Wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland ayaa markii u horaysay maanta soo saartay qoraal ay ku sheecisay magacyada Danjirayaal cusub oo loo magcaabay inay Todoba wadan oo dunida ah uga noqdaan Somaliland Wakiilo. Magcaabista Danjirayaasha xafiisyada Somaliland
ee dalalka ogolaada inay xafiisyo ka furato, ama ay hore uga furnaayeen waxay ahayd wax la filayay magcaabistooda wakiilada, ama Danjirayaasha dalalka shisheeye uga noqaya Somaliland wakiilada.
Balse waxa layaab noqotay in aanay magcaabista Danjirayaashu kasoo bixin Xafiiskii sharciyan ay kasoo bixi lahaayeen. Kadib markii ay Wasaaradda Arrimaha debeda Somaliland soo saartay liiska magcaabista Danjirayaasha dalalkaa loo magcaabay, taas oo sababtay in lays weydiiyo, yaa Awood u leh magcaabista Danjirayaasha, ma Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeda Dr. Maxamed Cabdullahi Cumar ayaa soo saaraya, ma Madaxweynaha JSL oo xafiiska Madaxweynaha ayaa leh magcaabista Danjirayaasha dalalka Shisheeye oo soo saaraya.
Marka laga hadlayo Dastuurka JSL yaa leh awooda magcaabista, balse xaqiiqdu waxa weeye in aanay tani ahayn mid dhinaca sharciga muran ka taaganyahay sida ku cad Qodobka 90-aad ee Dastuurka oo qeexaya awoodaha Madaxweynaha, kaas oo ay ku cadahay Faqradiisa 3aad inay Awoodaha Madaxweynaha ka mid tahay magcaabista Danjirayaasha Somaliland u fadhiisanaya dalalka shisheeye oo ka mid ah masuuliyiinta Madaxweynuhu kusoo saarayo Digreetada.
Horaantii August ayay ahayd mar Wasiirka Arrimaha Debeda Somaliland Dr. Maxamed Cabdullahi Cumar oo safar ku jooga Britain Waraysi uu ka qaaday Nin Suxufi ahi weydiiyay su’aal ku saabsan arrintan oo ay ka muuqatay in aanu isaguna Dastuurka Somaliland la socon, isagoo weydiiyay wasiirka xiliga uu magcaabayo Safiirada,ama Danjirayaasha dalalka debeda u fadhiisanaya Somaliland, taas oo waasiirku kaga jawaabay inuu magcaabayo dhowaan marka uu dalka ku laabto wakiilada dalalka Somaliland xidhiidhka la leh, isla markaana waxay jawaabta wasiirka ee dhawr bilood ka hor soo baxaday shalay markii uu soo saaray Liiska magacyada danjirayaasha 7 dal oo dinada ah.
Sidaa awgeed qoraalka kasoo baxay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debeda Somaliland ee lagu soo saaray magcaabista Danjirayaasha Somaliland wakiilada uga noqonaya wadamada Ethiopia, Djibouti, Kenya, Yemen, Britain, France iyo USA, ma yihiin kuwo magcaabistoodu waafaqasan tahay sharciga, isla markaana miyaanay ku haboonayn in Wasiirka Arimaha Debedu ka noqdo qoraalka uu ku magcaabay, maadaama aanu Dastuurku awood u siin isaga iyo Wasaaraddiisa midna, ee cida magcaabista awoodeed iska lihi tahay Madaxweynaha oo Dastuurku Awood u siiyay inuu magcaabo.
Si kastaba ha haatee waxay isweydiintu tahay magcaabista Danjirayaasha Ee Wasiirka Arrimaha Debedu IL-duuf Sharci Iyo Awood Maroorsi Waa Iyama?
Falanqaynta Araweelonews.com
By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist
Araweelonews Somaliland Office
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com
shalcaw2@hotmail.com
+252 2 442 5380