Widh-widh(ANN)Boqolaal ergooyin ah oo ka mid ah Madaxdhaqameedka, waxgaradka iyo siyaasinta gobolka Sool iyo Buuhoodle  ayaa kusii jeeda Widh-widh oo ka tirsan deegaanka Buuhoodle, kuwaas oo ka qaybgelaya shir nabadeed la doonayo in xal loogu raadiyo tabashooyinka dadka

deegaanka Sool iyo Buuhoodle qaarkood oo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) marar baddan ugu baaqay gogol iyo  wada hadal nabadeed, balse ay hore uga dhega adaygeen.
Shirkan nabadeedkaa  oo ay gogoshiisa fidisay xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa inuu maalinta Salaasada 21, Jun 2011  si rasmi ah uga furo halkaa, iyadoo ay  warar hor dhaci sheeagyaan inay ka qeyb galayaan ku dhowaad 300 oo ergay oo ka kala socda salaadiinta, cuqaasha, aqoon yahanada iyo waxgarada Gobolada Sool iyo Buuhoodle, waxaana badi ergooyinku ay soo gaadheen goobta shirka lagu qabanayo ee degmada Widh-widh oo laga dhisay taandho weyn oo loo qorsheeyay inay qaado ergooyinka ka qaybgelya shirkaa, iyadoo ay durba gaadheen halkaa inta baddan ergooyinka ka qaybgelaya shir nabadeedkaa. 
Dad kala duwan oo ku sugan deegaanka Widh-widh ayaa u sheegay shebekada Araweelonews in la saadaalinayo inay shirka  kusoo  biiraan saraakiil badan oo ka mid ah kooxda nabad diidka ah ee SSC,  kuwaas oo xiligan go’aansaday inay ka qeyb qaataan wada hadalada nabadda, isla markaana ay tabashooyinkooda ka sheegaan shirka nabadeed ee xukuumadda Somaliland u sameysay waxgaradka gobolada Sool iyo Buuhoodle.
Ergooyinka Shirka ka qaybgelaya ee dhinaca xukuumadda Somaliland oo isugu jira Wasiiro, xildhibaano ka tirsan labada gole ee guurtida iyo wakiilada iyo  saraakiil kale oo xukuumadda ka tirsan ayaa ku sugan magaalada Burco ayaa usii jeeda dhinaca deegaanka widh-widh, iyadoo ay qaar kalena maalinta beri ka baxayaan Hargeysa iyo Laascaanood si ay uga qaybgalaan  shirkaa.
Waxaana aad loo adkeeyay amaanka deegaanka Widh-widh, iyadoo dadweynaha deegaanku  isu abaabuleen inay ergooyinka hordhaca ah ee gaadhay halkaa soo dhowayaan.
Furintaanka shirkaa ayaa kusoo beegmay xili xabsiga loo taxaabay Maayarkii magaalada Laascaanood, kaas oo lala xidhiidhiyay falal ka dhan ah amaanka iyo qarimada Somaliland.
Araweelonews Mobile
Somaliland Office    
E-mail; Info@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com   
shalcaw2@hotmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *