Hargeysa(ANN) Dublamaasiyiin ka tirsan dalalka Ethiopia iyo Britain ayaa ku canaantay Madaxweyne xadhiga Boqor Cismaan Buur-madaw oo xukuumadda Somaliland xabsiga u taxaabay  15 march. Kadib markii uu kusoo laabtay dalka, isagoo mudooyinkii ugu danbeeyay deganaa

 

dalka Imaraadka carabta, balse markii uu kasoo degey gegida diyaaradaha ee hargeysa ay ciidanka Boolisku qabteen.
Sida ay sheegayaan warar iyo tibaaxo laga soo xigtay saraakiil xukuumadda Somaliland ah, ayaa sheegay inay maalmihii u danbeeyay dublamaasiyiin u dhashay dalalka Ethiopia iyo Britain iyo sidoo kale wadamo kale ay ku lasoo xidhiidhayeen Madaxweynaha Somaliland, kuwaas oo sida ay wararku sheegayaan igu baaqay Madaxweyne Siilaanyo in  xoriyadiisa loo celiyo Boqor Cismaan Buur-madaw oo ku xidhan xabsiga  44 caanamaal, iyadoo aanay jirin maxkamad denbi ku cadaysay. Sidaa awgeed loo soo celiyo xoriyadiisa Boqor Cismaan Buur-madaw oo loo aqoonasanyahay nin nabadeed.
Dhawaaqyada dublaamisayadeed ee lagaga dalbayo Madaxweynaha Somaliland sii deynta Boqor Buur-madaw, ayaa kusoo beegmay todobaad kadib  markii ay Wefti ka kooban Afar xubnood  oo ka socday safaaradda Ingiriiska ee Addis ababa oo uu Hogaaminayay Mr.  Matt Woods oo ah xog-hayaha labaad ee safaaradaa Britain ay  booqasho ku yimaadeen magaaladda Hargeysa, kuwaas oo si toos ah ugu booqday xabsiga  Boqor Buur-madaw iyo laba maxbuus oo kale oo iyagu  haysta dhalashada Britain, isla markaana aanay isku kiis ahayn.
Boqor Buur-madaw oo aan wax maxkmad ah la horgayan, isla markaana aan si cad loo oganayn waxa uu ku eedaysnayahay, marka laga yimaado in la rumaysanyahay  inuu u xidhanyahay fekerkiisa oo xaqa uu u leeyahay inuu cabiro rayaigiisa, ayaa xadhigiisa ay hore uga hadleen dublamaasiyiin shisheeye, qaybo baddan oo ka mid ah Bulshada somaliland, kuwaas oo isugu jira madax-dhaqameed, siyaasiyiin, Odayaal  iyo waxgaradba, isla markaana ugu baaqay marar baddan in xoriyadiisa loo soo celiyo, basle waxa uu weli ku xidhanayahay xabsiga, iyadoo aanu  jirin  wax xukun ah oo ku dhacay.
Maxkamadda Gobolka Hargeysa, ayaa 27 March 2012, qoraal amar ah oo u dirtay xeer-ilaalinta iyo haya’ddaha baadhsita ugu  sheegtay inay mudo todoba maalmood ah kusoo gudbiyaan dacawada loo haysto Buur-madaw iyo waxa lagu eeddaynayo. Laakiin iyadoo hada laga joogo laba todobaad ayaanay jirin wax dacwad ah oo weli loo gudbiyay maxkmadda. Sida ay sheegayaan tibaaxaha laga helay dhinaca haya’ddaha garsoorka Somaliland.

Dhinaca kale  Hay’addaha xuquuqda aadamaha ee Caalamiga  ayaa wada  dhaq-dhaaqyo ay hoosta kaga xariiqayaan talaabooyinka xukuumadda Somaliland ee xad gudubka ku ah qawaaniinta caalamiga ah ee xuquuqda Aadamaha iyo xaqa uu qofku u leeyahay inuu helo garsoor oo uu sharciga hortiisa iska difaaco, isla markaana aan lagu xad gudbin sharafta iyo karaamada qofka aadamaha ah, taas oo la rumaysanyahay inay calaamatu su’aal saaray dumuqraadiyada  Somaliland ku faani jirtay ee dunida ka iiibanaysay tobankii sanandood ee u danbeeyay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *