wakiilada2Hargeysa(Araweelo News Network) Golaha wakiiladda Somalialnd ayaa ansixiyay Miisaaniyadda xukuumaddu usoo gudbisay oo mudooyinkan hortaalay, balse waxay raaciyeen

 

Calaamatu Su’aal ay saareen qaar ka mid ah Hay’addaha dawlada bajadka ugu jira Miisaaniyadda 2014, kuwaas oo ay go’aan gole ku hakiyeen  ilaa mudada lagu keenayo xeerarkooda golaha hortiisa.
Sidoo kale waxay saluug ka muujiyeen qaar ka mid ah wasaaraddaha bajadka loo qorsheeyay ee ugu jira Miisaaniyadda.

Fadhigii Golaha Wakiilada ee maanta oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Cabdrixmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) waxay  cod aqlabiyad ah ku ansixiyey miisaaniyad sanadeedkii Qaranka ee 2014-ka, taas oo dhan 152 million oo Dolarka maraykanka ah.

61 mudane oo kasoo xaadiray fadhiga maanta waxay  59 xildhibaan oo ka mid ahi ogolaadeen ansixinta Miisaaniyada,  Hal mudane ayaa ka aamusay, mana jirin cid diiday, iyadoo aanu Gudoomiyahu codayn. sidaana waxa ay mudanayaasha goluhu ku anxiyeen miisaaniyadda qaran ee sanadka 2014, taas oo  laba jibaar iyo badh ka badan tii xukuumaddii Daahir Rayaale, balse  aanay ka muuqan mashaariic dhinaca horumarka ah, balse kharash xukuumadda iyo Hay’adeheeda oo keliya ku kooban.

Hase yeeshee Golaha wakiiladda Somaliland oo aan looga baran in ay  saxaan khaladaadka Miisaaniyadda, waxay ansixinta Miisaaniyadda raaciyeen  lifaaq ay ugu tallo galeen in lagu saleeyo odoroska Miisaaniyadda iyo tallooyin ku wajahan Miisaaniyadda kal dambe ee qaranka, wuxuuna Lifaaqa golaha wakiiladdu u dhignaa sidan:-

“Go’aammada Lifaaqa iyo Talooyinka

1. In hey,adaha ku jira miisaaniyadda Dawladda Dhexe ee 2014 ee aan Golaha
Wakiilada loo soo gudbin xeerarkii lagu aasaasay loogu soo gudbiyo Golaha sagaashan (90) cisho gudahood, Hey.adda aan lagu soo soo gudbin xeerkeedana la hakiyo sii deynta miisaaniyadeeda ilaa inta Golaha loo soo gudbinayo.

2. in miisaaniyadda laga saaro hay’adaha sharciyadooda ama muddo xileedkoodu dhamaaday sida Gudidda diiwaangaelinta ururada siyaasadda iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.
3. In laga bilaabo odoroska miisaaniyadda 2015 la goboleeyo miisaniyadda dawladda dhexe.

4. in qaybta loogu tallo galay mashaariicda horumarinta 2% gobolada bari iyaga oo mashaariicysan ka muuaqato miisaaniyadda qaranka laga bilaabo 2015.

5. In lacagta loogu tallo galay horumarinta wadooyinka la mashruuceeyo laguna muujiyo jaantus muujinayo lacagta wadooyinyka kala duwan looga qoondeeyey.

6. Inuu Golaha uu hor yimaado Wasiirka Wasaaradda Maaliyadu si sharaxaad dheeraad uu Golaha uga siiyo baahida keentay abuurista Khasnadda Guud ee Qaranka uguna iftiimiyo madax xigayaasha khasnadda Guud ee Qaranka

7. Inuu Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranku Golaha Wakiilada hor yimado si uu sharaxaad dheeraad ah uga siiyo dakhliga deeqa caalamiga ( UK, Denmark) iyo mashaariicda laga maalgelinayo sanad miisaaniyadeedka 2014 taas oo dhan $ 13,500,000,= ( saddex iyo toban milyan shan boqol kun dollar keliya)

8. In la ansixiyo siyaasadda misaaniyadda qaranka iyo odoroska miisaaniyadda qaranka ee 2014 oo dhan Somaliland Shillings 1.267.033.716.000,= ( hal triliyan laba boqol lix iyo todoba bilyan, saddex iyo soddon milyan iyo todoba boqol lix iyo toban kun Somaliland Shilin).

Talooyin
Waxa kale oo iyana miisaaniyadda lagu ansixin doonaa tallo soo jeedimahan oo ka soo baxay dooda mudanyaasha
1. in siyaasadda miisaaniyadda qaranka ee 2015 mudnaan la siiyo wasaadaha wax soo saarka sida xoolaha, beeraha , kalluumeysiga iyo deegaanka lana kordhiyo miisaaniyadooda.
2. iyada oo la eegayo heerka sicir bararka ee ka jira Somaliland in loo kordhiyo ciidamada qaranka iyo shaqaalaha 40% musharkooda.

3. in dib u eegis lagu sameeyo miisaaniyadda wasaaradaha Maaliyadda, Madaxtooyada, wasaaradda warfaafinta, TV ga Qaranka, Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada iyo Khasnadda Guud ee Qaranka.

4. In dhamaan hayaadaha madax banaan ay mid kasta muujiso waxay ku soo kordhiso misaaniyadda qaranka si ay muuqato inay qarankan wax tar u leedahay oo aanay noqon misaaniyadahoodu dhakhli iyo kharaj isku sar go,an oo keliya.”

Dhinaca kale ansixinta Miisaaniyadda ka dib waxa uu  Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro mudanayaasha ku wargeliyey inuu xidhan yahay fadhigu oo goluhu galay wixii maanta ka danbeeya fasax sideed todobaad ah, wuxuuna fasaxa  dheer ee golaha wakiiladdu u muuqdaa mid aan loo baahnayn xiligan, iyagoo fasaxan kii ka horeeyay dhawr bilood ka hor qaatay, iyadoo ay hawlo badani horyaaleen golaha, waxayna iyagoo aan waxba ka qaban xeerar muhiim ah oo horyaalay golaha mar kale galeen fasax dhawr todobaad ah.
info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *