Baaki(Araweelo News Network) Dagaalyahanka Jihaadiga ee loo yaqaan Booko Xaraam eek a dagaalama dalka Nareria ee galbeedka Afrika, ayaa la wareegay

 

magaalo ahmiyad weyn leh oo Istiraatiiji ah. Kadib markii ay weeraro ku qaadeen deeganada dhinaca cidhifka Woqooyi ee dalkaa.

Ciidaka Milateriga ay dawlada ayaa sheegay in ay isakaga baxeen magaalada markii Dagaalyahanka Booko Xaraam jihooyin kala duwan kaga yimi.

Islamaamiyiinta la baxay Booko Xaraam ee lagu magcaabo Mujaahidiinta Uhlusuna Lidacwatu Wal-jihaad oo taageero dhinaca tababarka ah ka hela Al-shabaab oo ka dagaalnta Somalia, isla markaana ka mid ah Ururada shebekada Al-Qaida ku xidhan ayaa dagaalo kula jira ciidanka Dawlada Nigeria.

Booko Xaraan, waxay hore falal afduubyo ah oo indhaha beesha caalamka soo jiitay iyo weeraro qaraxyo u badan ka fuliyay marar badan dallka Nageria, balse waxay hada la wareegtay magaaladaa Baaki oo ah mid ahmiyad Itiraatiiji ah u leh dagaalka ay kula jiraan dawlada Negeria, taas oo shacbiga ku nool lagu qiyaasay ku dhowaad boqol kun oo qof, isla markaana ku taal xadka ay Nigeria la wadaagto Camroon.

Araweelo News Network
Somaliland Office
info@araweelonews.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *