1cNew York (Arraweelo News)Guddida caalamiga ah ee difaaca xuquuqda suxufiyiinta  ee loo yaqaan CPJ ayaa si adag u Cambaareeyey falkii

 

toddobaad ka hor lagu soo weeraray xarunta Wargeska Hubaal, kaas oo aan illaa hadda xukuumadda Somaliland wax tallaabo ah ka qaadin marka laga reebo nin askari ah oo u xidhan.
Guddida Caalamiga ah ee Difaaca Suxufiyiinta ee CPJ  magacooda loo soo gaabiyo (Committee To Protection Journalists) ayaa  warbixin ay xalay ka soo saareen xaruntooda Magaalada New York ee dalka Maraykanka waxa ay  si adag ugu eedeeyeen xukuumadda Siilaanyo inay   soo maleegtay dilkii dhawaan fashilmay ee la doonaayey in lagu khaarajiyo maareeyahii guud ee wergeyska HUBAAL Maxamed Axmed Jaamac  (Calooley).  Warbixinta CPJ oo Saaka lagu soo daabacay Wargeyska Guunka ah ee New York Times,   isla markaana ay ku shaaciyeen boggooda internetka ayaa hor dhac looga dhigay “Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa xaqiijiyey  nimankii weerarka isku dayga dilka ah dhawaan doonaayey inay ku khaarajiyaan  Maareeye Maxamed Axmed Jaamac ay ahaayeen Boolis”. Qoraalka warbixintan  isagoo sii socda waxa uu faahfaahin ka bixiyey sidii falku u dhacay,  “laba nin oo afka soo duubtay ayaa  weerar ku soo qaadey xarunta wargeyska HUBAAL oo ku taalla caasimadda Hargeysa  abaaro 11:30 habeenimo iyadoo wakhtigaasi hawl-wadeenadda HUBAAL  ku jireen hawl ay dib ugu eegayaan nuqullada wararka wargeyska ku soo baxaayey maalinta xigtay (khamiistii)”. CPJ oo Xiganaysa Saxaafadda Maxaliga ah ee Somaliland waxa ay intaa ku ladhay,  “sida ay warbaahinta maxaliga ahi tabiyeen mid ka mid ah labada nin ee habeenkaas weerarka ku soo qaaday xarunta wargeyska    wuxuu xabbad rasaas ah ku riday Maxamed Axmed Jaamac Agaasimaha  HUBAAL,  laakiin wuu la waayey oo kumay dhicin.  Maxamed,  waxaa dhaawac ka soo gaadhay gacanta oo jabtay iyo faraha oo iyaguna jabay iyadoo isla wakhtigaasi  falku dhacay ay hawl-wadeennada Wargeysku  awoodooda  iskugu geeyeen  sidii  mid ka mid ah labada nin ee weerarka soo qaaday  ay u qaban lahaayeen, kaas oo  ay ugu danbayntiina u suurtagashay inay qabtaan”. Sida uu CPJ u sheegay   Abdillahi Adam Omar, chairman of Hubaal Media Network. Maxamed waa Maareeyaha  Hubaal Media Network, kaasi oo soo saara Warsidaha Afsoomaaliga ah ee Hubaal iyo  The Independent oo Isagu afka Ingiriisiga lagu daabaco.  Sida auu CPJ u Sheegay  Hubaal Editor-in-Chief Hassan Hussein Abdillahi.

Sabab Loo Bar-tilmaameedsaday Hubaal

Difaacayaasha Saxaafadda Caalamiga ah ee CPJ, waxa ay warbixintooda ku tilmaameen in Wargeyska Hubaal uu Maalmo ka hor Intaan Lasoo weerarin daabacay Qoraalo  iyo warar ku saabsan Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isagu Isagu Ka mid ahaa Wefti Madaxweyne Siilaanyo  oo London Ku Sugnaa,   waxaanay   sheegtay inuu jiro tuhun   laga qabo Madaxtooyadu ku lug leedahay falkan.

“Todobaadyadii uu dambeeyey waxa Wargeyska Hubaal dhaliilo ka qoray Maamulka Dawladda Somaliuland ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, sida uu noo sheegay  Guddoomiye Cabdillaahi.
Waxa kalo wargeysku dhaliilay wasiirka Arrimaha Gudaha oo  kala xigtaystay warbaahinta ka jirta dalka gudihiisa,  gaar ahaan mar uu ka warramay dhacdadii halista ahayd ee horaantii bishii April ka dhacday Deegaanka Caynabo oo ay shirkadaha baadhista shidaalka sahaminayaan halkaas.
Wargeyska Hubaal waxa kale oo uu Dhawr warbixinood ka daabacay Musuq maasuq lagu xidhiidhinayo qaar kamid ah masuuliyiinta Xukuumadda Siilaanyo, sida uu CPJ u sheegay Tifaftiraha WArgeysku. Dabayaaqadii bishii March Ciidammada Bilayska Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay  Jaamac Cilmi oo Maqaalo dhaliilaya Xukuumadda ku qoray Wargeyska Hubaal, dhaliilahaas oo ay kamid yihiin Musuqmaasuq,   iyo qabyaalad ay ku kacaan qaar kamid ah masuuliyiinta xukuumadda, taas oo keentay in la xukumo loona cuskado qoddobo ay kamid yihiin Aflagaado qaran, waxaana lagu xukumay xadhig lix bilood ah iyo ganaac lacageed oo Hal Milyan oo Shilinka Somaliland ah.

Gebo-gabo
“Weerarka lagu qaaday xarunta wargeyska Hubaal iyo Maxamed Axmed Jamac waa dhacdo ugub ku ah dalka, taas ka fajicisay shacabka  iyo calaamkaba inay laba nin oo ka tirsan ciidamada bilayska oo afduuban weerar ku soo qadaan xarun warbahineed” sidaa waxaa sheegay agaasimaha  isku xidhka iyo xuquuqda suxufiga ee CPJ Maxamed Keita.  Isaga oo intaa kudaray “Waxaanu ku  haysanaa maamulka iyo masuliyiinta ka tirsan Somaliland inay ilaaliyan ammaanka iyo nabadgelyada  wargeyska Hubaal iyo hawl wadeennadiisaba, waxanan uga baaqaayna in cidii ka dambaysay dhacdadan iyo kuwa geystayba laa hor keeno caddaalada sida ugu dhakhsahaa badan” ayaa lagu soo gebogabeeyey WArbixinta ay Guddida CPJ ka soo saareen dhacdadii Hubaal ee toddobaad ka hor.

Ka Sokow baaqani ka soo baxay Guddida ilaalinta xuquuqda suxufiyiinta ee CPJ waxaa la filaya maalmaha soo socda in haayado kale oo ay ka mid tahay AMNESTY INTERNATIONAL  ay toos uga hadlaan arrintan, oo  dhaawac siyaasadeed ku  ah xukuumadda Siilaanyo.

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *