyey in ay tahay Xukumad kala socota, isaga oo Tusaale u soo qaatay shirka Dubur ka socda oo uu wasiirka Qorshayntu furay balse shir kale oo ka socda Berbera dhexedeeda in ay shirkaasina ay wateen Badhsaabka iyo Masuuliyiinta kale ee gobolaasi kuna dhaleceynayeen Shirkii Dubur, taasi waxay ka yaabisay dadweynaha reer Somaliland waxayn tahay in dawladii Somaliland beeshaasi laba u kala qaybisay.
Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi-jeex  Maxamed Cabdi Daa’ud  oo isaguna Shirkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xukumada Siilanyo ay ku fashilantahay Siyaasadii Arimaha Gudaha Iyo Tii Dibadaba, waxaanu Si kulul u naqdiyey hadalo ka soo baxay ergeyga gaarka ee Somaliya  ee lagu magacaabo Mahiiga, waxanu sheegey in ninkaasi Mahiga la yidhadaa uu yahay nin ka soo horjeeda qaranimada Somaliland, waxanu sheegey in ninkaasi markasta uu ku hadlo hadalo jeesto ah oo ay ka mid ahayeen tii wakhtigii ay Alshabaab ka baxaday Somaliya ee uu sheegey in Golaha wasiirada Somaliland in ay waydiyeen Xaga ay Alshabaab u baxday.
Waxanu yidhi .“Siyasadeeni Arimaha Dibadu meel Xun ayey maraysa, Siyasadiii hore ee Arimaha Dibada ee Xukumadayadii hore waxay ahayd aqoonsi raadis, Somaliya sibay u arkayso oo ah Cadaw aynu leenahay, oo  diidan jiritankaga, Diidan Taariikhdada, diidan Ayokatashigaaga, Lakiin Xukumadan ereyada ay cabiraan waxa ka mid ah waa walaalaheen, anagu uma Naqaano walaalo Somaliya ee walaalo Somali waxanu u naqaan gobolka somalida ee Kenya ee calanka Somaliland ku soo dhaweyey waftigii halkaasi tagay, Djabuuti ayaanu walaalo u naqaana, lakiin nimanka halkaasi jooga Col dahii go’ay aaynu nahay, illa ay in Ictiraafayaan  Somaliland, waa cadawgeen, Waxayna kala horyimadeen Calankii Somaliya Waftigii halkan ka tagay ma waxay garan wayeen in ay calankeena Somaliland in ay ku maamuusan oo ay kala horyimadaan.”Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Da’uud
Dhanka kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Wasiirkii hore ee dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamud Siciid Muxumed  waxa uu sheegey in Sifaha Xukuumada Siilaanyo ay ku dhaqmayso ay u egtahay mid qaranimadii laga noqday, waxanu Tusaale u soo qaatay arinta Ardaydii reer Somaliland ee Waxbarshada Bilaashka ah ka helay Turkiga ee  Xamar uu sheikh Shariif uu kula kulmay ee uu Basaboorada Somaliya ku dhoofay, taasi oo uu ku tilmaamay in taasi dhibto ku tahay Somaliland.
Waxanu yidhi “Waxa aan la yaabay markii ardaydeeni Hargeysa laga kaxeyey ee Xamar la geyey, ee waliba Basabooradeeni la gogoyey, Shahadooyinkii ardaydan la jarjaray, Wiil ardaydeeni ka mid ah oo la soo hadlay waliidkii ayaa waydiiyey walidkii Gormaynu yeelanay Laba madaxweyne oo uu u jeeday Sheekh Shariif uu Xamar ku arkay, taasi waxay u egtahay in qaranimadii Daciif noqotay.”Ayuu yidhi.
Maxamud Siciid Muxumed waxa kale oo uu Naqdiyey Wasaaradda Ciyaaraha oo uu sheegay in ay somaliya ka yimadeen Xubno doonaya in Somaliland u qabtan Ciyaaraha Gobolada, waxanu yidhi. “Waxa dhawaan yimid Somaliland Xubno ka socday Wasarada Ciyaraha ee Somaliya kuwaasi oo doonayey in Somaliland u qabtaan Xiyaaraha Gobolada, lakiin qoladeenan wasarada ciyarah ee Somaliland waxay ka codsadeen in lacagta lagu soo wareejiyo kuwaasina waxay yidhadeen warejinmayne anaga ayaa qabanayna, arintasi ayaana lasku diiday,.”Ayuu yidhi.Wasiirkii Ciyaraha Ee hore Maxamud Siciid

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *