Hargeysa(ANN)Xafiiska Laanta Socdaalka Somaliland, ayaa loo magcaabay Taliye cusub. Kadib markii uu maanta Wasiirka wasaaradda Arrimaha gudaha Maxamed Nuur Caraalle (Duur), soo saaray qoraal uu xilka kaga qaaday Taliyihii hore Dayib Cismaan Caalin, oo mudo dheer
hayay xilkaa.Sida ay shebekada wararka ee Araweelonews u sheegeen saraakiil ka tisran laanta socdaalka, waxa xilkaa loo magcaabay Col, Maxamed Cali Yuusuf oo kum magacdheer (Ina Canbaro). Lama ogga sababta xil ka qaadsita masuulkaa oo mudo ku dhow toban sanadood hayay xilkaa, isla markaana ahaa masuul degan oo hawshiisa iyo waajibaadkiisa shaqo ku koobnaa, kaas oo aan lagu arki jirin loolanada masraxyada siyaasada, xataa waqtiyadii loolanka siyaasada iyo kaanbaynka ugu adkaa dalka ka socday ee ay talada haysay xukuumaddii hore ee doorashada lagaga guulaystay 26 Jun 2010.
Hase yeeshee tan iyo markii ay xukuumadda Madaxweyne Siilaayo la wareegtay hogaanka talada dalka oo xafiiska Laanta Socdaalka la hoos geeyay Wasaaradda Arrimaha gudaha, waxa soo baxayay tibaaxo iyo xoggo hoose oo tilmaamayay in xafiiska Laanta socdaalka oo ay xukuumaddii Madaxweyne Rayaale hoos geysay Sirdoonka Qaranka 2003, maalmo yar ka dib markii ay doorashadii Madaxtooyada ku guuulaysatay, balse xukuumadda Siilaanyo ku dartay arrimaha gudaha ay soo waajaheen kala daadsanaan iyo inuu ducuf dhaqaalle ku dhaco.
Sidoo kale waxay xoggahaasi tilmaamayaan in kala qaadista Sirdoonka iyo Laanta socdaalku mid walba dhinaceeda ay usoo waajahday habacsanaan iyo tafaraaruq, taas oo meesha ka saartay wada shaqayntii iyo isku duubnidii labadaa xafiis oo aan kala maarmayn, isla markaana iyagoo is dhaafsanaya xoggaha iyo macluumaadka mid wabla gaareekda u haysay hawsha qaranka ay masuulka uga tahay, basle qorshaha Laanta socdaalka lagu hoos geeyay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ka dhashay soo jeedin uu si weyn ugu adkaystay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha xukuumada cusub Dr. Gaboose.
Hase yeeshee sarkaalka loo magcaabay Laanta socdaalka Somaliland Col, Maxamed Cali Yuusuf oo ku magacdheer (Ina Canbaro), isla markaana hore u ahaa haya’ddii sirdoonka ee dawladii Milateriga ahayd , balse dhinaca qurbaha kayimi dhawr sanadood ka hor, ayaa xiligii doorashada madax looga dhigay amaanka xarunta komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxaana dadka aqoonta u lihi ku tilmaamaan nin karti baddan oo shaqadiisa oo khibarad iyo waayao aragnimo mudo dheer oo uu hawlaha sirdoonka kusoo jiray.
Laakiin duruufaha mid walba gaarkeeda u qabsatay Sirdoonka iyo laanta socdaalka ee la kala saaray saamayn ku yeesheen hawlihii ay qaranka u hayeen. Sidaa awgeed waxay dadka arrimaha amaanka ka faalloodaa farta ku fiiqayaan inay lagama maarmaan tahay in duruufaha iyo debecsanaanta dhinaca sirdoonka oo u baahan is bedel iyo weliba taxadir dheeraad ah xiliggan la saxo, isla markaana dib laysugu soo celiyo labadaa xafiis si ay u yeeshaan iskaashi iyo awood buuxda oo ay ku waajihi karaan hawlohooda. Sidoo kalena la miisaamo cida ku haboon hawsha balaadhan iyo duruufaha horyaala hawlaha xafiisyadaa ee xiliggan oo ay ka dabaalankaraan Ina Canbaro iyo kuwii ay isku kooxda ahaayeen ee khubaraddii sirdoonka oo ku sugan meelo aan ka figayn madaxtooyada Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com