Hargeysa (ANN)- Koox  dhalinyaro cadhaysan ah ayaa Xafiiskiisa ku garaacay Gudoomiyaha Ololaha Doorashada  ee Xisbiga UDUB,  Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan-hindi), kaas oo ay  dhaawacyo soo gaadheen, kadib markii maanta kooxdaa dhallinyara ahi weerar kusoo  qaadeen, isagoo xiligaa ku sugan xafiiska xisbigaasu ku leeyahay Degmada 26 Juun ee magaalada Hargeysa

  .
Dad goob joog ah ayaa u sheegay shebekada araweelonews inay dhalinayardaa oo uu hogaaminayay Nin lagu magcaabo Khaalid C/llaahi fallaag  oo ku hubaysan Budhadh iyo Bakoorado ay xafiiska soo galeen. Kadibna uu bakoorad qabadsiiyay mid ka mid ah dhalinyaradaasi  Cismaan Hindi, isla markaana uu isaguna ku jawaabay Baastoolad, iyadoo ilaalada askartiisuna ay rideen rasaas, balse lama sheegin inay dhaawacyo soo gaadheen cid kale.   

 

Waxa jira warar sheegaya in dhaawaca Cismaan Hindi soo gaadhay yahay nabaro Madaxa ah iyo gacanta oo laftu dilaacday, isla markaana loola cararay Cusbitaalka  magaalada Hargeysa.
Lama garanayo sababta ay dhalinyaradan oo Ninka hogaaminayay ka tirsanaa Xisbiga UDUB u weerareen Masuulkaa, balse waxa jira warar sheegaya inay mushkilada gacan ka hadalka sabab u ahayd lacago ay ka sugayeen dhalinyadu Gudoomiyaha Ololaha ee UDUB Cismaan Hindi, taas oo ku saabsanayd Kaadhadhka dhowaan la qaatay ee dadka laga iibsanyo, si loo lumiyo fursadii ay ku codayn lahaayeen. Laakiin waxa kale oo soo baxaya inay lacagta kooxdaa dhalinayarada ahi doonayeen ay  ahayd mid kaanbayn oo uu gudoomiyaha Oluluhu hore ugu balan qaaday.

Iyadoo ay maalmihii u danbeeyay soo baxayeen warar xisbiyada mucaaridku ku sheegayeen in Xisbiga UDUB dadka ka iibsanyo kaadhadhka oo ay gubayaan, isla markaana uu gudoomiyaha kooxda dhalinayadara ahi garaacday warbaahinta ka sheegay  inuu kaadhadh badan qaatay.
Dhacdada Guddoomiyaha Olalaha xisbiga UDUB Cismaan C/llaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ay kooxda dhalinayarada ka tirsan Xisbigiisii ku garaaceen xafiiskiisa ayaa kusoo beegantay inuu Madaxweyne Rayaale maanta soo saaro magcaabista gudi uu ku sheegay Gudida Ololaha ee xisbiga UDUB, isagoo gudidaa gudoomiye uga dhigay Madaxweyne xigeenka Musharixiisa ku lamaan Axmed Yuusuf Yaasiin, isla markaana gudoomiye xigeenka Ololaha ee xisbiga u magcaabay xoghayaha Xisbiga UDUB Jaamac Yaasiin Faarax, waxayna magcaabista gudidan cusubi meesha ka saartay magcaabistii hore Madaxweyne Raayaale ugu magcaabay gudoomiyaha Ololaha ee UDUB Cismaan Hindi.  
 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *