Hargeysa (ANN)-Madaxweyne Rayaale ayaa magcaabay gudi loogu  yeedhay  gudida Ololaha xisbiga ee dardar gelinta hawlaha doorashada. Gudidaa oo    uu gudddoomiye u yahay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Axmed Yuusuf Yaasiin, isla markaana ah musharaxa ku lamaan ee jagada ku xigeenkiisa.

 

 

 

Qoraalkaa lagu magcaabay gudidaa oo maanta kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada waxa ku saxeexnaa Afhayeenka Siciid Cadaani Mooge, wuxuuna qoraalkaa oo  dhamaystirani u qornaa sidan:
“Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, ayaa Maanta Magacaabay Guddi loo Xilsaaray Hawlaha Dar-dargelinta Doorashooyinka Madaxtooyadda ee Xisbiga UDUB. Oo uu Gudoomiye u noqondoono Madaxweyne Ku Xigeenka JSL. Mudane, Ahmed Yuusuf Yaasiin.
Madaxweynaha JSL. Mudane Daahir Rayaale Kaahin, go’aankaasi uu ku Magacaabay Guddiga Abaabulka Doorashooyinka Madaxtooyadda ee Xisbiga UDUB, waxaa u ku sheegay in iyada oo Maalmo koobani ay ka hadhsantahay Olalihii Doorashooyinka Madaxtooyadda in ay lagama Maarmaantahay in la Sameeyo Guddi ka hawlgasha Ololaha Doorashooyinkaasi ee Xisbiga UDUB.
Guddidaasi oo uu Guddoomiye u noqondoono Madaxweyne Ku Xigeenka Mudane Ahmed Yuusuf Yaasiin, Ku Xigeenkiisana uu noqondoono Xog-hayaha Guud ee Xisbiga UDUB Mudane Jaamac Yaasiin Faarax, waxaa ay ka Masuul Noqondoonaan Arrimaha ololaha Doorashooyinka ee Xisbiga oo Maalmo yari ka hadhsanyihiin wakhtigii la bilaabi lahaa.
Waxaa kale oo Madaxweynuhu amar ku bixiyey inay  sida ugu dhakhsaha badan uga hawl gelidoonaan dhamaan Xubnaha sar-sare ee Xisbiga UDUB Gobolada iyo Degmooyinka Dalka oo dhan wakhtiga la bilaabo ololaha Doorashooyinka.” Ayaa  laagu yidhi qoraalka.

Warsaxaafadeedkaa ayaa muujinaya in xiliga Ololaha aanu Musharaxa Madaxweynaha ugu tartamaya xisbiga UDUB, Daahir Rayaale Kaahin ka qayb qaadanayn hawsha kaanbaynka oo uu u xilsaartay ku xigeenkiisa, taas oo abuurtay su’aalo iyo doodo horleh oo ku wajahan sababta uu gudidaa ugu xilsaaray Ololaha, maadaama ay laga maarmaan tahay in musharaxa u tartamaya jagada Madaxweynaha ay ogaadaan  oo ay arkaan dadka uu codka ka doonayaa si ay u qiimeeyaan, isla markaana uu soo bandhigo waxa uu doonayo inuu qabto, taas oo waafaqsan nidaamka doorashada iyo tartanka musharixiinta ee dumuqraadiyada.

Balse waxa muuqata in Madaxweyne Rayaale ka maagay inuu shacbiga hor isataago, maadaama aanu waxba ka fulin balamihii uu hortooda ka balan qaaday xiligii Ololaha doorashada Madaxtooyada ee 2003. Sidoo kale waxa aan jirin barnaamij qoran oo ku saabsan waxqabadka xisbigaa oo ay adagtahay inay shacbigu rumaystaan, iyadoo labada xisbi ee mucaaridku bulshada usoo bandhigeen qorshayaal iyo barnaamijyo qoran oo ay doonayaan inay shacbigu kula xisaabtamaan. Sidaa awgeed way adagtahay inay dadku dhegaystaan gudida uu Madaxweyne rayaale u magcaabay Ololaha doorashada ee xisbigiisa, maadaama aanay ahayn kuwa leh go’aanka  siyaasada ee ugu danbeeya xafiiska iyo xilka loo tartamayo.  

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 

Araweelonews Hargeysa Office  

E-mail; Info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *