Hargeysa(ANN)Wefdi Haween ah oo ka socda Baarlamanka Djibouti, ayaa maanta booqasho ku yimi Somaliland. kadib markii ay saaka kasoo degeen  garoonka  diyaaradaha Cigaal international Airport ee magaalada Hargeysa.Haweenka ka socday Baarlamaanka Djibouti oo ka kooban
shan  xildhibaan waxa garoonka diyaaradaha  kusoo dhoweeyay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane C/raxmaan Maxamed C/llaahi (Cirro), Gudoomiye ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Mudane C/Casiis Maxamed Samaale , Xildhibaano ka tirsan labada gole ee Sharci dejinta Somaliland,Shaqaale hoosaadka golaha Wakiilada iyo Xubno ka socday dallada ay ku bahoobeen ururadda haweenka ee NAGAAD.
Madaxa Weftigan ka socda Baarlamanka Djibouti Xildhibaan Caasha Maxamud Rooble oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramaysay warbaahinta ayaa ujeedada socdaalkooda ku tilmaantay xidhiidh isbarasho oo dhex mara labada baarlamaan ee Somaliland iyo Djibouti. Iyadoo xustay  in labada dal ee Somaliland iyo Djibouti uu ka dhexeeyo Xidhiidh Walaaltinimo iyo mid darisnimo.
Xildhibaan Caasha Maxamud Rooble waxay sheegtay inay tahay markii u horaysay ee haween ka tirsan Baarlamanka dalkaasi ay booqasho ku yimaadaan Somaliland,  isla markaana ay kulan la yeelan doonaan Haweenka ka tirsan Golayaasha sharci dejinta Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada kana wada hadli doonaan arrimo badan oo taabanaya nolosha haweenka.
Xildhibaan Caasha waxay sheegtay in loo baahan yahay in la iska kaashado wax ka qabashada dhibaatada gudniinka fircooniga ah,waxaanay intaas ku dartay inay ku faraxsan tahay inay markii u horaysay booqasho ku yimaadaan Somaliland.
Dhinaca kale  Xildhibaan Baar Siciid oo ka tirsan golaha Wakiilada iyo Xildhibaan Faadumo Jaamac Ileeye oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Somaliland ayaa sheegay inay Shantan haween ee ka tsocda  Baarlamaanka dalka Djibouti ay ku soo dhawaynayaan Somaliland oo ah dalkoodii labaad.
Waxayna  xuseen in natiijada booqashadan ay u arkaan mid sii kobcinaysa xidhiidhka wax wada qabsi ee u dhexeeya labada wadan iyo gaar ahaan labada gole Baarlamaan, iyadoo xustay  inay tahay markii koowaad ee haween ka tirsan Baarlamanka Jamhuuriyada Djibouti ay Socdaal ku yimaadaan.
Haweenka ka socda Baarlamaanka Djibouti ayaa mudo afar maalmood ah booqasho ku joogi doona dalka Somaliland, iyagoo kulamo la yeelanaya haweenka dhigooda ah ee Baarlamaanka Somaliland iyo Ururada ay ku bahoobeen Haweenka Somaliland kuwa ugu waaweyn.

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *