Hargeysa(ANN)Madaxweynihii hore ee Somaliland, isla markaana ah  Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee UDUB . Daahir Rayaale Kaahin, ayaa sheegay inaanu ku metelin gudoomiye xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiinka qaybgalka shirka London oo aanu waxba kala socon. Gudoomiyaha

xisbiga Mucaaridka UDUB. Daahir Rayaale oo maanta dalka dib ugu soo laabtay, waxa kale oo uu sheegay in ujeedada safarka uu dalka ugu soo laabtay waqtigan yahay mid la xidhiidha xalinta khilaafka UDUB oo mudooyinkii u danbeeyay cirka isku sheeraray. Kadib markii khilaaf ka dhashay musharaxa madaxweynaha ee doorashada soo socota oo laysku maandhaafay sababay inay laba garab u qaybsamaan.
Madaxweynihii hore Daahir Rayaale  oo maanta kasoo degay madaarka caalamiga ah ee Hargeysa, ayaa soo dhowayntiisa ay ka muuqatay  xamaasad iyo kala jiidasho lu dhaxaysa  labada garab ee xisbigaa  ku hirdamaya, kuwaas  oo mid waliba doonayay  sidii uu u hanan lahaa kalsoonida Guddoomiyaha.
Guddoomiyaha Xisbiga UDUB oo saxaafadda kula hadlay Gurigiisa magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu socdaalkiisu la xidhiidho sidii  loo furdaamin lahaa khilaafka labada garab u kala jabiyay xisbigiisa ee ka dhashay murashaxnimada Madaxweynenimada xisbiga ee Guddoomiye Ku xigeenkiisii Axmed Yuusuf Yaasiin ugu magacaabay Jamaal Cali Xuseen oo ay isku gobol ka soo jeedaan horena aan ugu jiri jirin xisbiga UDUB.
Sidoo kale Daahir Rayaale waxa uu ku baaqay in nabad iyo wada hadal la soo afjaro xiisadda ka oogan gobolka Buuhoodle. Daahir Rayaale waxa kale oo uu ku dooday inaanu garanayn wax maslaxad ah oo Somaliland ugu jirta shirka London, waxase uu tilmaamay in cidii ka qeyb gasha lagala xisaabtami doono midhaha ay ka keenaan. Guddoomiyaha UDUB waxa uu daadifeeyay Guddoomiye ku xigeenkiisii oo u ambo baxay inuu ka qeyb galo shirka London, waxaanu xusay inaanu xisbiga ku metelin ee uu shakhsiyadiisa uga qeyb galay.
Soo dhaweyntii Daahir Rayaale waxa si weyn uga dhex muuqday Garabka xisbiga UDUB ee uu Hoggaaminayo Cali Maxamed Waran-cadde, halka xubno kale oo ka socday garabka taabacsan Axmed Yuusuf ay qayb ka ahaayeen soo dhowayntaa. Iyadoo socdaalka Daahir Rayaale kusoo beegmay iyadoo ay dalka ka maqan yihiin Gudoomiye xigeenkiisa oo ahaa ku simaha Axmed Yuusuf Yaasiin iyo ninka ay garabkiisu dhowaan u magcaabeen inuu noqdo musharaxa xibiga ee doorashada madaxtooyada ee soo socota.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *