Hargeysa(ANN)Gudoomiye ku xigeenka kowaad ee Xisbi Muxaafidka KULMIYE , Dr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa kulul u canbaareeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa oo uu ku tilmaamay mid  ay ku hungoobeen dadku  oo aanay ka helin wixii ay ku doorteen, isagoo dhinaca

 

kalena ku sifeeyay mid musuq-maasiqii lagu eedaynayay xukuumaddii hore bara dhaafisay.
Sidoo kalena waxa uu Dr. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ka hadlay  iscasiladdii Agaasimahii guud ee wasaaradda arimaha dibadda Maxamuud Raage  oo  uu sheegay in iscasilaadda agaasimahani ay ka dhalatay musuq-maasuqa hadheeyay xukuumadda uu hogaaminayo Siilaanyo ee xisbigooda KUlmiye.
Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee  KULMIYE Dr. Cabhdiraxmaan Cabdiqaadir  waxa eedahaa iyo dhaliilo kaleba ka sheegay mar uu maanta shir jaraa’id ku qabtay hotelka  Corwn ee Caasiamda Hargeysa.
“Xukuumada  talladda haysaa ay ka dagaalantay musuq-maasuqa,  balse nasiib darro waxay tahay in maanta lagu xanto musuq-maasuqii ay ka dagaalamaysay markii ay Mucaaridka ahayd muddo ka baddan sideed sanno . dadka qaarkood oo weliba kulmiye dadkii ahaa ee aadka ahaa,waxay aaaminsan yihiin musuqmaasuqii aanu ka dagaalamaynay ,oo aanu sideeda sanadood ka qaylinaynay inuu maanta isagoo kasiibatay mooyaane inaanuu kayaraan, agaasimaha guud ee iscasilay sheekadii wuu bedelay wuxuu inoo sheegay inuu xaqiiiq hayo, inuu waxla taabto hayo, inuu warqado hayo , inuu documents-yo hayo inuu qodobayn karayo wixii lalunsaday iyo sidii loo lunsaday iyo halkiii lamariyay wax danboo markaa la iska indho tiri karayaay majirto waxa loo baahanyahay arintii inaan la denbabasin(la daadifayn), ee laga badheedho  oo  labaadho ,oo haddii laga maarmi waayo hay’addo  caalamiya way jiraane kuwo halkan ka shaqeeyaa oo waxaa baadhaa loo diro  oo dib loo baadho oo arintaa laga baraaan dego oo lasoo xaqiijiyo,  ama la beeneeyo.” Ayuu yidhi C/raxmaan C/qaadir.
“ In la yidhaahdo dawladii odhad bay dirtoo baadhaya, sheekadaasi sheeko iibsamaysa maaha dawladu waata la baadhayaa ,  odhet kayagiibaa soo saxeexoo yidhi , “waxba majiraan”  cid idinka akhrisanaysaa ma jirto baadhis caalamiya baa loo baahanyahay” ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga kulmiye.
Sidoo kale waxa uu baaq u soo jeediyay Madaxweyne Siilaanyo, isagoo yidhi,  “Madaxweynaha waxaan leeyahay magac iyo sharaf baad ku timi dadkii kuu codeeyey maanta hadaad cod u qaadid umalayn maayo 20%,  inaad ka helay waana  xaqiiqda taasi , dadkii aad iyo aad ayay u niyad jabsanyihiin wixii ay filanayeen iyo wax udhow toona may helin maamulxumo iyo jaahwareer baa ku jira xukuumadda ”.
Dhanka kale Dr. Cabdiraxmaan Cabduqaadir  wuxuu ka hadlay shirka dhowaan ka dhici doona magaaladda London, isagoo  yidhi,  “anigu shaqsiyan waxaan ahaa dadkii lahaa shirkaas yaan la tegin, sababtaan u lahaana mid keliya ayay  ahayd , mid aan Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ka bartay ,casharaan qaatay isagu markuu gudoomiyaha xisbiga kulmiye ahaa bay ahayd,  wuxuuna had iyo goor na odhan jiray oo nagu gubaabin jiray shir aanad garanaynin waxa kasoo baxaya lama tago , markaa waxaan lahaa waar hadii aynaan hubin bahalkii wax faa’ido ee inoogu jira waar bilaw waraabe inaga soo baxaa, go’aanka waxaan  u daynayaa  dawladda,  dawladii waxay go’aansatay inay  tago, iyadoo ku  qanacday inay ku jirto Somaliland danteedu waana  ku taageeraynaa markaa waynu ugu ducaynaynaa illaahay waxaanu ka baryaynaa inay ku guulaysato”
Gudoomiye kuxigeenka xisbiga kulmiye waxa kaloo uu ka hadlay xaaladda deegaanka Buuhoolle, isagoo yidhi, “dagaalka waxa keenay fashilaad taasina waxay ahayd shirkii taleex lagu qabtay wax khaatumo loo bixiyayna laga sameeyay arin inaga hoosbaxday ayay ahayd shirkaas waynu ogayn inuu soo socdo waynu ogayn dadkii ka qayb galayay Berebera iyo Hargaysa ayay  kasoo degeen, Punt land way diiday shirkaas laakiin inagu waynu tageernay waxaynuna iska dhaadhicinay iyo cid inagu tidhi garan maayee shirkaasi waa shir dadka deegaanku arimehooda  khusuusiga ah kaga hadlayaan,  waar mameesha Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise baa lagaga tashanayaa dan dadka deegaanka ahna  lagaga tashan maayo” ayuu yidhi Dr. C/raxmaan C/qaadir.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *