Gebiley(ANN)Isu soo bax balaadhan oo lagu taageerayo madax banaanida qaranimada Somaliland iyo hawl galkii ciidanka qaranku ku galeen Magaalada Buuhoodle, ayaa maanta ka dhacay magaalada Gabiley, kaas oo ay ka qeyb galeen Boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha magaalada

Gabiley, ardayda dugsiyada, ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dadka banaan baxan ka qeyb galay oo socod ku maray jidka wadnaha ee magaalada Gabiley waxaanay siteen boodhadh iyo maryo ay ku qornaayeen halku dhigyo ay ku muujinayeen taageerada ay u hayaan qaranimada Somaliland,  waxaana halku dhigyadaa ay siteen ka mid ahaa “Somaliland lama kala jari karo”, Somaliland waa dal xor ah” Waan taageeraynaa ciidanka qaranka” iyo ereyo kale oo ay ku muujinayeen dareenkooda.
Marwada Maayarka ka ah  Gabiley Marwo Khadra Xaaji Ismaaciil Gaydh oo la hadashay dadk isu soo baxay ayaa uga mahad celisay siday dareenkooda wadaniga ah ugu muujiyeen banaan-bax salmi ah, iyadoo tidhi, “Dadweynaha reer Gabiley waan uga mahad celinayaa siday dareenkooda iyo jacaylka ay dalkooda u hayaan ugu muujiyeen mudaharaadka, waxaan leeyahay qaranimada Somaliland waa muqadas. Afar oo siyaasiyiin ah oo qaarkood Soomaaliya Raysal wasaareyaal ka noqdeen waxba ma yeeli karaan qaranimadeena,”ayuu tidhi Maayarka Gabiley.
Sidoo kale Badhasaabka Gobolka Gabiley Xuseen Cumar oo ka hadlay isu soo baxaa  ayaa ku bogaadiyay dadweynaha reer Gabiley sida wadinaya leh ee ay u muujiyeen dareenkooda, waxaanu sheegay inay reer Gabiley caan ku yihiin inay taageeraan qaranimada Somaliland iyo ciidamada qarankaba.
Dhinaca kale dadweynaha magaalada Berbera ayaa maalintii shalay sameeyay isu soo bax balaadhan oo ay ku taageerayaan qadiyada madaxbanaanida Somaliland iyo hawlgalka ciidamada qaranku doraad ku caydhasadeen magaalada Buuhoodle malayshiyadii nabaddiidka ahayd eek u sugnayd halkaa mudada sanadaha baddan.  baxeyaashaasi waxay socod ay ku soo mareen jidadka magaalada Berbera ka dib waxay tageen Fagaaraha 26-ka June, halkaas oo ay kala hadleen maamulka gobolka Saaxil.
Badhasaabka Gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa hadal uu u jeediyay dadweynaha magaalada Berbera ku bogaadiyay siday dareenkooda u muujiyeen una taageereen khudbadii madaxweynaha Somaliland ka jeediyay labada aqal ee baarlamaanka.
Badhasaabku waxa uu sheegay inay xukuumadda Somaliland dedaal ugu jirto sidii ay wax uga qaban lahayd horumarinta dalka,  isla markaana u sugi lahayd xuduudaha dalka.
“Waxay dadweynaha reer Berbera banaan baxan ugu soo baxeen taageerada ciidanka qaranka iyo taageerada ay waxqabadkii sanadkii la soo dhaafay ay  hirgelisay xukuumadda ee Madaxweynaha Somaliland ka jeediyay Goleyaasha baarlamaanka,”ayuu yidhi Badhasaabku.
Maxamuud Cali Saleebaan wuxuu cambaareeyay shirka Taleex oo uu xusay inay wadaan siyaasiyiin Somali-weyn oo doonaya inay dagaal ka huriyaan goboladii ay ka soo jeedeen.
Sidoo kale waxa banaan baxaasi ka hadlay qaar ka mid ah Salaadiinta gobolka Saaxil,  kuwaas oo sheegay inay taageersan yihiin xukuumadooda,  isla markaana naqdiyay shirka Taleex ee guuldaraystay iyo kooxdii wadatay.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *