images/stories/images.jpg Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay maalinta loo qoondeeyay nadaafada qaranka Somaliland.

 
Madaxweyne Siilaanyo wuxuu sheegay in 45-kii cisho-ba maalin laga qaban doono  dalka oo dhan, iyaga oo ay ka qayb qaadanayaan shacabka, Shaqaalaha dawlada, ganacsatada, madaxda iyo guud ahaan culimo awdiinka dalka oo dhan. Md Siilanyo waxaa uu tilmaamay inuu arintan ugu talogalay inuu dalku kaga  baxo bilic  xumada iyo nadaafad xumada.
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu sidaa kaga dhawaaqay Shir-saxafadeed qoraal ah oo warbaahinta ugu akhriyey gurigiisa magaalada Hargeysa. Kaas oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Cabdi Gaboose, Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cismaan (Geel-jire) iyo Afhayeenka Madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse). 
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo waxa uu isagoo ka hadlaya arintaa  yidhi “Walaalayaal ummada reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan waxaan idiin soo gudbinayaa Salaan walaal-tinimo, Salaan ehelnimo, iyo Salaanta Islaamka, waxaan Ilaaha-weyn inooga baryayaa inuu ina siiyo barakada iyo khayraadka bisha Ramadaan oo uu bilaha ka doortay. Waxa kale oo aan ka baryayaa inuu inagu nageeyo nabadiisa, iyo nimcooyinkiisa oo aan nuqsaan lahayn,” Md Siilaanyo isaga oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Aniga oo ka duulaya tilmaamaha Diinta islaamka ee tusaalaha rasuulkeeni suubanaa, dhaqankeena iyo hidaheena aniga oo raacaya, Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, aniga oo hirgelinayaa qodob ka mid ah qorshe hawleedkii xukuummad ahaan aanu go’aansanay inaanu fulino boqolka cisho ee u horeeya, aniga oo xoojinayaa dareenka wadaniyadeed ee isku tashiga muwaadiniinteena iyo aniga oo dhiirigelinaya fikirka wax wada qabsiga bulshadeena iyo daryeelka hantida wada-reed ee ummada ka dhaxeysa” “Waxaan maanta [Jimce] ku dhawaaqayaa maalinta nadaafada qaranka, maalinta Axada ee ay bisha September tahay 5/ 2010 markay saacadu tahay 7:00-subaxnimo inay dalka oodhan ka bilaabmayso maalinta loo qoondeeyey ololaha nadaafada, taas oo 45-kii maalmoodba dalka laga hirgelin doono si joogta ah haddii eebe idmo,” sidaas waxa yidhi Md. Axmed Siilaanyo Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay maalinta nadaafada qaranka.
Madaxweynuhu waxa uu ka codsaday  dhamaan shacabka, shaqaalaha dawlada Culimo awdiinka  ganacsatada inay ka qeybgalaan ololaha nadaafada dalka “Waxaan ku wargelinayaa muwaadiniinta reer Somaliland, madaxda iyo shaqaalaha dawlada, ganacsatada, hay’adaha aan dawliga ahayn, culimada iyo dhamaanba shacab-weynaha reer Somaliland inay ka qeybqaataan ololaha nadaafada qaranka,” Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah ula hadlay Guddoomiyeyaasha Gobollada dalka isagoo ku booriyey inay ka qaybgalaan maalinta ololaha nadaafada waxaanu yidhi“Waxaan farayaa badhasaabada iyo dawlada hoose ee dalka inay si buuxda uga diyaar-garoobaan ololaha hirgelintiisaa iyo guushiisa ay hubiyaan”.

By,  Carraale  M. Jama  Freelance Journalist and Human Rights Activist 
Araweelonews Somaliland Office  
E-mail; Info@araweelonews.com
 jaamac132@gmail.com
 shalcaw2@hotmail.com

+252 2 442 5380

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *