Hargeysa(Araweelo News Network) Wefti balaadhan oo ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shanaad ayaa maanta soo gaadhay

 

Magaalada Caasimada Somaliland  ee Hargeysa, wefdigaa oo uu hoggaaminayo Madaxa Xarunta xisbiga dimuqraadiga shacbiga Soomaalida Itoobiya Axmed Maxamed Shugri, waxa xubno ka ah masuuliyiin  ka mid ah Golaha Wasiirrada iyo saraakiil kale.

 

 

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta  Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ay weheliyeen Wasiirrada Caafimaadka, Beeraha, Wasiir Ku xigeenka Ganacsiga, Agaasimeyaasha guud ee wasaaraddaha Kalluumaysiga, Arrimaha dibadda, Duqa caasimadda Hargeysa iyo maareeyaha TV-ga qaranka, ayaa weftigan ka socda dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kulan balaadhan oo soo dhawayn ah  ugu sameeyay Huteelka Maansoor ee Magaaladda Hargeysa.

 

Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka hadlay kulankaa ay ku qaabileen weftigaa wuxuu yidhi, “Waad ogtihiin oo dalkeena iyo Itoobiya waxa ka dhaxeeya xidhiidh weyn oo balaadhan oo soo jireen ah oo aan ugub ahayn. Waxaynu iska kaashanaa dhinacyo badan, waxaynu iska kaashanaa nabadgelyadda sidii nabad loogu wada noolaan lahaa mandaqadda, Ganacsiga,waxbarashada iyo dhinacyada kale ee nolasha bini’aadmigu u baahan tahay oo dhan waynu iska kaashanaa Somaliland iyo Itoobiya.”

 

“Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya waa gobolka innoogu soo xiga ee aynu xadka wadaagno, dawlad deegaanka Soomaalida xidhiidhka innaga dhaxeeya Itoobiya waxa inoo dheeraanaya inaynu ood-wadaag nahay oo labada dal , labada shacbi iyo isu socodku uu muhiimad gaar ah inoo leeyahay,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

 

Wasiirka Warfaafinta waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay si kalsamaan ah u soo dhawaynayso weftigan waxaanu yidhi “Waxaanu leenahay weftigiinu dhammaantiin soo dhawaada, annaga (Somaliland) ayaa dhawr jeer oo hore socdaal ku tagay Jig-jiga. Waxay inagala qeyb galayaan Munaasibadda Ciidul Adxa.”

 

Madaxa xarunta xisbiga dimuqraadiga shacbiga Soomaalida Itoobiya Axmed Maxamed Shugri oo ka hadlay kulankaas ayaa xukuumadda Somaliland uga mahad celiyay meeqaamka sar ee ay ku soo dhawaysay weftigooda, waxaanu tilmaamay in socdaalkoodu la xidhiidho sidii looga wada tashan lahaa wax wada qabsiga labada dal.

 

“Dalkan aanu jaarka nahay ee Somaliland waan ku faraxsan nahay inaan markii ugu horeysay aan ku imaado Somaliland, waxaanan ka mahad celinaynaa soo dhawaynta qaaliga ah ee naloo sameeyay.Ujeedada socdaalkayagu waxa weeye inaanu ka wada tashano iskaashiga innaga dhexeeya,”ayuu yidhi Axmed Maxamed Shurgri, balse masuulakani ma sharaxin waxyaabaha rasmiga ah ee ay doonayaan in ay Somaliland iska kaashadaan.

 

Weftigan waxa kale oo xubno ka ah C/Risaaq Cali Baashe oo ah Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo Maxamed Faarax oo ah Wasiir iyo C/Risaaq Bootaan oo la taliyaha madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida itoobiya.

 

Dhinaca kale Somaliland iyo Ethiopia wax aka dhexeeya xidhiidh dhinaca iskaashiga arrimaha amanka iyo ganacsiga ah, iyadoo sidoo kale Somaliland xidhiidh wanaagsan la leedahay  Is maamulka Kililka Shanaad ee Soomaalida Ethiopia.

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *