Hargeysa(ANN)Madaxweynihii hore ee Somaliland, isla markaana  ah Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Daahir Rayaale Kaahin ayaa maanta dalka dib  ugu  soo laabtay, isagoo tan iyo markii uu xilka wareejiyay dhamaadkii sannadkii hore ku maqanaa dibeda. Daahir Rayaale oo

ay wehelisay Marwadiisa  Hudda Barkhad Aadan waxa uu ka soo degay dhabada diyaaraha ee magaalada Hargeysa,  waxaana halkaa ku qaabilay Madaxweyne Ku Xigeenkii hore ahna Guddoomiye Ku xigeenka xisbiga UDUB Axmed Yuusuf Yaasiin iyo xubnihii Golaha Wasiirrada ee xukuumadiisii. Sidoo qaar baddan oo ka mid ah taageerayaashiisa ayaa kusoo dhoweeyay madaarka.
Madaxweynihii hore waxa loo soo galbiyay dhinaca magaalada Hargeysa waxaana wadooyinka taagnaa dadweyne tiro badan oo ka qeyb galay soo dhawayntiisa isagoo  booqday xarunta dhexe ee xisbiga UDUB iyo saraakiil ka socday xisbiga UCID,  wax yar ka dibna waxa uu tagay gurigiisa magaalada Hargeysa waxaanu hadal kooban oo uu ka jeediyay halkaasi uu dadweynaha Somaliland ugu baaqay inay ilaashadaan midnimadooda iyo wada jirkooda.
“Waxaan u hambalyaynayaa shacbiga Somaliland ee i soo dhaweeyay, waxaan u mahad naqayaa qof kasta oo ka qeyb qaatay aad iyo aad ayaan ugu faraxsan nahay inaan dalkaygii ku soo noqdo. Waxaan leeyahay masuul kasta oo xil qaadaa sidii sharafta lahayd ee aan u wareejiyay ha u wareejiyo,”ayuu yidhi Daahir Rayaale.

Gudoomiyaha UDUB oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan waraysanayaa ragaygii (Xisbigaygii) markaan waraysto, mana doonayo inaan wax ku dhex dhaco oo aan si khaldan uga hadlo sadex illaa afar cisho ka dib ayaan shir jaraa’id qabanayaa Saxaafaddu ha ii kaadiso. Waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa inay wadajirka iyo midnimadooda ilaashadaan.”
Xubnaha Wasiirradii xukuumadii dhacday ayaa iyo qaar ka mid ah taageerayaasha UDUB oo doonayay inay galaan madaarka ayaa laga hor istaagay. Kadib markii lagu horjoodsay halkaa, taas oo buuq iyo sawaxan ka abuurmay, balse markii danbe qaarkood la sii daayay. Xubnaha UDUB ee xukuumaddii hore ayaa   si weyn u kala hororsanayay soo dhawaynta Guddoomiyaha xisbiga UDUB, kuwaas oo sababay inuu ku sigto inuu kufo, ashqaasta soo dhowayntaa ka dhexmuuqday oo ka mid ahaa xukuumaddiisii hore ayaa u muuqday  kuwo ku  hirdamaya qofka uu ku wareejin doono xisbiga UDUB oo aan lahayn Gole dhexe oo sharci ah, isla markaana aanu jirin wax sharciyad ah oo ay ku kala baxaan ka dib markii shirweyneyaashii xisbigaasi muddo dhaafeen, isla maraakana u qaybsameen garabyo iyo kooxo.

Qaar ka mid ah garabyada iyo kooxaha uu xisbiga UDUB u kala qaybsanayahay oo kala daadsanaan badani ka muuqato xiligan ayaa ku doodaya inay lagama maarmaan tahay oo  Guddoomiyaha UDUB looga fadhiyo  inuu qabto shirweynihii xisbiga,  isla markaana uu magacaabo Golihii dhexe ee xisbiga oo shirweynihii 2009-kii ay yeesheen ay ku go’aamiyeen inuu Guddoomiyuhu soo magacaabo xubnaha Golaha dhexe.
Dhinaca kale Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa jawaab ka bixiyay eedo masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee UDUB u jeediyeen oo la xidhiidhay inuu masuuliyiinta iyo taageereyaasha xisbigaas ka hor-joogsaday inay gudaha madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyaan Guddoomiyaha xisbiga UDUB.
Wasiirka Duulista oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa magaalada Hargeysa waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedahaasi isagoo  yidhi,  “Eeda xisbiga UDUB nagu eedeeyeen inaanu u diidnay inay galaan qolka VIP-da ee madaarka Hargeysa waa mid waxba kama jiraan ah oo been ah. Xaqiiqadu waxay tahay waxaanu isku qabanay masuuliyiinta UDUB wax cad ayay ahayd Daahir Rayaale Kaahin, waa Madaxweynihii hore ee Somaliland waana gudoomiyihii xisbiga mucaaridka ah ee UDUB maamuus qaran ayuu nagu leeyahay milgihiisana waanu garanaynaa.”
Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay inay masuuliyiinta xisbiga UDUB u ogolaadeen inay galaan gudaha madaarka loona furo qolka nasashada ee VIP-da waxaanu yidhi “Waxaanu u ogolaanay dhamaan masuuliyiinta xisbiga UDUB inay galaan gudaha madaarka oo loo furo qolka nasashada gaadiidka ay wataanna loo dhigo Parking-nada madaarka dadka taageereyaasha ah ee faraha badanna ay dibada sii joogaan sababo la xidhiidha amniga madaarka darteed.
Maamuus xumayna may ahayne ammaanka ayaa sidaasi loo yeelay, madaarka Hargeysa dad baa ka dhoofaya qaarna way ka soo degayaan waxaas oo dad ah looma sii dayn karo qolka nasashaduna ma qaadi karo boqolaalkaas qof.”
“Markaa waxay yidhaahdeen masuuliyiinta UDUB haddii aan nala sii wada dayn anaguna geli mayno gudaha. Masuuliyiinta maanta qeylinaya ee cabanayaa waa raggii shalay xilka hayay kuwa maanta talada hayaana waa mucaaridkii shalay. Sidii ay noola dhaqmi jireen markaanu masuuliyiintayada soo dhawaynayno. Dhitadii ay dhigteen ula macaamili mayno,”ayuu yidhi Wasiirka Duulista hawaddu, wuxuuna ku eedeeyay masuuliyiinta UDUB inay iyagu masuul ka ahaayeen wixii muran ka dhacay madaarka. 

Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

 

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *