Hargeysa(ANN)Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdullaahi Cumar, ayaa sheegay in aanay qaramada midoobay taageersanayn in la khal-khal geliyo nabadgelyada iyo qaranimada dalka, Somaliland, wuxuuna xusay inay qaramada midoobay u cadaysay mowqifkeeda shirkii Taleex

 

ee guuldaraystay.
Wasiirka arrimaha dibada wuxuu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay madaarka Hargeysa ka dib markii uu ka soo laabtay socdaal shaqo oo uu muddo sadex maalmood ah ugu maqnaa magaaladda Nairobi ee xarunta  dalka Kenya.
Dr. Maxamed C/llaahi Cumar wuxuu ka hadlay kulan uu Nairobi  kula yeeshay wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland/Somalia, isagoo ka hadlaya kulanka dhexmaray wakiilka qaramada midoobayna,  wuxuu yidhi,  “Waxaan jecelahay inaan halkan shacbiga Somaliland uga sheego mowqifka Jimciyada quruumaha ka dhaxaysa ee weerarkii dhawaan ay maleeshiyo hubaysani ay ku soo qaaday Somaliland, gaar ahaan degmada Buuhoodle iyo dhaqdhaqaaqa kale ee siyaasiga ah ee ka socda Somaliland ee dadka qaar ku doonayaan inay majaro habaabiyaan midnimada qaramada Somaliland. Jimciyada quruumaha ka dhaxaysaa waxay caddaysay inay taageersan tahay nabad-gelyada oo aanay ogolayn cid waxyeelaysa midnimada iyo wada jirka arrimaha Somaliland ee nabad-gelyada ku dhisan.”
“Waxaanu ugu baaqaynaa kooxaha hubaysan ee nabad-gelyo darradda ka wada meelo ka mid ah Somaliland inay ka waantoobaan colaada oo wixii ay qabaanna ee fikir ah nabadgelyo lagu dhameeyo,”Ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *