Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magcaabay gudoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland . kadib markii uu xilka ka qaaday gudoomiyihii Maxkamadda sare iyo garsoorayaashii la shaqanyanay bishii Jun 21, 2011.Qoraalka magcaabista ee
kasoo baxay xaiiska Madaxweynaha  oo uu ku saxeexanyahay Af-hayeenka Madaxtooyada ayaa u qornaa sidan:- Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu maanta Digreeto Madaxweyne ku magacaabay gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka.

Waxaanu madaxweynuhu ku yidhi Digreetadiisa:-

Markuu Arkay:              Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:              Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay:                          Qodobka 101aad iyo 105aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Tixgeliyey:                    Talada iyo soo jeedinta Guddida Cadaaladda,

Markuu Aqoonsaday:                Baahida wayn ee loo qabo buuxinta hawsha jagadan Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka,

Markuu ku Qancay:                   Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo,

Markuu Isku Qanciyey:             In uu hanan karo xilka Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka.

Wuxuu Go’aansaday

In Mudane, Yuusuf Ismaaciil Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.” Ayaa lagu yidhi qoraalka. Madaxtooyada.
Dhinaca kale Markii Madaxweynuhu sheegay inuu xilkii ka qaaday gudoomiyihii hore ee maxkmadda sare 21 Jun, waxay shebekada Araweelonews heshay xogo sheegaya   Gudoomiyaha maxkamadda sare  Madaxweyne Siilaanyo  u magcaabayo  Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, taas oo shebekadu si kooban ugu baahisay xirfadiisa shaqo iyo aqoontiisa Garyaqaanka la filayo inuu  magcaabo Madaxweynuhu.
Dr. Yuusuf oo ah garyaqaan si madaxbanaan ugu shaqaysta xirfadiisa shaqo, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay garsoorka Somaliland tan iyo 1992, isagoo Garyaqaan Yuusuf ka qalin jebiyay jaamacaddii Ummada Soomaaliyeed ee Gahayr  1988, isla markaana garsoore kasoo noqday Maxkamadda gobolka Hargeysa, Maxkamadda Rafcaanka ee Hargeysa  iyo meelo kale ka hor intii aanu  istiqlaalid dhiibin sannadkii 2002. Geeridii Madaxweyne Cigaal  Kadib markii ay xukuumaddii Rayaale  fara gelin ku samaysay garsoorka Somaliland. iyadoo lagu tilmaamo Garyaqaan Yuusuf  shaqsiyaadka ugu nadiifsan dhinaca dadka ka hawlagala garsoorka Somaliland, isla markaana xirfad aqooneed iyo waaya aragnimo u leh shaqada garsoorka.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *