hajkaRiyaad(Araweelo News Network) Dowladda Sucuudiga ayaa sheegtay inay sanadkan si weyn ugu diyaar garowday sidii ay ugu adeegi lahayd malaayiin

 

muslimiinta ka kala yimi dacalada aduunka ee gudanaya waajibaadka Xajka.

Diyaargarowga dawlada Sucuudiga ayaa la xidhiidha tirade  dadka xujeyda ah ee sanadba sanadka ka danbeeya kasii badanaya intii hore, waxatna sheegtay in  ay diyaarisay kumanaan Ciidamo oo ammaanka iyo boqollaalka kun oo isugu jira shaqaale kala duwan oo dadka xujayda ah  u qabanaya adeegyada ay ubaahanyihiin.

Sidoo kale waxay sheegtay  in  adeegyadaa ay ku jiraan goobo caafimaad oo dheeraad ah, Iyadoo Malaayiin Muslimiin ah ay gudanayaan rukniga Xajka oo ka mid ah tiirarka islaamka, kuwaas oo maanta ay si rasmi ah ugu billaabmayaan acmaasha ay gudnayaan xujaajtu

Malaayiinka qof ee ka kala tegey dacalada aduunka ayaa subaxnimadii hore ee saaka waxay ka ambaxabeen magaalada Makka Al-mukarama iyagoo u jihaystay dhinaca Buurta Munna, kuwaas oo halkaas sii joogi doona maalinimada 8aad iyo habeenimada 9aad, ka dibna subaxnimada 9aad ayaa  u dareeri doona dhinaca Banka Carafaat.

Dhinaca kale waxa jirta fursad qiima badan oo dahabi ah, taas oo ay ka faa’idaysan karaan dadka aan fursad u helin in ay sanadkan xajka ka qeyb galaan, taas oo ah Soonka Maalinta la taaganyahay Carafa, iyadoo qofka maalintaas Sooma Illaahay  u balanqaaday in dembiga muddo laba sano ah laga dhaafayo. Sidaa darteed Muslimiinta aan fursad u helin in ay xajka sanadkan gutaan, waxa haboon in ay ka faa’idaystaan fursada soonka maalintaa qiimaha badan.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *