ukrine1
Ukraine(Arraweelo News) Madaxweynihii dalka Ukraine Viktor Yanukovych ayaa ka cararay qasriga madaxtooyadda ee uu deganaa, waxaana dhismaha Madaxtooyadda iyo xafiisyada muhiimka ah

la wareegay Mucaaradka wadanka Ukraine.

Viktor Yanukovych ayaa u baxsaday magaalo dhinaca bariga wadankaas oo ku dhaw xadka ay wadaagaan Ruuska iyo Ukraine. Ciidanka ilaalada madaxtooyada ayaa isu dhiibay shacabka iyagoo si nabad gelyo ah ugu wareejiyay furayaasha xafiisyada,Telefeshinka, Ukraine waxayna balanqaadeen in ay sii dayn doonaan khudbad laga duubay Madaxweyne Viktor Yanukovych ka hor intii aanu cararin.

Shacabka iskusoo baxyada ka dhigayay wadanka ayaa lafilayaa in ay si buuxda talada ula wareegaan,hoggaamiyaha mucaaradka Ukraine Vitaly Klitschko oo Telefeshinka ka hadlay ayaa ugu baaqay shacabka in ay isdejiyaan.
In ka yar labaatan iyo afar saacadood kadib, ayaa heshiiska Madaxweynaha Ukrain Viktor Yanukovych iyo mucaaradka oo loogu tala galay in lagu dhameeyo dhibaatooyinka siyaasadeed ayaa mucaaradka la wareegeen albaabka guriga Madaxweynaha.

Madaxweynaha Ukrain, Viktor Yanukovych ayaa hore u sheegay in aanu iscasilayn. Isagoo ka hadlaya telefishinka magaalada Kharkiv,  isagoo Mr Yanukovych ka jawaabayay talaabada uu baarlamaanka dalka Ukraine qaaday ee ay ugu codeeyeen in Madaxwenaha shaqada laga eryo, isla markaana waxay ku dhawaaqeen taariikhda la qabanayo doorashada madaxweynenimada oo ay u qorsheeyeen 25 May ee soo socota.
Hase yeeshee Madaxweyne Yanukovych ayaa sheegay in baarlamaanka uu sharciga jabiyay markuu magacaabay afhayeen cusub iyo xabsiga laga sii daayo Ra’iisalwasaaradii hore Yulia Tymoshenko.
Wuxuu is barbar dhigay xaalada siyaasada Ukrain xisbigiii Naziga ee Jarmalka jiray 1930 iyo xaalada maanta ee Ukraine, waxa la weeraray gaadhigiisa, ka hor intii aanu ka baxsan madaxtooyadda, balse waxa ku hanjabayay in aanu baqayn.
Mudaharaadyada ayaa dalka Ukraine ka socday dhawrkii bilood ee danbeeyay, waxayna u ekaayeen kuwo ay dabada ka riixeeyeen siyaasado dalkaa kaga imanayay debeda, iyadoo Maraykanka iyo Ruushku isku haysteen faragelinta iyo gacansaarka siyaasada dalka Ukrine ooh ore uga tirsanaan jiray Midawgii Soofiyeeti. 
arraweelo.com@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *