Addis Ababa(Arraweelo News)Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland ee Somalia Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Debeda Ethiopia. Kadib markii uu

booqasho ku tegey shalay xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa.
Kulankaa oo ahaa mid casho sharaf  soo dhaweyn ah loogu sameeyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kadib markii uu maanta booqasho ku tegey halkaa.

Madaxweynaha Puntland waxa safarkiisa ku wehlinayay wasiirka arrimaha gudaha maamul goboleedka Puntland ee Somalia Axmed Cilmi Cismaan, wasiirka warfaafinta Cabdiweli Indhogudhan , taliyaha guud ee ciidanka difaaca Puntland Gen. Siciid Dheere iyo hawlwadeeno ka tirsan madaxtooyadda.

Casha sharafta waxa ka soo qayb galay wasiirka arrimaha dibadda Ethiopia Tedros Adhanom , Safiirka Ethiopia ee Somalia Amb. Wandhimo Asaminow , safiiradda geeska Afrika iyo weliba Diblumaasiyiin Ethiopian ah.

Madaxweynaha Puntland ayaa kala hadlay masuuliyiinta Ethiopia xoojinta xidhiidhka nabadgelyo iyo ganacsi ee u dhaxeeya labada dhinac, waxaana wararka la xidhiidha safarkiisa sheegayaan in  uu la kulmi doono Ra’isal wasaaraha Ethiopia Hailemariam Deselegn, balse ma cadda waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.
info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com

What’s your Reaction?
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0
+1
0

By info

Motivated, teamwork-oriented, and responsible manegment , Development, Data analyst with significant experience in increasing comprehension of reports and presentations, and working in the Somaliland media, human rights, social affairs, democracy and the nation-building process for the past two decades, by the average professional.experien and Highly educated, possessing a Professional Certificate of Journalism ,DIploma and BA Journalism and Politics.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *